Bollebyggd

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Bollebygd waxeey ka mid tahay tobonka degmo ee ugu korin badan dalka ku gudihiisa. Halkaan waxaad ka ag dageeysaa dabeecad weeyn, oo kuugu casuumeeyso howl dibadeed oo firfircooni leh, uu na dhaxeeyso magalooyinka Borås iyo Göteborg uuna dhaw madaarka Landvetters.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9427

Cabirla dhulka

263 kiilomitir oo laba jibaaran

Bartamaha Bollebygd waxaa ka heleeysaa oo ku dhaw adeegyada aad uu baahan tahay dhamaantood, ayadoo ee soo bandhiga magalooyinka weeyn ku jiraan lee dhow maayl. Halkaan waxaad dagnaaneeysaa bey'ad degan, caruurta waxeey dhigan karaan dugsi xanaano iyo iskuul leh tayo sareeyso, waxaana ka mid noqon kartaa jawi taajir ka ah ururada.

Deegaan

Degmada Bollebygd waxaa ku taalo afar xaafado; Bollebygd, Töllsjö, Olsfors iyo Hultafors. Halkaan waxaad ka dagi kartaa guri ku yaal magaalada iyo filooyin ama degaan uu dhow dabiicada iyo baadiyaha. Shirkada degmada lee dahay ee Bollebo waxeey guriyaal ku lee dahay Bollebygd, Töllsjö iyo Oslfors. Ururka guriyaasha milkiyada HSB iyo shirkada guriyasha Strand AB guriyaal ee ku lee yihiin Bollebygd. Guriyaasha si weeyn ayaa loo doonaa taasi oo keenaayo in guri gaar ah la sugo. Bogga degmada waxaa ku jiro warbixin ku saabsan shirkadaha guriyaasha. Degmada waxeey heeysaa dhulal-filo oo ku taalo waqooyiga xaafada Bollebygd, taasi ee dad badan ku doortaan in ee halkaan usoo guuraan iyo in ee suurtagaliyaan riyadooda ee guri gaar ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Bollebygd waxaa isla wada degan dad jinsiyaal kula duwan. Iswiidhis iyo ingriis ma ahane, oo ee dadka badoonkood yaqaaniin, waxaa sii degan dad afkooda hooyo uu yahay afka iraan/af faarisi iyo af carabi. Waxaa sii jiro dhowr dad oo afkooda hooyo uu yahay af tigrinya, oo degmada uu soo guuray mudadii danbe.

Jaaliyado iyo ururu

Degma waxeey taajir ka tahay jawiga urureed iyo dhaqaamed ayadoo leh ururo gaaraayo 80. Waana ururo ee ka mid yihiin ururada isboortiga, ciyaaraha, heesaha, dhaqanka hormarinta bulshada iyo siyaasada. Bogga internetka ee degmada waxaa ku jiro diiwaanka-ururada. Masaafad-tareen jirto gudaheed waxaa ka jiro ururo badan oo dhinaca qolooyinka iyo diimeedka, gudaha Borås iyo Göteborg.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Bollebygd ee wanagan, hareeraha Gästgivartorget, waxaad ka heleeysaa bandhig kala duwan oo fiican, ee ka mid yihiin dhar, kobo, alaab guri iyo qalabeeyn, iyo maalo raaxo leh ee cunto iyo kafeteeriyo. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo farmashiye, rugta caafimadka, qaabilaadaha dhakhtarka ilkaha, xafiiska shaqada, dukaamo cunto, banki iyo maktabad. Maktabada waxaa lagu qabtaa hoowlo loogu tala galay caruurta iyo dhalinyarta ayadoo loo qabanaayo xalqad-akhris, koox-buugeed iyo laxniga caruurta. Guriga degmada oo ku yaalo geeska suuqa, waxaa ku yaalo xafiiska bulshada iyo qaabilaada degmada.

Bartamaha agtiisa waxaa ku yaalo Krafthuset, xarunta diakoni ee Vägkorset iyo goobka toobarka Genki. Krafthuset waa guriga howlaha ee degmada iyo meel dadka dhan ee ku kulmaan. Halkaan waxaa lagu qabtaa riwaayado, bandhig iyo soo jeedin cashar. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo goobta dhalinyarada iyo meelo loogu tala galay kulamo iyo koorsooyin. Vägkorset waa meel kulan ee kala hoowl wado oo leh kafeteeriyo, xalqo waxbarasho iyo wax yaalo kala duwan ee habeenada la qabto. Midkaan waxaa kala wado kaniisada Iswiidhan.

Sawirka jardiinada Bollebygd, jid leh dukaamo iyo dad.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxaa ku taalo lix dugsi xanaano ee degmadeed. Afar waxeey ku yaaliin Bollebygd, hal gudaha Olsfors, halna gudaha Töllsjö.

Kaniisada Iswiidhan waxeey lee dahay dugsi xanaano oo furan, waxuu ka hoowl galaa Bollebygd iyo Oslfors, halkaasna waxaa lagu soo bandhigaa wadajirnimo, heeso, ciyaaro iyo shaaheeyn.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Bollebygd waxaa ku taalo sadax dugsi hoose ee degmadeed iyo dugsi hoose oo madaxbanaan. Sadax dugsi hoose ee degmadeed, oo leh fasalka ebaaradka ee lix jira, waxeey ku yaalin Bollebygd, Töllsjö iyo Olsfors. Dugsi hoose ee madaxabanaan Gadden, ee ka bilaawmo fasalka ebaraadka ee lix jirka, waxuu ku yaala Bollebygd. Sido kalena dugsi dhexe, fasalka 7 ilaa 9, waxuu ku yaala Bollebygd.

