Caafimaad qabi

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/2-2023

Adigaaga yimi Iswiidhan adigoo bilaa waalid ama dadka haysta mas'uuliyadaada sharci waxaad leedahay xuquuq la mid ah sida dhamaan caruurta iyo dhalinyarada kale ee ka yar 18 sano ee jooga Iswiidhan. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho caawimaad iyo daryeel caafimaad marka aad u baahato. Waxaad xaq u leedahay inaad dareento wanaag.

Iswiidhan waxaa ka jira qolyo badan oo ka shaqeeya sidii aad adigu u qanacsanaan lahayd una dareento wanaag. Waxaa ka mid ah adeega arrimaha bulshada, wakiilkaaga caruurta iyo shaqaalaha iskoolka ama dhanka daryeelka bukaanka. Iyaga ayaad uga sheegi kartaa haddii aad xanuusanayso ama haddii aad wax u baahantahay. Iyagu waa inay hubsadaan inaad hesho caawimaada aad u baahantahay si aad dareento wanaag.

Haddii aad xanuusato ama u baahantahay daryeelka ilkaha

Waxaad xaq u leedahay daryeelka bukaanka iyo daryeelka ilkaha haddii aad u baahato. Daryeelku badanaaba waa bilaa kharash haddii aad ka yartahay 18 sano. Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo daryeel gudaha Iswiidhan.

Baaritaanka caafimaadka

Dhamaan dadka magan-gelyo ka raadsaday Iswiidhan waxaa lagu casuumaa baaritaan caafimaad oo bilaash ah.

Caafimaadka maskax ahaan

Caafimaadka maskax ahaan wuxuu ku saabsanyahay sida aynu dareemayno shucuur ahaan. Mararka qaarkood wax badan ayaa laga fikirayaa oo markaasi waxaa loo baahan karaa taageero. Adigaaga yimi dal cusub laga yaabee inaad ka fikirayso wax adag oo ku soo maray. Waxaa dhici karta inaad ka wel-welsantahay waxa ku dhici doona qoyskaaga ama sida mustaqbalku noqon doono. Mararka qaarkood laga yaabee inaad niyad ahaan xanuusanayso adigoo aan run ahaantii ogayn sababta.

Mararka qaarkood waxaa suurtagal ah inaad adigu laf ahaantaada samayso waxyaabo aad wanaag ku dareento. Waxaa jirta rugta qaabilaada dhalinyarada lagana helo intarnatka oo luqado badan ah taas oo lagu magacaabo Youmo.se. Halkaas waxaad ka helaysaa talooyinka waxa aad adigu samayn karto si aad u dareento farxad iyo deganaansho. Dhanka youmo.se waxaad ka daawan kartaa filimo kana akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan waxa aad samayn karto haddii adiga ama qof kale xanuusanayo cilmi nafsi ahaan. Halkaas waxaad xitaa ka helaysaa jawaabta su'aalo badan kuna saabsan tusaale ahaan jirkaaga, jacaylka iyo galmada.

Filim ka yimi Youmo.se: Miyay ku soo mareen wax baqdin badan ku galiyey?

Filimadan waxaa lagu helayaa Iswiidhish, Carabi, Daari, Ingiriisi, Soomaali iyo Tigrinya.

Raadso caawimaad hadaad aad u xanuusanayso nafsiyan

Haddii aad wakhti dheer xanuusanaysay ama aad u xanuusanayso waa inaad raadsataa caawimaad. Waxaad xitaa keli ahaantaa la xiriiri kartaa daryeelka caafimaadka ama laga yaabee inaad caawimaad ka hesho wakiilkaaga caruurta ama shaqaalaha jooga hoygaaga.

Haddii aad dhigato iskool waxaad caawimaad ka heli kartaa la-taliye iskool, kalkaaliso caafimaad ama shaqaalaha kooxda caafimaadka ardayda. Waxaad xitaa la xiriiri kartaa tusaale ahaan rugta caafimaadka, rugta qaabilaada dhalinyarada ama Isbitaalka cilmi nafsiga caruurta iyo dhalinyarada (Bup).

Halkan waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan rugaha caafimaadka iyo meelaha kale ee aad ka heli karto caawimaad haddii aad xanuusanayso nafsiyan:

Dhamaan dadka iskoolka ka dhigta Iswiidhan waxay heli karaan caawimaad lagu magacaabo caafimaadka ardayda. Tani micnaheedu waa inaad la kulmayso kalkaaliso caafimaad ama dhakhtarka iskoolka ee jooga iskoolkaaga. Waxaa kale oo jira la taliye ama dhakhtarka cilmi nafsiga jooga iskoolkaaga oo aad la hadli karto haddii aad murugeysantahay oo xanuusanayso nafsiyan. Dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya kooxda caafimaadka ardayda waxaa waajib ku ah xog qarinta shaqada. Tani micnaheedu waa in iyaga aan loo oggolayn inay waxyaabo adiga kugu saabsan uga sheekeeyaan dad kale iyagoo adigu aanad oggolaan tani.

