Hawlaha xilliga wakhtiga magan-gelyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023

Gudaha Iswiidhan waxaa caadi ka ah in dadku ay si iskood ah isugu abaabulaan ururro kala duwan. Ururradan waxay badanaaba diyaariyaan hawlo. In laga qaybqaato hawl waxay ahaan kartaa qaab lagu barto dad cusub. Sidaas darteed ayaa ururradu noqon karaan dariiq fiican oo lagu soo galo bulshada Iswiidhishka.

Waxaa jira hawlo kala duwan oo aad ka qaybqaadan karto inta aad sugayso go’aanka dacwadaada magan-gelyo. Ururrada, iskaashatooyinka iyo degmooyinka qaarkood waxay leeyihiin hawlo gaar ah kuwaas oo loogu talogalay dadka magan-gelyo doonka ah oo keliya. Kuwaas waxaa lagu magacaabaa hawlaha wakhtiga hore ee dadka magan-gelyo doonka ah. Adigaaga sugaya go’aanka dacwadaada magan-gelyo iyo adigaaga loo oggolaaday sharciga deganaansho laakiin weli ku sii nool kaamka labadiinuba waad ka qaybqaadan kartaan hawlahaas.

Hawlahaas waxay ahaan karaan in la barto af Iswiidhishka, in la helo aqoonta ku saabsan sida bulshada Iswiidhishka tahay iyo sida suuqa shaqada ee Iswiidhan u shaqeeyo iyo sida qofku uu u daryeelo caafimaadkiisa iyo ta qoyskiisa. Waa bilaash in laga qaybqaato.

La xiriir degmadaada ama ka raadi bogooda intarnetka si aad u aragto nooca hawlaha laga helayo degmadaada.

Koorsooyinka af Iswiidhishka

Ururrada waxbarasho iyo kuliyadaha dugsiga dadka waaweyn waxay leeyihiin koorsooyin gaar ah looguna talogalay dadka magan-gelyo doonka ah oo bilaash ah. Koorsooyinkan waxaa lagu magacaabaa af Iswiiddhish laga bilaabo maalinta 1 iyo Af Iswiidhishka maalinlaha ah. Koorsooyinka ururrada waxbarashada waxaad ka helaysaa fursad aad ku barato af Iswiidhishka. Ururrada waxbarashada waxa kale oo ay leeyihiin koorsooyin aad ku baran karto wax dheeraad ah oo ku saabsan bulshada Iswiidhishka.

Gunada safarada

Hey’adda Socdaalka ayaa mararka qaarkood bixin karta safarka aad ku tagayso hawl. Tani waxaa lagu magacaabaa gunnada safarka. Adigu waxaad heli kartaa gunnada safarka haddii oo kelya aad ka qaybqaadato ururka waxbarashada koorsooyinkiisa ama hawlihiisa ee uu ansaxiyay maamulka gobolka. Adigaaga helay diidmo dhinaca dacwadaada magan-gelyo doonka ma heli kartid gunnada safarka.

Si aad u hesho gunnada safarka waa inaad weydiiso kuwa haya hawshan wixii ku saabsan caddeynta gunnada safarka. Caddeyntan waa inaad u qaadataa Hey’adda Socdaalka.

Isu diyaari shaqo gudaha Iswiidhan

Waxaa jira qaabab badan oo kala duwan si la isugu diyaariyo in laga shaqeeyo gudaha Iswiidhan. Adigu waxaad tusaale ahaan soo ogaan kartaa waxa shuruud u ah in lagu shaqeeyo xirfadaada gudaha Iswiidhan. Waxa kale oo aad turjumi kartaa shahaadooyinkaaga ama laguu qiimeyn karaa waxbarashadaada dalka dibediisa.