Hallsberg

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Hallsbergs waxeey ku taala Sydnärke, oo waxeey saaran tahay xadka dhul banaan iyo jiq. Degmada oo dhan waxeey lee dahay goob isboorti, dhul uu fiican beer iyo waarig gurasho, buuro-jiq ah iyo xeebo uu soo jideeyso qofka in uu soo boqdo asago wato sanduuqa-cansiyireenta iyo usha-dabeeyska.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

15932

Cabirla dhulka

670 kiilomitir oo laba jibaaran

Xarunta degmada Hallsberg oo ay iftiimisay qoraxdu.

Jawiga ururada iyo dhaqamada waxeey soo bandhigaayaan wax kasto laga bilaabaa heesta jazz ee heer caalami ah ilaa xalqado waxbarasho oo maadoo kasto, sido kalena tartamo kubada cagta iyo gacanta iyo farshaxan darbi uu sameeyay Carl Larsson.

Deegaan

In qof uu jeclaado gurigiisa muhiim ayee uu tahay tayada nolasha. Ma waxaad uu soo guri rabtaa Hallsberg mase guriga cusub maa raadineeysaa? Bogga internetka ee degmada Hallsberg waxaa ku jiro warbixin aruuris ah oo loogu taa galay qofka guri raadinaayo.

Maamulaha iyo dalaalka guriyaasha Hallsberg ee ugu waa shirkada guriyaasha ee degmada leheed Hallbo. Haddii aad rabto in aad istaagto safka guriyaasha ama hesho warbixin dheerad oo ku saabsan guriyaasha waxaad taasi ka heleeysaa bogga Hallbos.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada waxaa degan dad ka yimid caalamka dacaladiis. Luuqadaha looga hadlo waa tusaale ahaan af carabi, af daari, afka iraan, af soomaali, af ruush, af tigrinya, afka thayland, afka karen, afka burma, afka fiinland iyo af ingriis.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Hallsberg waxeey lee dahay ku dhawaan 120 ururo oo kala wado hoowlo kala duwan. Halkaan waxaad ka heleeysaa wax kasto laga bilabaa ururada isboortiga ilaa ururada dhiska guriga iyo ururada dhaqanka.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Hallsberg waa dagmo balaaran oo Hallsberg ka tahay xaafada ugu weeyn. Xaafadaha kale waa Hjortkvarn, Pålsboda, Sköllersta, Östansjö iyo Vretstorp. Xaafadahaan si yaryar waxaa ku yaalo dukaamada raashinka, xanaanada caruurta iyo dugsiyada, taajir ayee ka yihiin ururada, waxeeyna lee yihiin bey'ad dabeecad raaxo leh iyo fursada masaafad-raacid oo fiican.

Xafiiska canshuuraha, xafiiska qasnada ceeymiska iyo Hey'adda socdaalka meesha ugu waa Örebro. Xafiiska shaqada waxuu ku yaalaa Hallsberg.

Dalyeelka carruurta

Hoowlo dugsi xanaano iyo guriga xilliga firaaqada waxaa loo hayaa xaruurta uu dhexeeyo 1 sano ilaa inta xilliga guga uu canuga gaaraayo 13 sano. Degmada ee qofka dagan yahay ayaa mas'uul ka ah in caruurta degan Isiwidhan in loo soo bandhigo xanaaneeyn nuucaan ah. Waa in ee ahaata mid farxad galin leh, amaan iyo waxbarasho leh ayadoo loogu tala galay caruurta dhan oo ku jiro hoowlaheena. Caruurta waa ciyaari karaan, sameeyo iyo in la baaro , gooni ah ama koox ahaan ayadoo qof weeyn la caawinaayo. Bogga degama ka akhriso in dheerad oo ku saabsan xanaaneeynta caruurta.

