Uppvidinge

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Magaca Uppvidinge mecnihiisa waa goobaha-jiqda sare, degmaduna waxeey ku badan baadiyaha jiqda iyo wabiyaasha. Halkaan masaafada uu dhaxeeyso guriyaasha, dadkana dhawaanansho ayaa ka dhaxeeyso. Meel kasto aad degmada dagan tahay waxaa kuu dhow adeeg asalka iyo jawi urureed oo xoog leh oo soo bandhigaayo howlo xilliga firaaqo oo badan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9626

Cabirla dhulka

1227 kiilomitir oo laba jibaaran

Ey taagan oo faraha hore u saaranyihiin calaamad jid oo ku dhinac taala jid baadiyaha ah oo yar.  Eygu wuxuu eegayaa tabeelaha jidka oo leh qoraalka gobolka Kronoberg iyo degmada Uppvidinge.

Deegaan

Degmada waxaa ku yaalo guriyaal badan iyo jardiimo ku yaalo dabiica qurxoonoo aagan ah. Dadka xaafadaha dagan badankood waxeey dagan yihiin filooyin iyo guriyaal ku yaalo dabaq. Shirkada degmada ee guryaha AB Uppvidingehus ayaa mulkiile ka ah oo maamusha ku dhawaad 800 oo guri. Sido kale waxaa jira dhowr guri kireeyaal gaar ah. Xaafadaha ugu waaweyn waa Åseda iyo Lenhovda.

Uppvidingehus waxey dhiseysaa guryo cusub si dad badan ay u helaan degaan

Magaalada Åseda oo laga arko cirka.  Kaniisada Åseda iyo xafiiska degmada Åseda oo ka muuqda xagga hore.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Koox-luqadeedka degmada waxuu ku xiran yahay usoo iyo ka guurida. Dadka ugu badan oo degan meesha waxeey ku hadlaan iswiidhish iyo ingriis. Marka lagu daro iswiidhishka hadda koox-luqadeedka ugu weeyn waa af carabi iyo af soomaali. Kuwaas ma ahane waxaa sii jiro afka dari, afka iraan, af tigrinya, afka ruushka, afka booland, afka hungari iyo af jarmal.

Haddii aad hami uu heeyso in ku tababarato ku hadalka iswiidhishka ku soo dhawaaw biibitada-luuqada ee kaniisada Iswiidhan oo ku taalo guriyaashe ururada diimeed ee Åseda, Lenhovda iyo Älghults.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Uppvidinge waxeey xooga sareeysaa jawi urureed oo badan iyo caadimaadka-dadka oo fiican. Jawiga ururada gudahood waxaa xooga la sii saara howlaha caruurta iyo dhalinyarta.

Degmada diiwaankeeda-urureed waxaad ka raadin kartaa ururka aad adiga hami uu heeyso. Waxaa jiro ku dhawaad 200 ururo oo kala duwan oo arimaha ee ka hoowl galaan waxa ka mid ah , dhaqanka, heesaha, dabiicada iyo isboortiga.

Lix baaskiil oo saf ku jira meesha la dhigto baaskiilada.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxaa ku taalo dhowr maktabado oo hayo buugag badan oo loogu tala galay da' kasto. Matkabada degmada waxaad ka akhrisan kartaa oo kale wargeeyska-maalmeedka, waxaad ka deeysan kartaa wargeeysyada iyo cajaladaha-buugaaga. Waxaad ka soo kireeysan kartaa filimin, waxaad si bilaash ahna uga raadin kartaa warbixin ku jirto internetka. Si aad maktabada waxu uga amaahato waxaad uu baahan tahay kaarka-amaahsiga oo aad halkaas bilaash uga heleeysid.

Hadda waxaa jira labo meelood oo lagu kalmo oo ay shaqaale joogaan oo ay soo abaabushay degmada Uppvidinge:

  • Xarunta kulanka Alstermo, Tallvägen 1B, furan tahay maalmaha caadiga ah 11:00-19:00.
  • Xarrunta kulanka Åseda, Södra Esplanaden 9, furan tahay maalmaha caadiga ah 12.00-19.00.

