Götene
Degmadda Götene waxeey ku taala Västra Götaland barbarka xeebta Vänerns qeeybtiisa bari-koonfureed, waxeeyn degmada ka kooban thay xaafadaha Götene, Hällekis, Källeby iyo Lundsbrunn. Degmada Götene waxaa ku taalo ku dhawaad 1 400 shirkad iyo 180 ururo oo shaqeeyo.
Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
13257
Cabirla dhulka
405 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Degmada waxaa ku taalo shirkado-guri oo badan. Shirkada ee degmada lee dahay Götenebostäder ayaa ugu weeyn.
Hel shirkadaha guryaha iyo guryaha
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Qaar ka mid ah luqada lagaga hadlo Götene waa carabi,daari, faarsi, af kaarin, baashto, soomaali, isbaanish, ruush iyo ingiriiski.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada waxaa jira jaaliyado badan oo kala duwan. Tusaale ahaan jaaliyadaha cayaaraha, jaaliyadaha dhaqanka, kaniisado iyo isbahaysiyo kala duwan. Wesidka degmada waxaad ka raadin karaa jaaliyadaha ka diiwaangashan kadibna waxaad kadooran kartaa jaaliyada markaa adiga ku anfacaysa.
Maxaa ka ag dhaw
Bartamaha Götene waxaa ku yaalo xafiiska dad weeynaha, maktabad, xafiiska bulshada, farmashiye, shaleemo, goob-dabaal, kaniisado, goob banooni oo leh coowska warshadeeysan, goob jimicsi, kafeteeriyo iyo maqaayado. Gudaha bartamaha Götene waxaa badankood waxaa laga gadan karaa dukaamankeena. Waxaa jiro dukaan-gacan labaad oo hayo alaab guri, dhar iyo maacuun.
Xiriirada bogagga internetka ee kale.
Waxaa balan lala samaysan karaa Qasnada Caymiska markaasi iyaga ayaa imanaya Götene, xafiiska wuxuu ku yaalaa Lidköping. Iyadoo kombiyuutarka la adeegsanaayo ayaa lala hadli karaa Xafiiska shaqada, xafiiska waxuu ku yaala Skara. Degmada waxeey leedahay Xafiiska suuqa shaqada oo siiyo tageero dheeraad ah qofka shaqo la'anta iyo Kooxda is-dhexgalka bulshada kuwaas oo ka shaqeeya qaabilaada qoysaska qaxoontiga ah iyo caruurta qaxoontiga ee keligood yimi iyo dhalinyarada.
Dalyeelka carruurta
Dugsiyaal xanaano waxeey ku yaalin Götene, Hällekis, Lundbrun iyo Källby. Sido kale waxaa jiro xanaanada reerka ee maalmeedka iyo dugsiyaal xanaano oo madax banaan. Sido kale bartamaha Götene waxaa ku yaalo dugsi xanaanda furan ee Xarunta-reerka.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Götene waxaa ku yaalo iskuulo loogu tala galay caruurta uu dhaxeeyo 6 iyo 15 sano. Gudaha Hällekis, Källby iyo Lundsbrunn waxaa ku yaalo iskuulo loogu tala galay cauurta uu dhaxeeyo 6 iyo 12 sano. Dugsiyaada sare waxeey ku yaalaan magaalooyinka hareero Götene. Ardayda badankood waxeey uu safraan dugsiga sare ee ku yaalo Lidköping ama Skara.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Furadaha waxbarasho
Degmada Götene waxeey kala shaqeeysaa degmada Lidköping arimaha ku saabsan tahay waxbarashada iswiishiska soo galooytiga iyo waxbarashada dadka waa weeyn. Waxaa lagu qabtaa Campus Lidköping, oo halkaas xataa lagu soo bandhigo qaar waxbarasho jaamacadeed. Jaamacada ugu dhow waxeey ku taala Skövde.
Caafimaadka
Guriga-bartamaha ee Götene waxaa ku taalo labo rug caafimaad, rugta caafimaadka Närhälsan iyo rugta caafimaadka Kinnekullehälsans. Sido kale halkaan waxaa ku taalo rugta caafimaadka hooyoyinka, rugta caafimaadka caruurta iyo qaabilaada daryeelka ilkaha. Isbitaal iyo qaabilaada degdega waxeey ku yaalaan Skövde iyo Lidköping.
Caawinaad turjubaan
Caawinaad turjumaan luuqad kasto ayaa lagu heli karaa.
Xiriirka gaadiidka
Degmada Götene waxeey saaran tahay E20 inta uu dhaxeeyso Mariestad iyo Skara. Jidka-qaranka 44 waxuu ka saara Götene , ku geeynaa Lidköping ilaa Uddevalla. Tareenka-Kinnekulle waxaa ka mid ah meelaha uu istaago Källby iyo Hällekis. Halkaas ayaa uga sii safri kartaa Göteborg iyo Stockholm. Basaska waxeey dhexmaraan Götene, Källby iyo Lundsbrunn ilaa Lidköping, Skara iyo Mariestad, halkaasi oo laga badalan karo bas ama tareen kale si loo sii safro.
Shaqo iyo ganacsi
Gudaha degmada waxaa ku yaalo dhowr goob-shaqo oo waa weeyn. Götene waxeey uu dhaw dahay magalooyin badan oo leh goob-shaqo oo weeyn.