Dugsi sare kuma yaalo degmadeena ee ardaydeena waxaa dugsi sare uu aadaan uu horeeyn Borås iyo Härryda.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Gabar dhigata dugsiga xanaanada oo ku mashquulsan inay wax qorto.

Furadaha waxbarasho

Wada shaqeeyn dhow waxaan la lee nahay degmadaheena dariska ah markii arinta ku saabsan tahay dugsiga waxbarshada dadka waa weeyn. Waxbarashada dadka waa weeyn waxa ku jiro heerka dugsiga sare iyo dugsiga gaarka ah. Adiga ayaa si gaar ah uu doono karo degmada aad rabto in aad ka dhigato laakin wadashaqeeynta ugu badan waxaan la lee nahay Borås.

Iswiidhiska soo galooytiga, sfi, waxaa la soo bandhigaa ayadoo lala shaqeeynaayo magaalada Borås. Waxbarashada dadka waa weeyn ee dadka dagan degmada Bollebygd waxaa lagu qabtaa Borås. Waxbarshada dadka waa weeyn ee Borås waxeey ku taalaa agagaarka Södra torget (busstorget), ee bartamaha Borås. Qaxootiga ku jiro taabo gelinta, dalabka sfi:ga waxaa laga sameeyna xarunta taabo gelinta ee gobalka Borås oo xafiis ku leh Bollebygd. Iska diiwaan gali adigoo la xariiraayo isku diwaha qaxootiga.

Sawirka khaanadaha buugta iyo nin ku jira maktabad.

Caafimaadka

Bartmaha Bollebygd waxaa ku yaalo Närhälsan oo leh rug caafimaad, qaabilaad umuliso, rugta caafimaadka caruurta iyo qaabilaada dhalinyarada. Daryeelka ilkaha ee dad weeynaha waxaad ka heleeysa isla guriga ee Närhälsan. Degmada sido kale waxeey lee dahay dhakhtaro ilko oo madaxbanaan. Isbitaalka ugu dhow ee leh qaabilaad degdeg ah waa Isbitaalka Södra Älvsborg oo ku yaalo Borås.

Caawinaad turjubaan

Markii aad xariir la lee dahay degmada ama hey'ad doowladeed, waxaad adigo ah qof afkiisa hooyo uu san aheeyn iswiidhiska, waxaad xaq uu lee dahay turjumaan haddii aad uu aragto in aa laga kaaftoomi karin. Caawinad turjumaan maantaa waxaa lagu soo bandhigi karaa luuqado badan. Sido kale axootiga taabo gelinta waxaa loo soo bandhigi karaa caawinaad turjumaan ayadoo la adeegsanaayo xarunta taabo gelinta xafiikeeda ee Bollebygd. Haddii aad turjumaan uu baahan tahay la xariir isku xiraha qaxootiga.

Xiriirka gaadiidka

Bollebygd waxeey xariir gadiid fiican uu lee dahay uu sii socodka iyo ka soo socodka magalooyinka Borås iyo Göteborg. Boosteejada Bollebygd waxaa ka baxo, yimaadona tareen iyo bas. Sido kale bas ka baxo Bollebygd waxeey tagaan Rävlanda, Hindås, Mölnlycke, Olsfors, Sandared iyo Sjömarken. In bas laga raaco Bollebygd oo lagu tago Borås iyo mid uu socdo Göteborg, waxey qaadeeynaa ku dhawaad 30 daqiiqo.

Västtrafik waxeey mas'uuliyad weeyn uu lee yihiin gaadiidka guud ee dad weeynaha iyo gaadiidka-xaafadaha ee degmadeena. Degmada ayaa ka masu'ul ah iskuul geeynta iyo adeega raacida.

Sawirka boosteejada baska, bas iyo dadka safraya.

Shaqo iyo ganacsi

Bollebygd waxeey lee dahay dhaqan shirkadeed oo asal ah, degmadana waxaa ku badan shirkadaha yaryar. Shirkadaha ugu weeyn waa Flügger Färg, shirkada iftiimada Fagerhult Retail, Sign Communication Sweden oo ah shirkad gado tabeelooyinka iyo laanta xayeeysiinta, Hultafors Group, oo ka mid waxeey soo saarto cabiraha mitirak iyo Hammar Maskin oo ah shirkad caalimi booska hore uga jirto laanta gaadiidka yar ee wax lagu qaado. Degmada waxeey ku taala suuq goboleed oo weeyn lehna soo jiidasho, oo uu dhow Borås iyo Göteborg halkaasi oo leh shaqo dhiibo jiro masaafad-raacid, meelahasna waxeey lee yihiin shirkado badan oo weeyn hadana caalimi ah.

Degmada waxeey rabtaa in ee sameeyso mustaqbal-shurudeed oo fiican, shirkadaha cusub oo ku jiro Xarunta Nyföretagar. Hey'addasi ee samafaleed waxaa kala wado shirkadaha, ula jeedaada waxeey tahay carcargelinta shirkado cusub oo xoog leh.