Hoyga inta lagu jiro wakhtiga magan-gelyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/8-2023

Adigaaga ah magan-gelyo doon waxaad caawimaad ka heli kartaa Hey'ada Socdaalka dhanka hoyga. Adigu waxaa kale oo aad dooran kartaa inaad keligaa diyaarsato hoygaaga. Halkan waxaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan nooca qawaaniinta ansaxa ah.

Ku noolaanshaha Hey'ada Socdaalka hoygeeda

Hey'adda Socdaalka waxay kugu casuumaysaa hoy ku meel-gaar ah inta lagu jiro wakhtiga aad sugayso go'aankaaga. Hey'adda Socdaalka ayaa bixisa kharashka hoyga haddii adigu aanad haysan lacag.

Haddii Hey'ada Socdaalka kaa caawiso dhanka hoyga markaasi adigu ma dooran kartid halka aad ku noolaanayso. Waa inaad diyaar u ahaataa inaad u guurto meel ay ka jiraan guryo banaan. Waxaa kale oo dhici karta in xilliga wakhtiga aad sugayso go'aan ay khasab tahay inaad u guurto guri cusub.

Haddii lagugu casuumay boos ku yaala hoy markaasi halkaas oo keliya ayaa adiga ku khuseysa. Hoygan wuxuu badanaaba ka koobanyahay guri lala wadaago dad kale. Haddii aad la timi qoyskaaga waxay qoysku mar kastaba si wada-jir ah u helayaan qol gaar u ah Haddii aad tahay qof keli ah waxaad qol la qaybsanaysaa dad kale oo aad isku jinsi mid tihiin.

Xaqa loo leeyahay hoyga ayaa joogsata

Adigu waa inaad ka guurto hoygan haddii aad heshay go'aanka ah diidmada ama mustaafurinta oo go'aankani bilaabmay inuu noqodo ansax ama marka wakhtigi lagu siiyay inaad iskaa u safarto uu dhamaaday. Tani waxay khuseysaa adigaaga ah qof weyn ee aan la deganayn caruur ka yar 18 sanno oo aad adigu haysato mas'uuliyadooda sharciyan.

Hoy gaar kuu ah

Haddii aanad doonayn inaad ku noolaato Hey'adda Socdaalka hoygeeda markaasi adigaa keli ahaantaa raadsanay hoygaaga. Dad badan waxay doortaan inay la noolaadaan saaxiibo ama qaraabo xilliga ay sugayaan jawaabta codsigooda magan-gelyo. Haddii aad doorato inaad keli ahaantaa diyaarsato hoy waa inaad adigu bixiso kharashka hoygan.

Haddii aad keli ahaantaa diyaarsato hoygaada waa inaad cinwaankaaga u sheegto Hey'ada Socdaalka si ay kuula soo xiriiri karaan. Haddii aad ku nooshahay hoy gaar kuu ah marka laguu ogolaado sharciga deganaanshaha ma ka heli kartid caawimaad Hey'ada Socdaalka dhanka hoyga gudaha degmo.

Aagaga xaafadaha qaarkood waxay raad ku yeelan kartaa xaqa aad u leedahay gunno dhaqaale

Waxaa jira xaafadaha qaar raad ku yeelan kara xaqa aad u leedahay gunno dhaqaale. Haddii aad u guurto xaafad noocaas ah waxaad waayi kartaa xaqa aad u leedahay kharashka maalinlaha ah iyo gunnada gaarka ah. Adigu waxaad xitaa waayi kartaa xaqa aad u leedahay kharashka maalinlaha ah iyo gunnada gaarka ah haddii aad sheegato cinwaan kale oo aan ahayn ka aad run ahaan ku nooshahay, tusaale ahaan cinwaan sanduuq boosta ah.

Degmooyinka gudaha Iswiidhan

Dadka ku nool Iswiidhan oo dhan waxay ku noolyihiin degmo. Degmadu waxay noqon kartaa magaalo, meel, ama dhowr meelood. Iswiidhan waxaa ka jira 290 degmooyin ah.

Informationsverige.se waxaa ku jira warbixin ku saabsan dhammaan degmooyinka Iswiidhan. Waxaad akhrin kartaa waxa laga helo degmooyinka kala duwan, tusaale ahaan iskool, shaqo iyo hoyga.