Daryeelka ilkaha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023

Haddii aad ka weyntahay 18 sano oo magan-gelyo ka codsatay Iswiidhan waxaad xaq u leedahay daryeelka ilkaha deg-dega ah. Caruurta iyo dhalinyarada magan-gelyo doonka ah ee ka yar 18 sano waxay xaq u leeyihiin daryeel ilka si la mid ah caruurta iyo dhalinyarada kale ee ku nool Iswiidhan.

Iswiidhan waxa ka jira daryeelka ilkaha ee guud iyo daryeelka ilkaha ee barayfadka ah. Daryeelka ilkaha ee guud waxa maamula maamulka gobolka. Waxana lagu magacaabaa daryeelka ilkaha dadweynaha (Folktandvården). Waa Daryeelka ilkaha ee dadweynaha kuwa aad la xiriirayso haddii aad qabto dhibaato deg-deg ah oo ay tahay inaad la kulanto dhakhtarka ilkaha.

Bogga Hagida Daryeelka ee 1177 waxaad ka helaysaa wakhtiyada furitaanka iyo macluumaadka xiriirka ee dhakhtarada ilkaha ee dalka oo dhan.

Intan ayaad bixinaysaa

Haddii aad ka weyntahay 18 sano oo magan-gelyo ka codsatay Iswiidhan waa inaad bixisaa lacagta daryeelka ilkaha ee deg-dega ah ee dhakhtarka ilkaha. Haddii aanad awoodin inaad isla markiiba bixiso daryeelkaagan waxaad si kastaba ha ahaatee xaq u leedahay inaad hesho daryeelka ilkaha ee deg-dega ah. Bogga intarnatka ee Hey'ada Socdaalka waxaad ka arki kartaa waxa uu yahay kharashka booqashada dhakhtarka ilkaha ee adigaaga ah magan-gelyo doonka. Halkaas waxaa kale oo aad ka helaysaa macluumaad ku saabsan kaalmooyinka aad raadsan karto haddii aad gashay kharashyo ah dhanka noocyada daryeelka ee kala duwan.