Ka hor intaanad iman Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 1/3-2023

Adigu waa inaad joogtaa gudaha Iswiidhan ama xuduudka Iswiidhan si aad u codsato magan-gelyo. Maaha suurtagal in magan-gelyo la codsado ka hor intaanad iman Iswiidhan ama laga sameeyo safaarad iswiidhish ah.

Waa Hey'adda Socdaalka ee gudaha Iswiidhan ta baaraysa haddii aad xaq u leedahay magan-gelyada Iswiidhan. Bogga intarnatka ee Hey'adda Socdaalka waxaa ku jira macluumaad badan oo ku saabsan in magan-gelyo laga raadsado Iswiidhan.

Adigu waxaa kale oo aad akhrisan kartaa warbixinta ku taala boggan si aad isu sii diyaariso ka hor imaatinka Iswiidhan.

Haddii aad magan-gelyo ka codsatay dal kale ka hor intaanad iman Iswiidhan

Haddii aad ka soo carartay dal ka baxsan Yurub waa inaad magan-gelyo ka codsataa dalka ugu horeeya ee gudaha Yurub ee aad timi. Tani waxay ku qorantahay Heshiiska Dublin, kaas oo ah heshiis u dhaxeeya dalalka Midowga Yurub (EU), Noorway, Iislaand, Siwiserland iyo Layjastayn.

Haddii aad magan-gelyo ka codsato gudaha Iswiidhan waxaa Hey'adda Socdaalku bilaabaysaa inay baarto:

  • Haddii aad haysatay fiisaha dal kale oo ka mid ah EU.
  • Haddii aad qaar ka mid ah noocyada sharciga daganaansho ku leedahay dal kale oo ka mid ah EU.
  • Haddii aad magan-gelyo ka codsatay dal kale oo EU-da ah intaad ku soo socotay Iswiidhan.

Haddii mid ka mid ah qodobadani sax yihiin markaasi badanaaba Iswiidhan mas'uulka kama aha codsigaaga magan-gelyo.

Codsigaaga magan-gelyo si kastaba ha ahaatee waxaa lagu eegi karaa Iswiidhan, haddii codsigaagi aad magan-gelyada kaga codsatay dal kale aan lagu eegin, ama haddii aanad helin wax go'aan ah dhinaca codsiga magan-gelyo ee aad ka samaysay dal kale.

Haddii aad qoys ama ehel ku leedahay gudaha Iswiidhan waxay Hey'ada Socdaalka go'aamin kartaa in codsigaaga magan-gelyo lagu eego Iswiidhan. Hey'ada Socdaalka waxaa kale oo ay dalban kartaa in codsigaaga lagu eego dal kale oo ku yaala Yurub, haddii aad qoys ama ehel ku leedahay dalkaasi oo Hey'ada Socdaalka ay la tahay in dantaadu kuugu jirto inaad kuwaasi la joogto.

Aabka Miniila – Taageerada la siiyo caruurta iyo dhalinyarada soo qaxay

Miniila waa aab aad ka heli karto caawimaad inta aad ku jirto safarka aad ugu soo qaxday Yurub. Aabkan waxaa ku jira macluumaad ku saabsan halka aad ka heli karto caawimaad laga bilaabo cunto iyo daryeelka bukaanka ilaa iyo talo-bixin sharciyan ah goobta aad joogto. Aabkan waxaa xitaa ku jira macluumaad ku saabsan xuquuqdaada iyo faayraska koroona. Waa bilaash oo sahlantahay in la isticmaalo oo macluumaadkaaga shakhsiga ah way dhowrsanyihiin.

Aabka Miniila waxaa lagu helayaa luuqadaha Carabida, Faarsi, Tigrinya, Faransiis iyo Ingiriisi.

Missing Children Europe waxay sameeyeen filim ku saabsan aabka Miniila. Filimkan waa Ingiriisi. Wuxuu leeyahay qoraalo xagga hoose ah oo ah Ingiriisi, Carabi, Faarsi, Faransiis iyo Tigrinya.