Halkaan waxa ay dadka cusub kula kulmi karaan oo caawinaad ka heli karaan su'aalahooda iyo luqada iswiidhishka. Howlo kala duwan ayaa la sameynayaa waxaadna ka qeyb qaadan kartaa fadhiyaasha waxbarashada. Degmada oo dhan waxeey leedahay goobo kulan oo leh dukaamo gacaan labaad iibiyo. Dukaamada gacan labaadka iibiyo waxaad ka heleeysaa wax kasto laga bilaabo dhar iyo maacun ilaa alaab guri oo rakhiis ah. Lions loppmarknad waxuu ku yaala Lenhovda iyo Åseda iyo Älghult waxaad ka heleeysaa Kupan Röda Korset. Åkvarn-Björkå waxaad ka heleysaa Emmaus.

Xafiiska maamulka bulshada waxaad ka heleysaa Storgatan 29 ee Lonhovda. Haddii aad raacsan tahay howsha la qabsiga waxaad caawinaad ka heli kartaa Xafiiska shaqada ee Växsjö oo ku yaala Kronobergsgatan 18. Xilligooda uu furan yahay waa Isniinaha 9-16 iyo talaado-fredag 10-16. Labada maalin ee ugu horeysa bil kasta waa xiran yihiin.

Lenhovda waxaad ka heleeysaa qeeybta la qabsiga ee degmada Uppvidinge ee wadada Vilada 5 oo soo dhaweeyso da' yarta kaligood timaado, dhalinyaro iyo dadka kale oo dalka ku cusub iyo qoysas. Halkaas waxaa ka shaqeeyo hogaamiye koox, saddex iyo labo gacanyare.

Xarunta-reerka ee Åseda waa goob-kulan oo loogu galay caruurta, dhalinyarada iyo dadka waa weeyn.

Xaafadaha dhisan dhamaantood waxaad ka heleeysa dukaaman cunto, Åseda iyo Lenhovda ayuu ku yaalaa farmashiye.

Nin fadhiya kursi joogana maktabada oo akhrisanaya joornaal. Gadaashiisa waxaa yaala khaanad ay ka buuxaan buug.

Dalyeelka carruurta

Degmada Uppvidinge waxaa ku taalo toban dugsiyaal xanaano ee degmadeed iyo sadax dugsiyaal xanaano oo gaar ah. Dugsiga xnaanda waa hoowl waxbarho kooxeed oo loogu tala gala ycaruurta uu dahxeeyo 1-5 sano. Dugsiyada xnaanada waxeey sida guud furan yihiin sanadka oo dhan, inta badana maalinta ayadoo uu habeeysan xilliga shaqada waalidka ee ku jirto mudada-safarka ama baahida canuga.

Åseda waxaa kale oo ku yaalo xanaanada furan oo lagu soo dhaweeynaayo dhaamaan qooysyada leh caruur uu dhaxeeyo 0-6 sano. Halkaas waa lagu ciyaari karaa, heesi karaa, lagu baran karaan isla markaan la abuuran karaa xariir iyo shabakad.

Laba caruur ah oo mid waliba fadhiyo gambar ag yaala miis.  Mid ka mid ah caruurtan waxuu haystaa shaashada yar ee kambiyuutarka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiga sare Uppvidinge waxaad fursad ugu lee dahay in aad waxbarasho gaar isku aad-aad satid, waxaana kala dooran kartaa koorsooyin badan oo kala duwan. Waxbarashada si dhow ayaa loogala shaqeeyaa jawiga shirkadeed, waxaana heeysaneeysaa kombiyutarka gacanta lagu qaadan karo inta aad waxbarshada wadadit. Fursadooyin badan ayaa ku lee dhay in aad ciyaartid isboorti, xataa xilliga iskuulka. Dugsiga sare wuxuu bixiyaa sidoo kale barnaamijyo macallinimo oo kala duwan.

Sido kale Uppvidinge waxeey lee dahay iskuul-dhaqameed oo aad ka baran karit dheelida qalabka heesaha, heli kartidna barashada ciyaaraha, masiwirka iyo tiyaatarka.

Dugsiga sare Uppvidinge waxaad fursad ugu lee dahay in aad waxbarasho gaar isku aad-aad satid, waxaana kala dooran kartaa koorsooyin badan oo kala duwan. Waxbarashada si dhow ayaa loogala shaqeeyaa jawiga shirkadeed, waxaana heeysaneeysaa kombiyutarka gacanta lagu qaadan karo inta aad waxbarshada wadadit. Fursadooyin badan ayaa ku lee dhay in aad ciyaartid isboorti, xataa xilliga iskuulka.

