Bilow shirkad gaar kuu ah inta lagu jiro wakhtiga magan-gelyo doonka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 27/2-2024

Adigu waad bilaabi kartaa shirkad gaar kuu ah inta lagu jiro wakhtiga adigu aad tahay magan-gelyo doon.

Si loo bilaabo shirkad gaar kuu ah waxaa khasab ah in adiga:

  • Laguu ansaxiyay canshuurta shirkadaha. Tani waxaa lagu magacaabaa F-skatt.
  • Haysato lambarka isku dubaridka

Canshuurta shirkadaha

Canshuurta shirkadaha waxaa loo soo gaabiyaa F-skatt. Shirkadaha oo dhan waa inay haystaan oggolaanshaha F-skatt lagana helo Hey'adda Canshuuraha. Waxaad bogga intarnatka ee Hey'adda Canshuraha ka codsan kartaa in laguu oggolaado F-skatt.

Lambarka isku dubaridka

Lambarka isku dubaridka waa nooc ah lambarka shakhsiga oo ku meel gaar ah. Adigu laf ahaantaada ma codsan kartid lambarka isku dubaridka. Haddii aad F-skatt ka codsatid Hey'adda Canshuuraha waxay Hey'adda Canshuuruhu kuu codsan kartaa lambarka isku dubaridka.

Magan-gelyo doonka shirkadlayda ahi ma codsan karaan sharci shaqo

Haddii aad bilowday shirkad gaar kuu ah wakhtigii aad ahayd magan-gelyo doonka ma codsan kartid sharci shaqo haddii aad heshay diidmada codsigaagi magan-gelyo. Haddii aad shaqaale ka soo ahayd gudaha Iswiidhan wakhtigii aad ahayd magan-gelyo doonka waxaad markaas codsan kartaa sharci shaqo xitaa haddii aad heshay diidmo dhinaca codsigaagi magan-gelyo doonka.