Waxaad la xiriiri kartaa rugta caafimaadka haddii aad xanuusanayso nafsiyan. Shaqaalahan ayaa kaa caawin doona inaad hesho daryeel sax ah.

Rugta qaabilaada dhalinyarada waa qaabilaada dhalinyarada. Waxaad halkaas tegi kartaa laga bilaabo markaad tahay 12 ama 13 sano ilaa inta aad tahay inta u dhaxaysa 20 iyo 25 sano. Tani way kala duwantahay dhanka qaabilaadaha kala duwan. Rugta qaabilaada dhalinyarada waxaad ka heli kartaa caawimaad dhanka waxyaabo badan. Waxaad halkaas tegi kartaa haddii aad dareemayso wel-wel ama cadaadis una baahantahy qof aad la hadasho. Waxaa kale oo aad halkaas tegi kartaa haddii tusaale ahaan aad u baahantahay caawimaada waxyaabaha la iskaga ilaaliyo uurka ama ka fikirayso wax ku saabsan jirkaaga.

Isbitaalka cilmi nafsiga caruurta iyo dhalinyarada (Bup) waxaa loogu talogalay caruurta iyo dhalinyarada ah ilaa iyo 18 sano ee xanuusanaysa cilmi nafsi ahaan una baahan taageero iyo daryeel. Badanaaba waxaa la isticmaalaa soo gaabinta Bup marka laga hadlayo Isbitaalka cilmi nafsiga caruurta iyo dhalinyarada (Bup). Meelo badan waxaad Bup ula xiriiri kartaa si toos ah adigoo wacaya rugta kuugu dhow.

Waxaa kale oo aad wici kartaa rugo badan si aad u hesho talo-bixin. Markaasi waxaad la hadlaysaa daryeele. Mararka qaarkood waxaa kugu filnaan karta caawimaada in talo-bixin lagaa siiyo telafoonka. Mararka qaarkood wuxuu qofku u baahan karaa caawimaad dheeraad ah. Daryeelahan ayaa qiimeynaya haddii Bup ay tahay rugta caafimaadka ee saxda kuu ah ama haddii taas badelkeeda ay tahay inaad caawimaad ka raadsato tusaale ahaan kooxda caafimaadka ardayda ama rugta qaabilaada ee dhalinyarada.

Tag rugta qaabilaada deg-dega ee cilmi nafsiga haddii adiga ama qof kale aad u xanuusanayo oo doonayo caawimaad dhakhso ah. Waxaad wici kartaa telafoon lambarka 1177 si loo ogaado meesha aad tagayso.

Haddii ay tahay xaalad halis ah oo khatar ku ah nolosha qof waa inaad wacdaa telafoon lambarka 112. Markaasi ayaad helaysaa caawimaad deg-deg ah. Haddii loo baahdo waxaa imanaysa ambulaans taas oo ku geyn doonta qaabilaada deg-dega ah.

Waxaa kale oo jira qaar kale oo aan ahayn daryeelka bukaanka oo bixiya caawimaad iyo talo haddii aad xanuusanayso nafsiyan. Tusaale ahaan waxaa jira ururo is-xilqaamay oo badan kuwaas oo aad wici karto la kulmi karto si aad u hesho caawimaad. Ururadan waxay leeyihiin boggag intarnat oo gaar u ah halkaas oo aad ka akhrin karto dheeraad ku saabsan nooca caawimaada ay bixiyaan.

Hoos u dhaca awooda laxaadka

Qof leh hoos u dhac awooda laxaadka ah wuxuu leeyahay awood hooseysa dhanka shaqada jir ahaan, caqliga ama garaadka. Hoos u dhac awooda laxaadka ah waxay tusaale ahaan noqon kartaa inaad si liidata wax u aragtid ama u baahantahay qalab caawimaad sida qalabka dhegta ee maqalka ama kursiga dadka aan socon karin. Tani micnaheedu waxay xitaa ahaan kartaa inaad u baahantahay caawimaada dadka kale si aad u dabari karto noloshaada maalinle.

Adigaaga leh hoos u dhac awooda laxaadka ah waxaad leedahay xuquuq gaar xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doonka.

Haddii aad heshay sharciga deganaansho oo ka diiwaan-gashantahay degmo waxaad xaq u leedahay taageero dheeraad ah.

Loo gaystay dhibaato

Waa mamnuuc in la isticmaalo dagaal, hanjabaad iyo in la dhaawaco dad kale. Dagaal wuxuu ahaan karaa waxyaabo kala duwan. Tani waxay tusaale ahaan noqon kartaa jir-ahaan, maskax-ahaan, galmo, dhaqaale iyo alaab. Haddii laguu geystay dhibaato dagaal waxaa xaq u leedahay gabood iyo taageero.

Khamriga, daroogada, maadooyinka jirka, tobaakada iyo khamaarka

Caadooyinka nolosha waa caadooyin micno weyn u leh caafimaadkeena. Sigaar cabista, khamriga iyo daroogadu waxay sababi karaan caafimaad daro. Xitaa khamaarka lacagta wuxuu keeni karaa dhibaato iyo caafimaad daro.