Haddii aad u baahantahay daryeel caafimaad
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 11 9 2018
Waxaa jira rugo caafimaad oo badan oo kula duwan kuwaas oo aad ka raadsan karto daryeel. Dhinaca boggan waxaad ka helaysaa caawimaada in daryeel sax ah loo helo dhibta ama baahida aad adigu qabto.
Muhiim ku saabsan haddii aad u baahantahay raadsashada daryeel
-
Sii qaado kaarkaaga aqoonsiga
Adigu waxaad u baahantahay inaad sidato kaarkaaga aqoonsiga marka aad raadsato daryeel ama aad soo qaadanayso dawo.
Haddii aad magan-gelyo doon ku tahay Iswiidhan waa inaad sidato kaarkaaga LMA marka aad raadsanaysid daryeel. Waxaad xitaa u baahantahay inaad farmasiga tusto kaarkaaga LMA haddii aad soo qaadanayso dawo. Haddii aanad weli helin kaarkaaga LMA waa inaad tusto warqada rasiidhka inaad codsatay magan-gelyo.
-
Waajibka qarinta sirta ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka
Gudaha Iswiidhan dhamaan shaqaalaha dhinaca daryeelka waxaa waajib ku ah qarinta sirta. Tani micnaheedu waa in iyaga aan loo oggolayn inay waxyaabo adiga kugu saabsan uga sheekeeyaan dad kale iyagoo aan haysan oggolanshahaaga. Turjumaanada ku shaqeeya hawsha daryeelka caafimaadka iyo bukaanka xitaa iyagana waxay waajib ku ah qarinta sirta. Xitaa kuwa ka shaqeeya farmasiga waxaa waajib ku ah qarinta sirta.
-
Turjumaada luqadaha kale
Haddii aanad ku hadal iswiidhish fiican markaasi waxaad heli kartaa caawimaada turjumaan marka aad la kulmayso shaqaalaha daryeelka caafimaadka.
-
Sawirada loogu talogalay in lala hadlo shaqaalaha daryeelka
Waa muhiim inaad fahanto waxa shaqaalaha daryeelku sheegayo iyo in shaqaalaha daryeelku fahmaan waxa adigu aad sheegayso. Waxaa jira sawiro aad isticmaali karto marka aad la kulanto shaqaalaha daryeelka.
Aab leh turjumaado
Hel daryeelka saxda ah
Wac Hagida daryeelka caafimaadka ee 1177
Haddii aanad hubin inay tahay inaad daryeel raadsato waxaad wici kartaa Hagida daryeelka caafimaadka ee 1177. Lambarka telafoonka waa 1177. Markaasi waxaad la hadli doontoaa kalkaaliye caafimaad oo ku siin kara talo ku saabsan dhibtaada. Kalkaaliyaha caafimaadka waxay xitaa ku siin karaan warbixin ku saabsan halka aad ka helayso daryeel sax ah. Waxaad wici kartaa telafoon lambarka 1177 xilli kasta maalin iyo habeenba.
La xiriir rug caafimaad
Badanaaba waa inaad rug caafimaad la xiriirto marka hore haddii aad xanuusato ama qabto dhib. Halkaasi waxaad ka heli kartaa caawimaada badankeeda. Waxaa kale oo aad la xiriiri kartaa rug caafimaad haddii aad caafimaad daro dareemaysid maskaxiyan. Rugta caafimaadka waxay xitaa kaa caawin kartaa in aad xiriir la yeelato rugaha caafimaadka ee cilmi nafsiga.
Dhinaca bogga Hagida daryeelka caafimaadka ee 1177 waxaa ku jira macluumaadka xiriirka iyo wakhtiyada furitaanka ee rugaha caafimaadka ee dalka oo dhan. Halkaasi waxaad xitaa ka helaysaa macluumaad ku saabsan noocyada kale ee rugaha caafimaadka iyo daryeelka takhasuska ah.
Tag qaabilaada deg-dega
Haddii adiga ama qof kale u xanuusanayo si aad ah ama dhaawac halis ah qabo waa inaad caawimaad ka raadsato qaabilaada deg-dega. Qaabilaada deg-dega ah waxay ku taalaa isbitaal oo way furantahay maalin iyo habeenba sanadkii oo dhan.
Haddii adiga ama qof kale aad u xanuusanayo maskaxiyan oo u baahantihiin caawimaad dhakhso ah waa inaad tagtaa qaabilaada deg-dega ee cilmi nafsiga.
Wac lambarka qaylo dhaanta ee 112
Haddii ay tahay xaalad halis ah oo khatar ku ah qof naftooda waa inaad wacdo telafoon lambarka 112. Markaasi waxaad helaysaa caawimaad dhakhso ah iyo ambulaans ku kaxaynta ilaa iyo qaabilaada deg-dega. Dhanka telafoon lambarka 112 waxaad ka helaysaa xiriirka ambulaanska, booliiska iyo gurmadka dab demiska intaba.