Bräcke

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 4 6 2020

Degmada Bräcke waxeey ku taala dhexbarta Iswiidhan, gudaha gobolka Jämtland. Degmada waxaa degan ku dhawaad 6500 oo qof. Degmada Bräcke waa degmad duwanaansho leh, buuro dhaadheer, waadiyaal iyo wabiyaal yar qurux badan oo leh malaay.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6,387

Cabirla dhulka

3,784 kiilomitir oo laba jibaaran

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

  • Östersund 72 kiilomitir
  • Sundsvall 120 kiilomitir
  • Hudiksvall 193 kiilomitir
Nin xiran dharka banaanka loogu baxo oo wata usha lagu kaluumeysto oo ka talaabaya wado yar oo ku taala duurka.

Degmaada Bräcke waxeey lee dahay baadiye cagaaran oo qani ka ah wax soo saarka ganacsiga iyo hoowlaha firfiircoonida ee dibada iyo jawi shirkadeed. Dabiicada ayaa soo jiidato dadka inta badan oo soo booqdo degmada Bräcke, howlaha firfircoonida ee dibadana qeeyb ayee ku lee dahay dalxiiska iyo dadka meesha degan. Baraf-raaca, baraf-raaco kobaha, jid socodka, ugaadhisiga, miro iyo waarig gurida waa in ka mid ah howlaha ee dabiicada degmada soo bandhigeeyso.

Deegaan

Guriyaal kala duwan oo laga kireeysan karo ayaa ka jiro degmada Bräcke. Laga bilaabaa guri hal qol iyo jiko leh ilaa guri ka weeyn oo afar qol iyo jiko leh. Kuwaan waxee uu kala qeeybsan yihiin Bräcke, Gällö, Pilgrimsstad iyo Kälarne. Heerka kirada waxuu ka bilaawmaa ku dhawaad 2 900 oo karoon bishii guriga yar ilaa 6 000 oo karoon bishii gurig weeyn oo afar qol iyo jiko leh. Haddii aad rabto in aad gurigaada qiimaha wax badan ayuu ka hooseeyaa magooliyinka waa weeyn.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu badan marka laga reebo Iswiidhishka waa Ingiriisi, Carabi, Tigrinya iyo Soomaali.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa jira jaaliyado badan oo kala duwan. Tusaale ahaan jaaliyadaha cayaaraha, jaaliyadaha dhaqanka, kaniisado iyo isbahaysiyo kala duwan. Wesidka degmada waxaad ka raadin karaa jaaliyadaha ka diiwaangashan kadibna waxaad kadooran kartaa jaaliyada markaa adiga ku anfacaysa.

Wiil ah da’yar oo fadhiya iskuna diirinaya dab maalin ah jiilaal.  Xaga dambe waxaa laga arkaa laba qof oo ku soconaya baraf dhulka oo dhan yaala.

Maxaa ka ag dhaw

Sido kale Bräcke waxaa laga hela xarun-caafimaadeed, rugta caafimaadka ee caruurta iyo dhakhtarka ilkaha. Isbitaalka gobolka waxuu ku yaala Östersund. Meesha dhismaha iska heeysto ee Bräcke waxaad soo bandhig sahlan ee xagga dukaamada. Waxaa halkaas ku yaalo oo ka mid ah dukaamo cunto, banki, dukaamo-ubax, dukaamo isboorti iyo howlaha firaaqada iyo ganacsiga birta iyo midabyada. Sido kale degmada waxaa lee deehay ururo uu firfircoon howlaha dibada, waxaa ka mid ah ururo isboorti, Laanta cas oo leh dukaan gacan labaadle ah, Ururka badbaadinta caruurta (Rädda Barnen) , ABF iyo ururo diimeed ee kala duwan. Kaniisadooyin iswiidhisheed waxeey ku yaala tuulooyinka badankood. Ururka diineed ee Baatis iyo kanisada yar ee Elim waa ku yaalaan Bräcke. Gudaha Östersund, oo ku dhawaad hal saac oo baabur uu jirto Bräcke, waxaa sido kale ku yaal masaajid. Sido kale Östersund waxaa ku yaal dukaamo sii waa weeyn.

Laba guri oo gaboobay kuna yaala Bräcke.  Laan Qayrta Cas ayaa dhismaheeda ku leh mid ka mid ah guryahan.

Dalyeelka carruurta

Daryeelka carurta ee degmada Bräcke si fiican ayuu ugu dhisan yahay caruurta uu dhaxeeyo 1 iyo 5 sano, ayadoo leh xanaano 1-5 jir iyo iskaashiga-waalidiinta. Degmada gudaheed waxaa ku yaalo shal xanaano ee degmada maamusho iyo sadax nuuc ee ah iskaashiga-waalidiinta. Dugsi xanaaneedka ee degmada waa: Xanaanada Fjällsta, Xanaanada Galaxens (Gällö), Xanaanada Pilgrimens (Pilgrimstad), Xanaanada Trollskogens iyo Xanaanada Ånäsets (Kälarne). www.bracke.se/barnutbildning. Iskaashiga-waalidiinta waa: Busbua i Rissna, Lek och Bus i Kälarne, och Hyllan i Sörbygden.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsi hoose-dhexe waajib ayuu waxaana loogu tala galay ardayda uu dhaxeeyso 7 ilaa 16 sano. Dugsiyadeena waa kuwo howshoodu markasta horay uu socoto oo difiicaayo in mustaqbal-shuradeed oo fiican loo sameeyo ardayda aqoontooda iyo hormarka bulshadeed. Degmada Bräcke waxaa ku yaalo 5 dugsi hoose-dhexe, Bräcke, Gällö, Kälarne, Fjällsta och Pilgrimstad. Dugsiga sare ee Jämtland ee Bräcke waxuu ku jiraa ururuka dugsiga sare ee Jämtland, waxuuna soo bandhiga waxbarashada korontada, barnaamijka tamarka iyo barnaamijka farsamo gacmeedka.

