Ka hor intaanad iman Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 11/4-2023

Adigu waa inaad joogtaa gudaha Iswiidhan ama xuduudka Iswiidhan si aad u codsato magan-gelyo. Maaha suurtagal in magan-gelyo la codsado ka hor intaanad iman Iswiidhan ama laga sameeyo safaarad iswiidhish ah.

Waa Hey'adda Socdaalka ee gudaha Iswiidhan ta baaraysa haddii aad xaq u leedahay magan-gelyada Iswiidhan. Bogga intarnatka ee Hey'adda Socdaalka waxaa ku jira macluumaad badan oo ku saabsan in magan-gelyo laga raadsado Iswiidhan.

Adigu waxaa kale oo aad akhrisan kartaa warbixinta ku taala boggan si aad isu sii diyaariso ka hor imaatinka Iswiidhan.

Haddii aad magan-gelyo ka codsatay dal kale ka hor intaanad iman Iswiidhan

Haddii aad ka soo carartay dal ka baxsan Yurub waa inaad magan-gelyo ka codsataa dalka ugu horeeya ee gudaha Yurub ee aad timi. Tani waxay ku qorantahay Heshiiska Dublin, kaas oo ah heshiis u dhaxeeya dalalka Midowga Yurub (EU), Noorway, Iislaand, Siwiserland iyo Layjastayn.

Haddii aad magan-gelyo ka codsato gudaha Iswiidhan waxaa Hey'adda Socdaalku bilaabaysaa inay baarto:

  • Haddii aad haysatay fiisaha dal kale oo ka mid ah EU.
  • Haddii aad qaar ka mid ah noocyada sharciga daganaansho ku leedahay dal kale oo ka mid ah EU.
  • Haddii aad magan-gelyo ka codsatay dal kale oo EU-da ah intaad ku soo socotay Iswiidhan.

Haddii mid ka mid ah qodobadani sax yihiin markaasi Iswiidhan mas'uul kama aha codsigaaga magan-gelyo. Markaasi waa inaad ku noqotaa dalki aad haysatay fiisihiisa ama sharcigiisa, ama aad ka codsatay magan-gelyo.

Haddii aad qaraabo ku leedahay gudaha Iswiidhan way dhici kartaa in codsigaaga magan-gelyo si kastaba ha ahaatee lagu eego gudaha Iswiidhan.