Maxaa raad ku yeesha fursadaha in la helo sharci daganaansho? 

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 11/4-2023

Waxaad heli kartaa sharci daganaansho haddii aad tahay qaxoonti ama qof gabood kale u baahan.

Codsi magan-gelyo oo kasta waxaa loo eegaa si gaar ah. Tani micnaheedu waa in Hey'adda Socdaalka ay baari doonto sababta aad magan-gelyo uga codsatay Iswiidhan.

Waa inaad Hey'adda Socdaalka u sheegto qofka aad tahay, sababta aad u soo carartay iyo waxa ay kula tahay inay kugu dhacayaan haddii ay khasab kugu noqoto inaad ku noqoto dalkaaga. Ka sheekee waxa ugu badan ee aad awoodo laf ahaantaada iyo xaaladaada, xitaa haddii tani leedahay dareen adag.

Waa muhiim inaad sheegto runta oo aanad baddelin sheekadaada. Tani waxay raad ku yeelan kartaa haddii aad helayso sharci ama aanad helayn.

Qaramada midoobay qaraarkeeda carruurta waxaa ku qoran waxa shuruud u ah in qof lagu sheego qaxoonti. Qaxoonti ahaan waxaad helaysaa sharci degganaansho oo ansax ah saddex sano.

Adiga waxaa laguu arkaa qaxoonti haddii Hey'adda Socdaalku qiimeyso inaad leedahay sabab si fiican ugu salaysan inaad ka cabsanayso dhibaato lagu gaysto oo ay sabab u tahay:

  • qawmiyad
  • dalka aad u dhalatay
  • aaminaada diin ama siyaasad
  • jinsiga
  • hab dhaqankaaga jinsi
  • ka tirsanaanta koox bulsho oo gaar ah

Haddii aad weli baahi u qabto gabbaad saddex sano ka dib, waxaad heli kartaa dheereynta sharciga degganaanshada. Sharci degganaansho oo la dheereeyay wuxuu ansax yahay laba sano. Saddex sano ka dib waxaad xitaa fursad u haysataa inaad codsato sharci degganaansho oo joogto ah.

Waa khasab inaad codsato dheerayntaka hor intaan sharcigaaga deganaansho ee ku meel gaarka ahi dhicin. Ugu horeyn laba bilood ka hor intaan sharcigan dhicin ayaad codsan kartaa dheerayn.

Midowga Yurub waxay wadajir u leedahay qawaaniin ah waxa shuruud u ah in qof loo arko qof u baahan badbaado kale. Markaad tahay qof u baahan badbaado kale waxaad heli kartaa sharci degganaansho oo ku meel gaar ah oo ah 13 bilood.

Adiga waxaa laguu arkaa qof u baahan magan-gelyo kale haddii Hey'adda Socdaalku qiimeyso inuu jiro khatar ah in:

  • Lagugu ciqaabo dil.
  • Lagugu dhibo ciqaab jir ahaan ah, jir dil, lagugula dhaqmo wax kale oo ka baxsan bini'aadminimo ama sharaf ridid ah ama ciqaab kale.
  • Ay waxyeelo ku soo gaarto iyadoo ay sabab u tahay dagaal hubeysan, inkastoo adigu aanad ahayn askari.

Haddii aad weli baahi u qabto gabbaad 13 bilood ka dib, waxaad heli kartaa sharci degganaansho oo la dheereeyo.

Waa khasab inaad codsato dheerayntaka hor intaan sharcigaaga deganaansho ee ku meel gaarka ahi dhicin. Ugu horeyn laba bilood ka hor intaan sharcigan dhicin ayaad codsan kartaa dheerayn.

Magan-gelyo doonka xaalado dhif iyo naadir ah waxay heli karaan sharciga deganaanshaha inkastoo aan iyaga lagu qiimeyn inay yihiin qaxoonti ama heerka Ilaalinta qofka halis ku muddan kara haddii wadankiisa lagu celiyo.

Tani waxay tusaale ahaan noqon kartaa haddii adigu aad leedahay xaalad caafimaad oo aad khatar u ah, haddii dhibaato kaa soo gaartay ka ganacsiga dadka ama aad ka qayb-qaadanayso baaritaanka dembi.

Adigu Iswiidhan ma ka heli kartid magan-gelyo haddii adigu aad:

  • Ku kacday dembiyo dagaal.
  • Ku kacday dembiyo dagaal oo ka soo horjeeda bini'aadnimada.
  • Ku kacday dembi halis ah oo kale.
  • Khatar ku tahay amaanka Iswiidhan.

Haddii aad khatar ugu jirto in lagu dilo ama dhibaato laguugu gaysto dalkaaga waxaad heli kartaa sharci daganaansho oo ku meel gaar ah xitaa haddii aad geysatay mid ka mid ah ficilada ku jira liistadan.

UR Skola ayaa samaysay filim sharaxaya farqiga u dhaxeeya erayada qaxoonti iyo heerka Ilaalinta qofka halis ku muddan kara haddii wadankiisa lagu celiyo. Filimkan waa af iswiidhish. Wuxuu leeyahay qoraalyo hoosta ah oo ah iswiidhish, carabi, kurdi, faarsi, soomaali iyo tigrinya.