Bjurholm

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Ku soo dhawaaw Bjurholm Degmada Iswiidhan ugu yar iyo mida adiga kuugu fiican iyo reerkaada. Bjurholm waa hal ka mid ah todobo degmo oo isla wadashaqeeyo, halkaasi ee Umeå ka tahay degmada ugu weeyn.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

2398

Cabirla dhulka

1364 kiilomitir oo laba jibaaran

In guri meeshaan laga helo waa iska sahal. Dad badan oo doorto in ee degaan Bjurholm waxbarasho ee ku jiraan ama waxeey ka shaqeeyaan mid ka mid ah degmooyinka dhaw.

Deegaan

Bjurholm gudaheed, degmada ayaa guriyaasha badankood kireeyso. Degmada waxeey heeysaa ku dhawaad 170 guri. Guri kireeyaasha gaarka ah waa yar yihiin.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waa badanahay inteena ku hadasho luuqad dheeraad ah aan iswiidhish aheeyn. 32 jinsiyaad ayaan ku dhanahay Bjurholm. Luuqada-qaxootiga ugu weeyn waa af carabi, af tigrinya iyo af soomaali.

Jaaliyado iyo ururu

Bjurholm waxey heysataa dhowr kaniisad, oo ay ka mid tahay kaniisada iswiidhishka, Pingstkyrkan iyo EFS.

Maxaa ka ag dhaw

Halkaan waxaa ku yaalo dukaamo, maktabad, xafiiska shaqada, dukaanmo gacan-labaad, biibito, goob jimicsi, banki, urur waxbarasho, farmashiye iyo goob dabaal. Waxaan kaloo qabanaa markasta qaab mashruuc ah oo ku wajahan ishdex-galka iyo wadashaqeynta dhinacyada kale.

Dalyeelka carruurta

Bjurholm waxeey waqti-sugasho oo gaaban uu lee dahay dugsiga xanaanada si uu canugaada uu helo boos dhaqso.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Iskuulka-Castor waa dugsiga degmada ee 0-9, waxuuna ku yaala bartamaha Bjurholm asago oo dhow maktbad iyo goob dabaal.

Furadaha waxbarasho

SFI waxa uu deyrta dhexdeeda 2016 ka mid noqon doonaa Komvux, taasoo ka dhigeysa in aad meesha aad ku dhigan doonto heerka A ilaa D ka dibna luqada iswiidhishkaa aasaasigaa. Waxaan ka shaqeeyneynaa inaan bixin karno xitaa ingiriiska iyo xisaabta deyrta dhexdeeda. Qaabilaada qaxootiga waxa uu fadhiyaa isla meesha aad wax ku baraneeyso, taasoo ka dhigeyso inaad si fudud caawinaad uga heli karto Isku-dubaradiga qaxootiga ee degmada.

Caafimaadka

Xarunta caafimaadka Bjurholm waxaa joogo dhakhtar iyo dhakhtar ilko.

Caawinaad turjubaan

Waa jirtaa fursad lagu helo turjumaan markii lala xariiro hey'addaha dowlada. Hada hey'addo badan ayaa hayo warbixin badan oo ku qoran luuqado badan.

Xiriirka gaadiidka

Bjurholm iyo Umeå waxaa uu dhaxeeyso 60 kilomitir, baska waxuu qaataa ku dhawaad hal saac. Tabussen.nu waa bog loogu tala galay gaadiidka dadweeynaha ee Västerbotten. Goobta duulimaadka Umeå waxeey jirtaa ku dhawaad 6,5 maayl. Safarka dulimaadka uu dhaxeeyo Umeå iyo Stockholm waxuu qaataa hal saac.

Shaqo iyo ganacsi

Xafiiska degmada Bjurholm waa shaqo dhiibaha ugu weeyn, qeeybta gaarka ah waxaa ugu weeyn Nyåkers pepparkakor. Dad badan ayaa uu shaqo-tago Umeå. Waxaad fursad uu lee dahay in aad shaqo ka raadsato shaqo-dhiibo joogo gudaha degmada Vännäs iyo Umeå.