Xirfadaha jaamiciyiinta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 19/1-2023

Halkan waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan waxa shuruud u ah in la shaqeeyo qaar ka mid ah xirfadaha gudaha Iswiidhan. Haddii aad leedahay waxbarasho ajnabi ah dhanka mid ka mid ah xirfadahan waxaad akhrin kartaa dheeraad ku saabsan sida aad samaynayso si aad u awoodo inaad uga shaqayso kuwaasi.

Qiimaynta shahaadooyinka wabarasho ee dal kale

Qiimeynta shahaadooyinka ajnabiga ah waxaa sameeya Gudida Jaamicadaha sare iyo jaamicadaha (UHR). Haddii aad haysato waxbarasho ajnabi oo aad soo dhamaysay waxaad heli kartaa qiimeyn adigoo soo diraya codsi.

Wabarasho dhammaystir ah

Qaar ka mid ah kooxaha xirfadaha waxaa jira waxbarashooyin dhamaystir ah lagana helo jaamicad sare iyo jaamicad ku taala Iswiidhan. Waxay xaq kuu siinayaan lacag waxbarasho waana 1–2 sano dhererkoodu. Waxaa jira waxbarashooyin loogu talogalay tusaale ahaan dhaqaale-yaqaanada, injineerada, kalkaalisooyinka caafimaadka, xirfadlayda arrimaha bulshada, xirfadlayda nidaamyada isgaarsiinta, dhakhtarada iyo macalimiinta.

Xirfadaha nidaamsan gudaha Iswiidhan

Gudaha Iswiidhan waxa ka jira noocyo xirfado nidaamsan. Tani waxay tahay in sharciga Iswiidhan ay ku qeexantahay waxa shuruud u ah si looga shaqeeyo xirfad. Waxaa tusaale ahaan shuruud u ahaan kara qalin-jebin ama ansaxin, aqoonsi ama aqonsi kale oo rasmi ah. Tusaale xirfadaha noocyadan ah waa dhakhtar iyo macalin.

Gudida Jaamicadaha sare iyo jaamicadaha (UHR) mas'uul kama aha qiimeynta waxbarashooyinka la xiriira xirfadaha nidaamsan ee gudaha Iswiidhan. Haddii aad doonaysid inaad ka shaqayso xirfad nidaamsan waa inaad la xiriirto hey'ada dawlaeed ee ku shaqo leh kana codsato xaqa inaad ku shaqayso xirfadan.

Marin dhakhso ah - jid dhakhso ah dhanka shaqada

Marinka dhakhsaha ah waxaa maanta laga helaa tiro xirfado iyo aagag ah kuna jiheysan adigaaga dalka ku cusub ee shaqo raadiska ah lehna xirfad dhanka xirfadaha shaqaaluhu ku yaryahay ee Iswiidhan.

Dhanka marinka dhakhsaha ah waxaa ku jira waxbarashada Iswiidhishka xirfada loogu talogalay, tababar goobta shaqo, qiimeyn, waxbarashooyin dhamaystir ah iyo qiimeynta aqoonta xirfadeed.