Isu diyaari shaqo gudaha Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/12-2023

Waxaa jira qaabab badan oo kala duwan in aad isu diyaariso inaad ka shaqayso Iswiidhan.

Waxa aad awoodo ku muuji jobbskills.se!

Jobbskills.se waa aalad kambiyuutar taas oo Arbetförmedlingen ay horumarisay. Gudaha jobbskills.se waxaad ku buuxin kartaa waxa aad horey ku soo shaqaysay iyo waxa kale ee aad haysato ee ah aqoon iyo waayo-aragnimo.

Waxaad macluumaadkan ku buuxin kartaa iswiidhish, carabi, ingiriisi, faarsi, soomaali ama tigrinya.

Aaladani waxay kuu abuuraysaa muuqaal gaar kuu ah oo ku salaysan wixii aad ku buuxisay. Waxaad dooran kartaa in muuqaalkan gaarka kuu ah loo diro shaqo bixiyayaasha kala duwan. Muuqaalkan si atoomaatig ah ayaa loogu turjumayaa iswiidhish.

Dhinaca jobbskills.se waxaad awoodaa in aad:

  • Muujiso waayo-aragnimadaada iyo aqoontaada
  • Hesho talooyinka waxa aad samayn karto si aad u hesho shaqo ku salaysan aasaaskaaga
  • Muuqaalkaaga gaarka ah lagu turjumo iswiidhish
  • Muuqaalkaaga gaarka ah u dirto shaqo bixiye

Waxa aad ku buuxiso jobbskills.se raad ma ku yeelan doonto qiimeynta codsigaaga magan-gelyo ee yaala Hey'adda Socdaalka.

Xirfadaha gudaha Iswiidhan

Adigu waxaad caawimaad ka heli kartaa adeega "Hitta yrken" haddii aanad hubin nooca xirfad ee kugu haboon ama waxa xirfadaada micnaheedu ka yahay gudaha Iswiidhan. Hel xirfada waa adeeg dijitaal ah oo Xafiiska Shaqada ay soo saartay.

Gudaha adeegan "Hitta yrken" waxaa ku jira macluumaad ku saabsan:

  • Waxa xirfadaha kala duwan micnahoodu yahay.
  • Inta ay leegtahay fursada in la helo shaqo ah dhinaca xirfad cayiman.
  • Nooca waxbarasho iyo waayo-aragnimo ee ay tahay inaad haysato si aad u hesho shaqada xirfado kala duwan.

Waxaa kale oo jira filimo sharaxaya qaar badan oo ka mid ah xirfadahan.

Haddii aad leedahay waxbarasho dalka dibediisa ah

Waxaad turjumi kartaa shahaadooyinkaaga ama helaysaa in waxbarashadaada dal dibedda ah la qiimeeyo xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon. Waa qaab fiican oo la isugu diyaarin karo in shaqo laga raadsado gudaha Iswiidhan.

Turjumida shahaadooyinka dalka dibediisa ah

Haddii aad haysato waxbarasho dalka dibediisa ah waxaa khasab ah inaad turjuntid dukumentigaaga waxbarashadan, haddii ay ku qoranyihiin luqad kale oo aan ahayn ingiriisi, faransiis, isbaanish, jarmal ama luqadaha waqooyiga Yurub.

Turjumidan waa inay sameeyaan turjumaano takhasus ah lagana dhigo iswiidhish ama mid ka mid ah luqadaha kor ku qoran.

Qiimaynta shahaadooyinka wabarasho ee dal kale

Waxaa kale oo aad heli kartaa in waxbarashadaada dalka dibediisa laguu qiimeeyo. Tani waxay tahay in guddida jaamicadaha sare iyo jaamicadaha ay qoraan warbixin
caddaynaysa waxa waxbarashadaadu u dhiganto dhanka nidaamka waxbarasho ee iswiidhishka.

Adigu uma baahnid inaad haysato sharci deganaansho ka hor intaanad codsan qiimeyntan. Waxaa kugu filan inaad codsatay sharciga deganaanshaha oo aad haysatid kaarka LMA-ga.

Adigu waxaad soo diraysaa koobiga baasaboorkaaga iyo koobiga kaarkaaga LMA-ga oo aad soo raacinaysaa codsigaaga.