Vadstena

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 16 7 2020

Halkan, meesha farxada leh oo ku taala bartamaha Iswiidhan waxaa degan o ka shaqaysta 7300 oo qof, waaxaana u dhow qasri, rugta masiixiga ah, webiga Vättern iyo wadooyin ka soo hadhay xilliga dhexe ( 1100- 1500-kii). Beeyadan wanaagsan waxaa lagaa heleyaa dhaqan iyo soosaar ganacsiyeed iyo sharkado yaryar oo koraya.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

7,428

Cabirla dhulka

413 kiilomitir oo laba jibaaran

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

  • Linköping 52 kiilomitir
  • Jönköping 96 kiilomitir
  • Stockholm 247 kiilomitir

Magaaladani Way ku dhegen tahay taariikhda iyo dhaqanka, mustaqbalka diyaargor wanaagsan baa u diyaar ah. Xeebta Vättern, agagaarka Birgitta waxaa ku yaala beeraha ay leedahay degmadu.

Deegaan

Shirkada Gurayaha ee Vadstena Fastigheter AB waa shiirkad degmadu leedahay waxayna leeyihiin 729 guryo. Waxaana jira shirkado breefat ah oo ku yaala Vadstena, waxaadna ka heleysa liiskaas bogga internetka ee degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqadaha ugu waaweyn oo lagaga hadlo Vadstena waa carabi, soomaali, dari, ruush, iiraani, boolish iyo taylandiis. Skoolada hoose dhexe iyo xanaanada caruurta luqadaha ardayda iyo caruurto waxay gaadhayaan ilaa 25 luqadood.

Jaaliyado iyo ururu

Magaalada waxaa hore u socda nolol ku salaysan dhaqanka. Dadka degan Vadstena waxay ka wada qeyb qaatan dhinaca dhaqanka siyaaboyin kala duwan, halkan waxaad ka heleysaa jaaliyadaha dhaqanka oo badan. Degmada waxaad ka heleysa fanaanin badan o ku wanaagsan ruwaaydaha iyo muusigada. Qeybaha muusigada iyo ruwaayadaha waa kuwo aad heer u sareeya waxayna leeyihin qeybo sida; bandhigyo masrixiyad ah, obera, xaflado muusig ah iwm. Waxaadna ka heleysa Vadstena dhowr rugta bandhiga farshaxanka iyo matxafyo. Waxaanu kugu boorinayna inaad booqato maktabada degmada oo ku taala bartamaha degmada. Dhalinyarada ama caruurta oo xiisaynaya muusiga waxaa jira waxbarasho muusigeed oo ku yaala Vadstena waxaana la yiraahdaa skoolka muusigada.

Jaaliyadaha isboortigu waxay ka mid yihiin jaaliyadaha degmada. Dhowr ka mid ah jaaliyadahan waxay wax u qabtaan caruurta iyo dhalinyarada sida kubada cagta, kubada gacanta iyo icehockey.

Vadstena waxaa ku yaala kaniisada Svenska kyrkan oo kamid ah ururka diineed ee Vadstena, rugta kristaanka katoliikada ah oo ka kooban soorooyin iyo kaniisada madaxa banaan ee Vadstena.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Vadstena waxaa ku yaala dukaamo yaryar, waxaana ku yaala sadex dukaamo oo iibiya cuntooyinka. Xafiiska qabilaada qaxootiga iyo xafiiska arrimaha bulshada waxay ku dhex yaalaan xafiiska degmada, halkaas waxaana ku yaala xafiiska shaqada oo qof joogo maalin walba oo isniin ah.

Dalyeelka carruurta

Degmada Vadstena waxaa ku yaala xanaanada carurta oo ay dawladu leedahay iyo kuwo gaar ah. Ardayda dhigata xanaanada caruurta ilaa fasalka shanaad waxay xaq u leeyihiin inay aadan dugsiga firaaqada wakhtiyada aanay bilaabin skoolkooda iyo markay dhameeyaan. Degmada Vadstena waxayna leedahay xanaanada caruurta oo u furan caruurta iyo waalidiintooda.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Vadstena waxaa ku yaala sadex skoolo oo ah skoolada hoose-dhexe oo ay dowladu leedaay, waxaana la kala yiraahdaa Katarinaskolan, St Perskolan iyo Petrus Magni skola. Waxaana magaalada banaankeeda ku yala hal skool oo la yidhaahdo Rogslösa skola.

Vadstena waxaana ku yaala skoolka sare oo la yidhaahdo Vadstenagymnasiet.

Furadaha waxbarasho

Degmada Vadstena waxay leedahay la taliye waxbarasho iyo shaqo oo u diyaar ah wadahal iyo warbixin ku saabsan shaqooyinka iyo waxbarashada. Gobolka waxaad ka heleysa fursadooyin waxbarasho oo kala duwan. Magaalada Linköping waxaa ku taala jaamacad.

Caafimaadka

Degmada vadstena waxaa ku taala xarunta caafimaadka ee gobolka, oo leh caafimaadka caruurta. Wixii xanuun ama dhaawac deg deg ah la xidhiidh rugta qaabilaada deg dega ah oo ku taala dhakhtarka Motala. Caafimaadka ilkaha waxaad ka heleysa daryeelka caafimaadka ilkaha ama daryeelka caafimaadka ilkaha oo gaarka loo leeyahay.

Caawinaad turjubaan

Hey´ad walba waxaad ka heleysa caawimaad turjumaaneed.

Xiriirka gaadiidka

Isgaarsiin wanaagsan ayaa ka jirta magaalada waxeeyna u dhexeeya magaaloyinka Vadstena ilaa Motala, Skänninge, Mjölby iyo Linköping, oo loo kala raaci karo tareen. Degmada gudeheeda waxaad ka heleysa gadiid bilaash ah.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Vadstena waxaad ka heleysa shaqooyin kala duwan sida shirkado yaryar iyo shirkado waawey sida shirkado waxyaabo kala duwa soo saara, shirkado beereed, hawlaha soo saarka adegga iyo shirkado cafimaadeed. Degmada Vadstena ayaa ah shaqo bixiyaha ugu weyn. Shirkado waaweyn waxay ku yaalaan magaalooyinka Linköping, Mjölby iyo Motala.