Furadaha waxbarasho

Dugsiga sare Uppvidinge waxuu soo bandhigaa waxbarashada dadka waa weeyn. Waxbarashada dadka waa eeyn waxaa in badan lala dhigtaa ardayda dugsi sare taasi oo keeneeyso in qeeybo badan oo koorsooyin ku jiro dugsiga sare la soo bandhigi karo. Dugsiga sare Uppvidinge waxuu lee yahay oo kala Grundvux oo lagu dhameeystiri karo waxbarashada dugsiga-hoose. Waxbarashada dadka waa weeyn waxuu lagu soo bandhigaa oo kale ayadoo nuuc masafadeed ah oo dhanka barashada daryeelka.

Barshada-iswiidhishka ee loogu tala galay ajnabiga waxeey ka jirtaa Älghult iyo Åse, barashada-bulshada waxaa si isku xigto lagu soo bandhigaa meelo badan ayadoo la fiirinaayo baahida.

Caafimaadka

Lenhovda waxaa flyktinghälsan oo soo daryeel caafimaad iyo bukaan usoo bandhigo qofka magangalyo doonk ah. Boqoashada dhakhtarka iyo daawada waxeey ku saleeysan tahay lacagta magangalayo doonka uu helo.

Uppvidinge waxaad ka heleeysaa saddex rugta caafimadka oo ku taalo saddex xaafad oo qaabilo karto qofka heeysto sharci daganaansho. Rugta caadimaadka Lenhovda iyo Åseda waxaa kala wado maamulka caafimaadka gobolka iyo, Alstermo waxaa ku taalo xarunta-caafimaadka Falken. Ruggaga caafimaadka dhamaantod waxeey lee yihiin qeeyb caruureed.

Degmada waxaa ku taalo qeeyb dhakhtar ilko oo badan. Lenhovda iyo Alstermo waxaad ka heleeysaa daryeelka ilkaha ee dadweeynaha.

Caawinaad turjubaan

Markii aad xariir la yeelaneeyso degmada ama hey'ad dowladeed waxuu qofka aan iswiiidhishka afkiisa hooyo aheeyn, heli karaa turjuman haddii uu arko in aan laga maarmin. Maanta caawinaada-turjumaanka waxaa lagu soo bandhigaa luuqado badan. Turjumaanada waxaa adeegsanaayo xafiiska-turjumaanada, dabcana waxeey lee yihiin sir-xafidid. Caawimaada turjumanka waxaa laga heli karaa oo kale xafiiska shaqada adeegiisa taleefanka oo luqado badan leh, haddii ay khuseeyso qofka wadanka ku cusub qorshahiisa la qabsiga. Degmada qeeybteeda la qabsiga waxey keligeed maareeyn kartaa ingiriiska, carabiga iyo faransiiska.

Xiriirka gaadiidka

Isgaarsiinta dad weeynaha ee degmada waxaa kala wada gaar ah Länstrafiken Kronoberg, boggodena waxaa ku jirto waxbixin ku saabsan jawdalka-socdalka iyo sicirka-tikitka.

Xaafadaha weeyn ee degmada waxeey isgaarsiin-baseed oo fiican ee lee yihiin dhanka Växjö ku socoto. Växjö marka aad tagto ayaa ka sii aadi kartaa meelaha kale ee Iswiidhan iyo caalamadka adigoo raacaayo tareen iyo duulimaad. Laakin xaafadaha ee degmada ku yaalo waa ka adkaan kartaa isgaarsiinta taasi oo keeneeyso xiliyo-safareed oo dheer.

Bas cagaar ah oo istaagay halka basku joogsado.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada ee dagan yihiin 9300 oo qof waxeey lee dahay 1100 shirkad taasi oo mecnaheed tahay in qofkii halkiiba sideed oo aad kula kulanto jidka waxuu kala wada shirkad. Waxaa jiro shirkado ka hoowl galo qeeybaha dhamaantood iyo jiheeyn kasto.

Haddii aad xiiseyneyso inaad bilaawdo shirkad kuu gooni ah waxaad la xariiri kartaa xarrunta shirkadaha cusub oo xafiis ku leh Åseda. Halkaasoo aad ka heli karto talo siin bilaash ah. Haddii aad u baahn tahay maal gelin, talo siin laga yaabe hage si aad ugu guuleysato mukhalisnimadaada waxaad ka heleysaa ALMI xiriir fiican.

In ka mid ah shaqo dhiibayaasha ugu waa weeyn ee degmada waa Profilgruppen, Amokabel, GFAB, Inwido iyo Degmada Uppvidinge.

Shirkadaha ku yaala degmadan