In la codsado magan-gelyo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 17/10-2023

Waa inaad u sheegtaa Hey'ada Socdaalka inaad doonaysid inaad codsato magan-gelyo.

Waxaad ka codsan kartaa magan-gelyo Hey'ada Socdaalka oo ku taala Göteborg, Malmö, Stockholm, Boden, Norrköping, Sundsvall, Umeå, Uppsala iyo Örebro.

Codsi kasta oo magan-gelyo waxaa loo eegaa si shakhsiyan ah. Tani micnaheedu waa in Hey'adda Socdaalku ay baari doonto sababta adigu aad magan-gelyo uga codsanayso Iswiidhan.

Waxaa lagaaga baahan doonaa inaad ka Hey'ada Socdaalka uga jawaabto su'aalo isu eeg dhowr goor mudada wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon. Tani sabab uma aha in Hey'ada Socdaalku aanay rumeysnayn waxa aad sheegayso. Tani waxaa sabab u ah in Hey'ada Socdaalku doonayso inay hubiso inay fahmeen waxa aad macnaynayso iyo in adigu aanad ilaawin inaad sheegto wax hore. Mararka qaarkood waxaa kale oo kuu fududaan karta inaad ka sheekayso waxyaabaha adag ka dib marka wakhti ka soo wareegay.

Kulanka ugu horeeya ee lala yeesho Hey'ada Socdaalka

Marka ugu horeysa ee aad la kulanto Hey'ada Socdaalka waa kulan kooban. Waxaad ka jawaabi doontaa su'aalo badan oo adiga kugu saabsan. Tusaale ahaan:

  • Caafimaadkaaga.
  • Magacaaga.
  • Xilliga aad dhalatay.
  • Wixi ku saabsan qoyskaaga.
  • Haddii aad hayso cinwaanka iyo lambarka telafoonka ee waalidkaaga.
  • Halka aad ka timi.
  • Luqada aad ku hadasho.
  • Sida aad ugu soo safartay Iswiidhan.
  • Sababta aad uga soo tagtay dalkaaga iyo waxa aad aaminsantahay inay dhacayaan haddii aad dib ugu noqoto.

Waxaad la kulmi doontaa Hey'ada Socdaalka mar dambe iyadoo uu kula socdo wakiilkaaga caruurta ama gar-yaqaankaaga. Markaasi ayaad dhamaystiri doontaa codsigaaga magan-gelyo.

Dadka waaweyn way ku caawin karaan

Adigaaga yimi Iswiidhan adigoo bilaa waalid ah waxaad caawimaad ka helaysaa dhowr dad waaweyn ah oo kala duwan xilliga wakhtiga aad codsanayso magan-gelyo.

Mid ka mid ah dadkaas waaweyn waxaa lagu magacaabaa wakiilka caruurta (god man). Wakiilka caruurta wuxuu tusaale ahaan kula joogayaa marka aad la hadlayso Hey'ada Socdaalka.

Waxaad xitaa la kulmi doontaa gar-yaqaan. Waa qof yaqaana sharciyada Iswiidhan. Gar-yaqaanku wuxuu kaa caawinayaa inaad codsato magan-gelyo iyo inaad rafcaan qaadato haddii aanad ku qanacsanayn go'aanka codsigaaga magan-gelyo.

Tani waa inaad samaysaa marka aad codsanayso magan-gelyo:

  • Buuxi foomamka su'aalaha ku saabsan tusaale ahaan magacaaga, dalka aad u dhalatay iyo qoyskaaga.
  • U dhiib baasaboorkaaga ama aqoonsiyadaada kale si aad u caddayso qofka aad tahay.
  • Ha lagu sawiro.
  • Dhiib sawirka farahaaga. Sawirka faraha waxaa loo isticmaalaa si loo eego in adigu aad magan-gelyo ka codsatay dal kale oo ku yaala Yurub, ama haddii aad haysato sharci ama lagaa mamnuucay inaad joogtid dal ku yaala gudaha Yurub.
  • Qofka aad tahay u sheeg Hey'adda Socdaalka. Waxaad helaysaa caawimaada turjumaan inaad ka sheekayso tusaale ahaan sababta aad uga soo tagtay dalkaaga iyo sida aad ugu soo safartay Iswiidhan.
  • Codso kaalmo dhaqaale haddii aanad haysan wax lacag ah oo gaar kuu ah. Waxaad helaysaa kaar bangi iyo warbixinta nooca kaalmada dhaqaale ee aad codsan karto. Adigaaga buuxiyay 16 sano keligaa ayaad codsan kartaa kaalmo dhaqaale oo aad helaysaa kaar bangi oo gaar kuu ah. Haddii aad ka yartahay 16 waa wakiilkaaga caruurta qofka kuu dalbaya kaalmada iyo qofka gacanta ku haynaya lacagtaada.
  • Hel warbixinta ku saabsan nidaamka magan-gelyada, waxa ay tahay talaabada ku xigta iyo waxa ay tahay inaad samayso.