Farshaxan ku saabsan Bräcke kaas oo caruurta dugsiga hoose-dhexe sameeyeen oo lagu dhajiyay gidaar.

Furadaha waxbarasho

Adigo ah, qof uu dhaxeeyo 20 iyo 64 sano waxaad dhameeystira kartaa oo aad dhigan kartaa dugsiga hoose-dhexe ama sare adigo dhiganaayo dugsiga dadka waa weeyn ee Bräcke. Sido kale waxaa dhigan kartaa waxbarasho-xirfadeed. Xarunta-waxbarashada ee degmada Bräcke waxaa si balaaran lagu soo bandhigaa koorsooyin iyo waxbarasho. Waqti-buuxo ama waqti ka yar ayaa dhigan kartaa, sido kale waxa isku dhex wadi kartaa waxbarasho iyo shaqo. Waxaad aada jiheeyaha waxbarashada oo joogo xarunta-waxbarashada si aad uu hesho talo uuna dhiibato su'aalo ku saabsan taageerada waxbarashada. Gudaha Östersund, oo ku dhawaad 7 mayl uu jirto Bräcke, waxaa ku taalo Jaamacada-Mitt (Mittuniversitet) oo ah jaamacad ugu soo dhow.

Caafimaadka

Degmada yaa ka mas'uul ah daryeelka caafimaadka iyo bukaanka oo ku beegan dhanka howsha ku socoto dadka aan tagi karin xarunta-caafimaadka, waxeeyna soconeeysaa ugu yaraan sadax bilood. Xarun-caafimaadeed, rugta caafimaadka eecaruurta iyo dhakhtarka ilkaha waxeey ku yaalaan gudaha xuduuda degmada. Labo xarun caafimaadeed ayaa jirto, gudaha Bräcke iyo gudaha Kälarne. Xarun caafimaadeed oo kasto waxeey shaqaaluhu ka shaqeeyaan kooxo-daryeel oo kala duwan. Kooxaha waxa ku jiro oo ka mid ah dhakhtar, kaalkaalisooyin caafimaadeed, umulisooyin, rugta caafimaadka ee caruurta, kaalkaaliyaha jimisiga bukaanka, howlo bulsho-dimireed. In kale oo badan ka akhriso Xarunta caafimaadka Bräcke.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Bräcke waxeey ku agtaalaa E 14 laakin wadada kuma dhextaalo. Ku dhawaad hal saac oo baabuur ahaan uu jirtaa Östersund, hal saac iyo barna Sundsvall, shan saacna Stockholm. Gaadiid tareen iyo bas maalin kasto ayaa loo heelaa magaalooyinka ka waa weeyn ee Östersund, Sundsvall, Umeå iyo Stockholm. Dadka ka shaqeeyo Östersund fursad ee tareen maalinkasto ugu tagaan waa helayaan. 40 daqiiqo oo tareen ayuu safarka qaataa. Gaadiidka-Gobolka Z waxee ku howl lee yihiin baska, adeega gaadidka-gaarka ah iyo gaadidka wicida-xakunto, SJ iyo Norrtåg waxeey ku howl lee yihiin tateenka.

Tareen ka tirsan Norrtåg oo taagan boosteejada.  Xaga hore waxaa ka muuqda tabeele ay ku qorantahay tareemada imanaya iyo kuwa baxaya.

Akhri dheeraad ku saabsan gaadiidka dadweynaha ee degmadan.

Shaqo iyo ganacsi

Bräcke waxaa ku yaalo shirkadooyin yaryar oo tiro badan, asaaskuna waa shaqada geedka iyo biraha. Dad badan oo joogo degmada waxeey masruufkooda ka helaan warshadeeynta-geedaha, ayadoo la jaraayo, warshada-alxamid iyo si warshadeeynaayo alaabta geedaha laga sameeyo. Sido kale degmada waxaa lagu yaqaan in ee lee dahay farshaxan yaqaan ee dhinaca cuntatada. Sanadooyinka dhaw ee soo socdo waxaa si weeyn loogu baahnaa doonaa kabaryeeri, cunto kariye, dhakhtar, macalinka dugsiga xanaanada, tumaal iyo koronto-yaqaan gudaha Bräcke iyo degmooyinka uu dhow. Waxaa jiro doono fursado lagu helo shaqo dhinaca daryeel iyo xanaaneeynta, warshadeeynta-geedaha, alxameeynta iyo howl-geeraash iyo gadiidka.

Xafiiska shaqada waxuu kuu soo bandhigi karaa waxbarasho badan iyo howlo ku diyaarinaayo shaqo lagu tagi karo tareen. Taasi waxeey kor uu qaadi kartaa fursadaada ee dhanka helida shaqada. Waxeey tusaale ahaan ku saabsan tahay waxbarasho dhanka daryeelka iyo xanaanada. Alxanka, ka shaqeeynta tumaaleed, darawal-shaqadeed, shaqo-bakhaar, farsamo howl garaash, shaqo maqaayad, iibin iyo adeega macmiilka. Warbixin dheeraad ah waxaa laga helaa Xafiiska shaqada.