Dhaqaalaha xilliga wakhtiga magan-gelyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023

Boggagan waxaa ku jira macluumaad ku saabsan sida aad isu dabari karto dhaqaale ahaan xilliga wakhtiga aad magan-gelyo ka raadsanayso Iswiidhan. Halkan waxaad xitaa ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan in la furto xisaab bangi.

Waxaad heli kartaa fursada ah inaad adigu shaqayso ama bilowdo shirkad gaar kuu ah xilliga wakhtiga aad magan-gelyo doon ku tahay Iswiidhan. Waxaa kale oo jira qaabab badan inaad isu diyaariso inaad ka shaqayso Iswiidhan.

Haddii aanad fursad u haysan inaad lacag shaqayso ama aanad haysan hantiyo kale waxaad taageero dhaqaale ka codsan karta Hey'ada Socdaalka.

Xilliga lagu jiro wakhtiga aad magan-gelyo ka raadsanaysid Iswiidhan waxaad fursad u heli kartaa inaad macmiil ka noqoto bangi oo hesho xisaab bangi iyo adeegyada kale ee bangi.