Dhoobada ubaxyada oo laga buuxiyay qalimaan loo dhigay si saf ah yaalana daaqad.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsi hoose waa waaji, waxuun ka kooban yahay sagaal sano. Sanad kasto waxuu qeeybsan yahay labo xilli dugsiyeed, xilliga guga iyo xilliga dayrta. Ardayda inta ee san bilaabin dugsiga hoose waxaa ku yaalo fasalka bilaabadka oo ah nidaam-iskuleed oo xur ah oona loogu tala galay lix jiro.

Hallsberg waxaa ku yaalo isuu geeyn todobo dugsiyaal hoose. Halkaan waxaa dhigto ku dhawaad 1 500 arday. Fasalka eberaadka iyo guriga xilliga firaaqada waxeey ku yaalaan iskuulada oo dhan ilaa iskuulka Transten oo leh fasalka 7-9:aad. Akhris in kale oo ku saabsan dugsiyaasha hoose ee Hallsberg.

Dugsiga sare ee degmada Hallsberg waxaa la dhahaa dugsiga Allé iyo waxaana kala wado ururka waxbarashada Sydnärkes.

Tabeelo ku yaala jardiinada iskoolka Allléskolan. Tabeeelahan wuxuu muujinayaa khariidada iskoolka dhismayaashiisa.

Furadaha waxbarasho

Qof weeyn ma tahay, mana dooneeysaa in waxbarasho ku dhigato Hallsberg? Fursado fiican ayaa jiro oo warbxarsho gudaha degmada Hallsberg.

Waxbarasho dadka waa weeyn ee gudaha ururka waxbarshada Sydnärkes, waxeey soo bandhigaayan dhowr fursad waxbarsaho oo loogu tala galay dadka waa weeyn. In kale ka akhriso bogga ururka waxbarashada Sydnärkes.

Caafimaadka

Degmada Hallsberg waxaa ku taalo dhowr rug caafimaad. Halkaan waxaa ku taalo rugta caafimaadka Hallsberg iyo rugta caafimaadka Pålsboda.

Caawinaad turjubaan

Degmada Hallsberg waxeey balansadaan markii loo baahdo adeeg turjumaan, waxeey markaas ka socdaan Örebro.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Halsberg waa meel ee maraan jidadka iyo jidadka tareemada. Degmada Hallsberg si sahlan ayaa loogu soo raacaa tareen, baabur iyo bas. I Hallsberg waxaa ku kulmo jidadka-tareemeed uu socdo jiho kasto. Sido kale degmada waxaa ku taalo E20 iyo jidadka qaranka 50, 51 iyo 52. Waxaa sii dheer oo jiro jidad sii yaryar, kuwo badan oo ka tirsan ee yihiin jidad lagu socdo oo ku qurxon baabur ama baaskiil.

Waxaad sj ka heli kartaa warbixin ku saabsan jidadka tareenka ee dowlada, waxaana ka goosan kartaa safarkaada.

Länstrafiken ayaa ka mas'uul ah gaadiidka dad weeynaha ee gobolka Örebro.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Hallsberg waxaa ka jiro jawi shirkadeed oo fican oona ku dhisan wada shaqeeyn hormarsan oo ka dhaxeeyso kuwo ku wada jiro jawiga shirkadeed. Degmada waxaa ku taalo ku dhawaad 1 200 o oshirkad, halkaasi ee kuwo badan ee yihiin shirkadle yar oo fariidyaal ah. Halkaan waxaa ku yaalo warshado oo leh awood xirfad farsamo oo sareeyso iyo tayo.

Hallsberg waxeey ku taala halka uu jidka tareemeed ee Västra, Mälar iyo Svealand ee isku wada kulmaan, waxeeyna lee dahay xariir fiican oo dhif ah iyo hareera dabiicad qurxoon leh. Uu dhawaanshaha xarumaha waxbarashada iyo howlo dhaqameed oo kala duwan, waxeey degmada ka dhigeeysaa ku oolkeeda meel soo jiidasho leh. Akhriso in kale oo ku saabsan shaqooyinka-shirkadeed ee Hallsberg.

Tabeele macluumaad oo dadka ku soo dhawaynaya Hallsberg.