Ka dib markaad dhiibato codsigaaga magan-gelyo waxaad heli doonta warqad. Tani waa caddaynta in adigu aad codsatay magan-gelyo.

Hey'ada Socdaalka waxay warqad u soo diri doonaan adiga iyo wakiilkaaga caruurta ama gar-yaqaankaaga taas oo ay ku qorantahay inaad la kulmi doontaan hawl-wadeen jooga Hey'ada Socdaalka. Tani waxay ahaan kartaa xafiis kale oo aan ahayn halkii aad ka dhiibatay codsigaaga magan-gelyo. Warqadan waxaa ku qoran meesha iyo wakhtiga aad la kulmi doontid hawl-wadeenkan.

Marka adiga iyo wakiilkaaga caruurta aad la kulantaan hawl-wadeenkan jooga Hey'ada Socdaalka waxaad u sheegaysaa qofka aad tahay, halka aad ka timi, wixi ku saabsan qoyskaaga iyo qaraabadaada iyo caafimaadkaaga. Waxaa kale oo aad ka hadli doontaan waxa dhacaya xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doonka. Waxaad helaysaa fursad aad ku dhiibato su'aalo.

Waxaad xitaa heli kartaa caawimaada inaad wacdo waalidkaaga ama qaraabadaada kale si aad ugu sheegto halka aad joogto iyo caafimaadkaaga.

Hey'adda Socdaalka waxay lahaan kartaa safaf dhaadheer oo waxaad sugi kartaa wakhti dheer in aad timaado baaritaanka magan-gelyo. Wakhtiyada sugitaanka way ku kala duwanaan karaan dadku. Codsiyada magan-gelyo oo dhan way kala duwanyihiin oo sidaas darteed ayay dhererka wakhtiga in lagu baaraa u kala duwantahay.

Markay noqoto wakhtigaagi aad imanaysay baaritaanka magan-gelyo waxay Hey'ada Socdaalku warqad u soo dirayaan adiga iyo wakiilkaaga caruurta. Warqadan waxaa ku qoran xilliga iyo meesha aad kula kulmi doonto Hey'ada Socdaalka hawl-wadeenkeeda.

Baaritaan magan-gelyo waa wada-hadal aad kaga sheekaynayso qofka aad tahay iyo sababta aad u soo carartay. Adigu waa inaad xitaa sheegtaa waxa ay kula tahay inay kugu dhacayaan haddii ay khasab kugu noqoto inaad ku noqoto dalkaaga.

Adiga, wakiilkaaga caruurta iyo gar-yaqaankaaga waad joogtaan xilliga baaritaanka magan-gelyo. Hal ama laba qof oo ka tirsan Hey'ada Socdaalka ayaa su'aalo ku weydiinaya oo qoraya waxa aad ka hadlaysaan. Turjubaan kaa caawinaya inaad fahamto waxa la sheegayo ayaa xitaa jooga xilliga baaritaankan.

Wax walba uga sheekee Hey'ada Socdaalka

Inta lagu jiro baaritaanka magan-gelyo waa khasab inaad sheegto runta. Adiga ayay ku saarantahay mas'uuliyada inaad sheegto dhamaan sababahaaga aad u codsanayso magan-gelyo. Adigu maaha inaad ka tagto wax micno u yeelan kara codsigaaga magan-gelyo. Tani waxay raad ku yeelan kartaa Hey'adda Socdaalka qiimeynteeda codsigaaga magan-gelyo haddii adigu aanad sheegin runta ama aad baddesho sheekadaada. Haddii aad haysato caddayn dheeraad ah oo aad doonaysid in Hey'adda Socdaalku eegto waa inaad u soo qaadataa baaritaanka.

Dadka jooga xilliga baaritaanka oo dhan waxaa waajib ku ah qarinta sirta. Tani waxay khuseysaa shaqaalaha Hey'ada Socdaalka, gar-yaqaankaaga iyo turjubaanada. Tani micnaheedu waa in iyaga aan loo oggolayn inay qof kale uga sheekeeyaan wixi aad sheegtay xilliga baaritaanka magan-gelyo.

Ka dib marka baaritaanka magan-gelyo la sameeyo ee Hey'ada Socdaalku samayso qiimeynteeda waxaad heli doontaa oggolaanshaha ama diidmada codsigaaga magan-gelyo.