Injineerro, farsamoyaqaanno iyo aqoonyahanno kombiyuutar

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

​​​​​​​​​Injineerrada, farsamo-yaqaannada, kombiyuutar-yaqaannadu waa xirfadaha aan xakamaysnayn Iswiidhan dhexdeeda. Taas macneheedu waxa weeye in waxbarashooyinku aad u kala duwanaan karaan. Iswiidhan waxa la kala duwaa injinneerada jaamacadeed iyo injineerada sare, waxbarasha injineernimada sare ah ayaa ka dheer waxbarashada injineernimada jaamacadeed, waxanay aad xoogga u saartaa dhinaca horumarinta farsamada.

Wabarasho dhammaystir ah

Qaar ka mid ah kooxaha xirfadaha waxaa jira waxbarashooyin dhamaystir ah lagana helo jaamicad sare iyo jaamicad ku taala Iswiidhan. Waxay xaq kuu siinayaan lacag waxbarasho waana 1–2 sano dhererkoodu. Waxaa jira waxbarashooyin loogu talogalay tusaale ahaan dhaqaale-yaqaanada, injineerada, kalkaalisooyinka caafimaadka, xirfadlayda arrimaha bulshada, xirfadlayda nidaamyada isgaarsiinta, dhakhtarada iyo macalimiinta.