Uppsala

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 30 7 2020

Magaalada Uppsala waxay magaalada Stockholm u jirtaa 38 daqaiiqado, madaarka Arlanda Airport oo ku yaala Stockholm waxayna u jirtaa 18 daqiiqadood. Uppsala waa magaalada 4:aad ee dalka Iswiidhan.Uppsala waxay caan ku tahay jaamacadaheeda iyo tariikhda dhaqameed. Magaaladu waxayna leedahay shirkado badan oo yar yar iyo kuwo waaweyn,waxaana ku yaala magaalada makhayaado iyo dukaamo.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

231,729

Cabirla dhulka

2,234 kiilomitir oo laba jibaaran

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

  • Stockholm 71 kiilomitir
  • Västerås 79 kiilomitir
  • Gävle 107 kiilomitir

Magaalada waxaa degan taqriiban 205 000 oo qof, afartii meelood sadex meelood waxay degan yihiin magaalada, inta kale waxay deginyihiin magaalada banaankeeda oo ka tirsan gobolka. shantii qeybood qeyb waa dad qaxootinimo ku yimi amaa waliidkooda ayaa qaxootinimo ku yimid.

Deegaan

Guryo la´aan ayaa ka jirta magaalada Uppsala. Degmadu waxey leedahay saf guryo oo uu gaara, Dalaalka guryaha ee Uppsala kasoo dalaala guryaha ee kireeyeyaal cayiman. Guryaha diyaarka u ah in la iibiyo ama la kiraayo waxaa maamula shirkado guryo kale iyo dalaal. Shirkada Uppsalahem oo leh 15 500 guri waa shirkada guryaha ee ugu weyn.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Magaalada Uppsala waxaa degan dad ka kala yimid wadamo kala duwan oo kuna hadla luqado kala duwan. Dadka ugu badan waxay ka kala yimaadeen Iiraan, Finland, Ciraaq, Turkiga, Suria, Jarmalka, China, Lubnan, Boolen iyo Itoobiya.

Caruurta iyo dhalinyarada ku hadla luqad aan ahayn luqada iswiidhiska waxay heli karan waxbarashada luqada hooyo skoolkooda dhexdiisa. Luqada hooyo waxaa lagu dhiga ilaa 40 luqadood.

Jaaliyado iyo ururu

Jaaliyado badan ayaa ku yaala magaalada Uppsala – waxaa jira laga bilaabo jaaliyado isboorti ah, kuwo dhaqameed, kuwo wakhtiga firaaqada ah ilaa jaaliyoo ka shaqeeya caawimaada bulshada. Ururka iskaashinta jaaliyadaha qaxootiga ah ee Uppsala (SIU) Waxay isku keeneen 40 jaaliyadood oo qaxooti ah oo ku yaala degmada. SIU waxay leeyihin qeyb ka mid ah raadiyaha oo ku baxa kow iyo toban luqadood. Waxaana jira kaniisado iyo isbahaysi diineed oo badan magaalada Uppsala.

Maxaa ka ag dhaw

Adeega bulshada, warbixin ku sabsaasan degmada, xafiiska shaqada, xafiiska adeega bulshada, qasnada caymiska iyo hay´ada cashuuraha kulligood waxay ku yaalaan magalada Uppsala. Bartamaha magaalada waxaa u yaala dukaamo iyo makhaayado kala duwan, magaalada banaankeeda waxaa ku yaala suuqyo waaweyn. Waxaadna heleysa dukaamo gacan labaad ah oo iibiya dhar iyo alaab guri.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxay bixisaa xanaano ay ugu tala gashay qofka carruurta ku haysta guriga. Degmada waxa ay leedahay qaybta waxbarida sida xananada carruurta, xanaanada qoyska ee maalinti gaar ahan kuwa da'dooda u dhaxaysa 1 -5 sano.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Uppsala waxaa ku yaala 70 skool hoose-dhexe ah iyo 25 skool sare ah. Skoolada qaarna waa kuwo dawlado leedahay qaarna dad baa leh. Skooladu waxay leeyihiin qeybo kala duwan. Carruurta iyo dhalinyarada wadanka cusub oo dhan oo bilaabaya iskuul ugu horeyntii waxey booqanayaan Qaabilaada dadka cusub si ay u sameeyaan wada-hadal, qiimeynta waxbarashadiisa.

Kuwo badan oo iskuulada aasaasigaa ee Uppsala waxey heystaan fasalo lagu diyaarinayo dadka cusub iyo qaxootiga carruurtooda. Fasalada hordhaca ee luqada waxey ka jiraan dhowr iskuulada dugsiyada sare ee degmada.

Furadaha waxbarasho

Magaalda Uppsala waa magaalo cilmi. Halkan waxaa ku yaala labada jaamacado ee waaweyn, jaamacada Uppsala Universitet iyo jaamacada Statens Lantbruksuniversitet.

Caafimaadka

Degmada dhexdeeda waxaad ka qayb qaadan kartaa noocyada kala duwan ee daryeelka caafimaad. Waxaad ka heli kartaa xarun caafimaad ee arimada dadweynaha iyo waxaad kale ee hili kartaa xarunta daryeelka carruurta, xarurta daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka ilkaha. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixio dheeraad ah oo ku saabsan halkuu qofku ka helo karo waxa ku saabsan daryeelka kala duwan ee caafimaadka.

Caawinaad turjubaan

Hey´ad walba waxaad ka heleysa caawimaad turjumaaneed.

Xiriirka gaadiidka

Magaalada Uppsala waxaa yimaada tareen, waxay qaada 35 daqiiqado markaad ka imanaysid magaalada Stockholm iyo 18 daqiiqado markaad ka imanaysid madaarka Stockholm Arlanda Airport.

Markaad joogtid magaalada waxaa gadiid noqonaya buss, shirkada la yidhaahdo Upplands Lokaltrafik ayaa basaska leh. Basas wakhtiyo badan baxaya oo dhinac walba u baxaya ayaa ka baxa bartamaha magaalada Resecentrum.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo bixiya ugu weyn waa jaamacadaha, degmada iyo Maamulka caafimaadka ee degmada. Waxaana jira 17 000 shirkadood oo soo badnhigaya shaqooyin iyo caawimaado. Shaqooyinka jira waxaa ka mid ah IT:ga , geerashyo, warshado dawooyin iyo qaar kale. Ganacsigu muhiim ayuu u yahay magaalada.

Magaalada Uppsala banaankeeda waxaa ku yaala madaarka Aranda oo ah shaqo bixiye aad u weyn. Dad badan oo degan Uppsala waxay shaqo u doontaan magaalooyinka Stockholm, Västerås, Gävle iyo magaaloyinka ugu dhow.