Sotenäs

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Sotenäs waxay ku taal dhul xeebeedka galbeedka ee Iswiidhan. Kungshamn waa xaafadda ugu weyn ee degmada, waxaa kaloo ku yaalla degmada xaafado kale oo caan ah sida Smögen, Hunnebostrand, Bovallstrand och Bohus-Malmön.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9038

Cabirla dhulka

138 kiilomitir oo laba jibaaran

Ilaa 1900-kii Sotenäs waxay ahayd meel loo soo dalxiis tago. Halkan waxaad ku raaxaysanaysaa hawada iyo biyaha nadiifka ah iyo dhul wanaagsan oo ka kooban dhir iyo buuro quruxsan.

Deegaan

Degmada Sotenäs waxay leedahay guryo kala duwan, qaar waa kuwo dawladdu leedahay qaarna waa kuwo gaar loo leeyahay. Kuwa dawladda waxaa la yidhaahdaa Sotenäsbostäder, waxayna leeyihiin guryo badan oo kiro ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqado kala duwaan baa lagaga hadlaa Degmada Sotenäs, sida carabi, isbaanish, noorwejiyaan, taylandiis, bosniyan, af-jarmal, boolish, turkish, laatish iyo fiinlaandiis.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Sotenäs waxaa jira jaaliyado masiixi ah iyo kanisada Svenska Kyrkan. Waxaana kalooo kaloo jira 125 jaaliyadood iyo ururo. Jaaliyaduhu aad bay u kala duwan yihiin, waxaa ka mid ah jaaliyadaha isboortiska, jaaliyadaha dhaqanka/suugaanta., jaaliyadaha waayelka iwm.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Sotenäs waxaad ka helysa adeegga guud ee daruuriga u ah bulshada. Sida adeega daryeelka reeraha iyo qofka keliga ah, skuullo, goobaha xilli firaaqeedka, shaleemo iyo maktabad. Waxaa kaloo ku yaal xafiiska shaqada, qasnada caymiska, bangiyo, dukaamada cuntada, farmashiye, goobo isboortis, makhaayado. Waxaa iyagana ku yaal dukaamada gacan labaadka oo aad ka iibsan kartid alaabta guryaha, dharka oo qiimo jaban.

Dalyeelka carruurta

Degmada Sotenäs waxay ku fiicantahay daryeelka carruurta. Waxaanu kuu heeynaa xanaanada caruurta oo mid dawladeed ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Skoolada hoose-dhexe waxay ku yaallaan Kungshamn, Smögen, Bovallstrand, Hunnebostrand. Saddexda sano ee u dambeeya ciyaalku waxaay ka dhiganayaan Sotenässkolan oo ku yaalla Kungshamn. Dugsiga sare doorashadiisa ciyaalka wuu u furanyahay, waxayna ka dalban karaan magaalda eey rabaan. Sotenäs ma leh dugsi sare, kan ugu dhow wuxuu ku yaala Lysekil iyo Uddevalla.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxeey leedahay iskool loogu tala galay dadka waaweyn wuxuu ku yaallaa Kompetenscentrum oo ka tirsan Kungshamn. Waxaay kuu soo bandhigayaan maadooyin kala duwan, laga bilaabo waxbarasho skool sare ilaa heer jaamacadeed. Waxaam kaloo goobta laguugu barayaa karta luqadda iswiidhishka.

Caafimaadka

Waxaanu leenahay laba meelood oo rugta caafimaadka ku yaalliin, mid waxay ku taallaa Kungshamn, midna Hunnebostrand. Halkaas waxaad la xidhiidhi kartaa makaad ubaahantahay talo caafimaad. Waxaana meeshaas ku yaalla qeyo loogu tala galay ineey ku kulmaan laguna xanaaneeyo waalidiinta iyo caruurtooda. Waxaa loo yaqaan xarunta daryeelka ee qoyska. Waxaana maamulka xarunta daryeelka ee qoyska iska kaashada degmada Sotenäs, rugta caafimaadka Kungshamn/Hunnebostrand iyo rugta caafimaadka Sotenäs.

Degmada Kungshamn waxeey leedahay rug dhakhtarka ilkaha ah oo lagu soo dhoweynayo qof walba oo u baahan cafimaad xaga ilkaha. Dhakhtarka degdega ah (emerjensiga) iyo midka caadiga ah ba waxay ku yaalaan degmooyinka dariska ah ee Uddevalla, Lysekil iyo Trollhättan.

Caawinaad turjubaan

Xarumaha dowladda waxaad ka heleysa caawimaad turjubaaneed.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Sotenäs waxaad ka heleysa gadiid baseed Västtrafik.

Shaqo iyo ganacsi

Wax soo saarka dhaqaalaha degmada Sotenäs waxaa ugu badan shirkadaha yaryar oo ka shaqeysa farsamada gacanta/dhismaha iyo ganacsiga guud. Degmada Sotenäs waxay leedahay sherkado waaweyn oo soo saara kaluunka, sida Abba seafood AB, Leroy Smögen Sea, Domstein Food AB. Shaqo bixiyeyaasha kale oo waaweyn waxaa ka mid ah shaqaalaha xafiisyada degmada Sotenäs, Llentab AB iyo AH-Automation AB.