Arboga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Arboga waxeey ku taalaa dhexbartanka galbeedka Mälardalen, waxeeyna uu dhawdahay dabiicada iyo magalooyinka sii weeyn. Arboga waxeey xuquuqda-magalaanimada isla inta lagu jiray qarnigii 1 200, bartamaha magaaladana dhismihii hore wali waa sidiisi ayaa loogu dhoowray. Waxaa ku yaalo kafeteeriyaal badan oo raaxo leh, maqaayado iyo dukaaman.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

14044

Cabirla dhulka

419 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Haddii aad dooneeyso in aad uu guurto Arboga waxaa jiro guri-kireeyaalo badan aad la xariiri karto. Guri-kiryeeyaha ugu weeyn waa shirkada dhismaha Lund AB, Bovista iyo shirkada guriyaha ee degmada lee dahay ABO. Liis leh guri-kireeyaasha waxeey ku jiran bogga degmada.

Arboga xilli jiilaal ah. Webiga yar ee Arboga oo dhex maraya magaalada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luuqadaha weeyn ee Arboga, af iswidhiska ma ahane, inta kale waa af carabi, af tigrinya, af soomaali, af serbi, afka koreeshiya iyo afka boosniya.

Jaaliyado iyo ururu

Arboga waxaa ku taalo kaniisada Iswiidhan iyo kaniisado kale oo madaxbanaan. Masaajidka ugu dhow waxuu ku yaalaa Örebro. Waxaa jiro ururo badan oo ka firfircoon gudaha degmada. Warbixinta-xariirka ee ururada waxaad ka heleeysaa diiwaanka-ururada.

Maxaa ka ag dhaw

Arboga waxeey lee dahay bartamo magaalo oo quruxbadan, bartamahaas waxuu lee yahay in badan oo dukaamo, dukaamo cunto, kafeteeriyo iyo maqaayadooyin. Haddii aad uu baahan tahay in aad gadato alaab guri iyo maacuun rakhiis ah waxaa jiro dukaamo-gacan labaad badan oo aad kala dooran kartid.

Maktadbada waxeey ku taala meel bartamo ah, waxeeyna heeysaa buugaag iyo wargeeysyo ku qoran luuqado kala duwan. Markii aad booqaneeyso maktabada waxaa jirto fursad aad ugu isticmaasho kombiyuutar.

Haddii aad dooneeyso in aad isboorti dheesho waxaa jirto ururo isboorti badan oo aad kala dooran kartid, bartamaha agagaarkiisna waxaa ku yaala tusaale ahaan guriga-dabaasha, goobo banooni, buur baraf lagu raaco, goobo isboorti iyo goob-barafeed.

Xafiiska sahqada waxuu xafiis ku lee yahay Arboga. Hey'adda canshuuraha iyo qasnada ceeymiska waxeey xafiis ku lee yihiin Köping oo Arboga uu jirto 1,5 mayl.

Jardiinada Ahllöfsparken ee Arboga. Jardiino cagaar ah oo leh biyo yar oo dhalaalaya.

Dalyeelka carruurta

Arboga waxaa ku yaalo dugsiyaal xanaano badan ee degmada lee dahay, iyo hal dugsi xanaano ee oo hab iska-kaashi waalid lagu maamulo. Haddii aad uu baahan tahay xanaaneeyn caruur waa in aad codsataa afar bilood ka hor. Xanaanada caruurta waxaad si toos ah uga codsaneeysaa internetka. Warbixin ku saabsan habka ee taasi loo maro iyo lambarka telefoonka ee xafiiska caruurta iyo waxbarashada waxaad ka heleeysaa bogga degmada.

Kaniisada Iswiidhan waxeey lee dahay howlo badan oo loogu talo galay caruurta iyo waalidkooda. Tusaale ahaan "Öppet kyrkis" iyo "Babycafe". Sido kalena kaniisada Örtagård waxeey lee dahay hoowlo loogu tala galay caruur.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Arboga waxaa ku taalo todobo dugsiyaal hoose iyo hal dugsi sare. Shan ka mid dugsiyaasha hoose waxeey ku yaaliin magaalada bartamaheeda. Hal dugsi hoose waxuu ku yaala Götlund oo ah bulsho ku taalo ku dhawaad 12 kilomitir banaanka Arboga, iyo hal dugsi hoose oo ku yaalo Medåker, ku dhawaad sagaal kilomitir bananka Arboga. Akhriso in kale oo ku saabsan dugsiyaasha hoose ee Arboga. Dugsiga sare waxaa la dhahaa Vasagymnasiet.

Furadaha waxbarasho

Arboga waxaa ka jirto waxbarashada dadka waa weeyn ee degmada. Waxbarasha dadka waa weeyn waxeey soo bandhigeeysaa heer dugsi sare iyo barshada iswiidhiska. Gudaha xarunta-jaamacadeed waxaa furad loogu lee yahay in lagu dhigto waxbarasho jaamacdeed gudaha Arboga iyo hab masaafadeed, ee kombiyuutarka laga dhigto. Xafiiska isdhex galka ee degmada waxuu soo bandhigaa waxbarashada bulshada ee loogu tala galay soo galooytiga cusub.

Caafimaadka

Arboga waxeey lee dahay labo rug caafimaad, sido kalena rugta caafimaadka caruurta iyo rugta caafimaadka hooyoyinka. Waxaa sii jiro daryelka ilkaha dad weeynaha iyo daryeel ilko oo madaxbanaan. Isbitaalka ugu dhow waxuu ku yaalaa Köping. Sido kale waxaa isbitaal ku yaaalaa Västerås, Örebro iyo Eskilstuna.

Caawinaad turjubaan

Gacanyarayaasha degmada Arboga waxeey adeegsadaan adeega turjumaanimada ee Västmanland markii loo baahdo.

Xiriirka gaadiidka

Waa sahlan tahay in loo soo iyo in laga safro Arboga. Xarunta tareenka iyo baska Arboga waxeey ku taala bartamaha magaalada. Maadaama uu Mälarbanan iyo Svealandsbanan dhexmaro Arboga waxaa maalin kasto tareemo badan tagaan tusaale ahaan Köping, Västerås, Stockholm, Eskilstuna iyo Örebro.

Shaqo iyo ganacsi

Waxaa jiro suuq-shaqo weeyn oo jiro masaafad safareed. Örebro waxeey jirtaa 40 kilomitir, Eskilstuna 44 kilomitir, Västerås waxeey jirtaa 52 kilomitir.