Avesta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15 11 2019

Avesta waxeey ku taala markii la raaco wabiga-Dala ee koonfurta Dalarna, waxeeyna uu dhawdahay dabiicada iyo magalooyinka sii weeyn. Dadaalka loo sameeynaayo caruurta iyo dhalinyarada waa badanyihiin.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

23,295

Cabirla dhulka

669 kiilomitir oo laba jibaaran

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

  • Borlänge 60 kiilomitir
  • Falun 68 kiilomitir
  • Västerås 74 kiilomitir
  • Stockholm 158 kiilomitir

Avesta waxaa ku taalo Verket/Avesta, oo ka mid ah xarunta sawirka caruurta ee Dalarna. Jardiinada isboortiga waa goob isboorti oo lagu tago si lama filan ah, waxeeyn ku xiran tahay Metropooloen Avesta oo ah guriga dabaasha reeerka ee wanaagsan, qeeybaha degmada banankoodna waxaa ku yaalo goobo isboorti oo ka yar taasi oo si lama filaan ah lagu tagi karo.

Deegaan

Degmada Avesta waxeey lee dahay guriyaal badan oo kala duwan. Waxaad ka heli kartaa guriyaal la kireeysto, guri milkiyeed, guri filo ah iyo beero yar. Bogga degmada waxaad ka heleeysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan hababka degaameed ee kala duwan iyo warbixinta xariirka ee guri kireeyaasha iyo dalaalka guriyaasha.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Koox-Luuqadeedka ugu badan waa af carabi, af tigrinya iyo afka iraan/af daari. Sido kalena af fransiis, af kurdi, af ugriigi, af ruush, afka thayland iyo af soomaali ee dad badan oo degmad joogo ku hadlaan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxeey taajir ka tahay soo bandhigi ururyada. Waxaad ka wada heleeysaa diiwaanka degmada. Munasabadooyinka ugu badan ee degmada ka dhaco waxaa lagu soo dhajiyaa jedwalka-munaasabadooyinka.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxeey lee dahay soo bandhig weeyn ee dukaameed, maktabad oo leh laamo badan iyo xafiiska isdhex galka oo xafiis ku leh gudaha maktabada Avesta. Qasnada ceeymiska, xafiiska shaqada iyo xafiiska canshuuraha waxeey lee yiihin xafiis wadajir ah. Waxaa jiro hoowlo qaabilaad oo gaar ah oo loogu tala galay dadka degmada goor dhow uu soo guuray.

Dalyeelka carruurta

Degmada Avesta waxeey lee dahay xanaano-caruur oo sii fiican uu dhisan, waxeey soo bandhigi kartaa xanaaneeyn caruur oo habeen iyo habeen barka waxii sii dhaafo taasi oo degmooyin dhif ah ee soo bandhigi karaan. Dugsiyaasha xanaanada ma ahane, waxaa sido kale sii jiro xanaanada maalmeedka ee reerka oo ah hab xanaaneeyn caruur ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiyaasha hoose ee degmada oo dhan waxaad ka wada heleeysaa bogga degmada. Degmada waxaa sido kale ku yaalo dugsi madaxbanaan. Dugsi sare ee Karlfeldt waa dugsiga sare ee degmada. Dugsi sare ee Karlfeldt waxuu soo bandhigaa nuuc waxbarasho oo balaaran, in badan oo ka tirsan waa waxbarasho kuliyaad oo herkood la xaqiijiyay.

Furadaha waxbarasho

Agagaarka Avesta waxaa laga helaa fursad waxbarasho oo fiican.

Caafimaadka

Degmada Avesta waxaa ku yaalo isbitaal-dhawaan oo leh qaabilaad degdeg ah, oo furan afar iyo labaatan saac. Waxaa jiro ruggag caafimaad oo madaxbanaan iyo kuwo maamulka gobolka maamulo. Ruggagiisa caafimaad waxeey ka hoowl galaan daryeelka koobaad. Adiga ayaa dooraneeysid meesha aad tageeysid markaad jiran tahay. Ruggaga caafimaadka waxaa laga helaa oo ka mid ah daryeelka hooyooyinka, daryeelka caruurta, baxnaaneeynta iyo jimicsiga bukaanka.

Maamulka gobolka iyo daryeel dhibaha madaxa banaan waxeey wada soo bandhigaa daryeel ilko. Sido kale waxaa jirto qaabilaad dhalinyaro.

Caawinaad turjubaan

Markii xariir lala yeelanaayo xafiisyada dowlada waa jirtaa fursad lagu helo caawinaad turjumaan oo kula joogo ama ku jiro qadka taleefoonka.

Xiriirka gaadiidka

Basaska xaadaha ee Avesta raacitaankooda waa lacag la'aan. Waa sahlan tahay in Avesta la imaado iyo laga tago ayadoo la raacaayo gaadiidyo kala duwan. Stockholm ilaa Avesta waxeey qaadaneeysaa hal saac iyo bar markii la raaco tareen. Arlanda markii laga soo baxo waa ku dhuwaad hal saac.

Shaqo iyo ganacsi

Gudaha Avesta waxuu ka heli karaa tageero weeyn qofkii daneeynaayo in uu noqdo shirkadle. Waxaa jiro tusaale ahaan xarunta shirkadleeyda cusub, waxbarasho ganacsiyeed, xafiiska shirkadeeynta iyo koox gacanyaro degmada joogto oo ka caawineeyso qofka in si fudud wax uga qabto ogalaanshooyinka loo baahan karo. Sido kale waxaa jiro hey'ado badan oo loogu tala galay shirkadleeyda.

Shaqo dhibyaasha weeyn ee degmada waa tusaale ahaan Outokumpu, Stora Enso Fors, xafiiska degmada Avesta iyo maamulka gobolka Dalarna, laakin sido kale waxaa jiro shirkado badan, kuwo yar iyo kuwa dhexdhexad ah oo ka hoowl galo goob-hoowleed badan oo kala duwan. Goobo-shaqo oo badan, tusaale ahaan, daryeelka iyo xanaaneeynta, shaqaale badan ayaa howl gab ka noqonaayo sanadooyinka dhaw ee soo socdo. Taasi mecnaheed waa in ee jirto baahi shaqaale cusub.