Ku saabsan Information om Sverige

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 7 9 2018

Information om Sverige (www.informationsverige.se) waa bogga maamulka gobolada ee macluumaadka ku saabsan Iswiidhan looguna talogalay adigaaga ah magan-gelyo doon ama helay sharciga deganaansho.

Maxay tahay sababta ay u jirto Information om Sverige?

Boggan intarnat-ka wuxuu caawimaad u yahay adiga oo ku siinayaa fursado badan in adigu aad keli ahaantaa aad raad ku yeelato xaaladaada gudaha Iswiidhan.

Halkan waa inaad ka heli karto jawaabta su'aalaha ku saabsan sida bulshada Iswiidhan u shaqayso. Waxaa kale oo aad ka helaysaa warbixin ku saabsan nooca hey'adaha dawladeed ee la xiriiri doonto wakhtigaaga ugu horeeya ee dalkan aad joogto. Waxaad si talaabo talaabo ah ula socon kartaa sida wax u shaqeeyaan, laga bilaabo marka aad magan-gelyo codsato ilaa marka aad noqoto qof ka qayb qaata bulshada Iswiidhan oo shaqeeya ama wax barta.

Information om Sverige waxaa lagu dhisay iyadoo caawimaad laga helay kooxaha ku shuqul leh magan-gelyo doonka iyo dadka dhawaan helay sharciga deganaansho. Mahadi ha u ahaatee, caawimaadooda darteed waxaad akhrin kartaa wixi ku saabsan waxyaabo ay adkaan karto in la ogaado ama waxyaabo laga yaabee adigu aanad garanayn in aad u baahantahay inaad ogaato.

Yaa ka dambeeya Information om Sverige?

Maamulka gobolka ee gobolka Västra Götland ayaa mas'uul ka ah in la maamulo Information om Sverige iyadoo wada-shaqayn lala samaynayo maamulada gobolada kale ee Iswiidhan. Maamulada gobolada waxay wada-shaqayn la leeyihiin Xafiiska Shaqada iyo Hey'ada Socdaalka si macluumaadka boggan intarnat-ka u ahaadaan kuwo cusub oo sax ah.

Maxaad adigu ka heli karta Information om Sverige?

Dhinaca Information om Sverige waxaad ka helaysaa macluumaad la ururiyay kuna saabsan bulshada iswiidhishka. Waxaad ka akhrin kartaa sida Iswiidhan loo maamulo iyo sida aad uga mid ahaan karto ee aad raad ugu yeelan karto. Waxaad heli kartaa macluumaad ku saabsan sida nidaamka amaanka iswiidhishka ee leh taageero dhaqaale u shaqeeyo iyo sida daryeelka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka ee iswiidhishka u shaqeeyaan. Waxaa ku jira xitaa boggag kuwaas oo aad ka bilaabi kartid inaad ku tababarato iswiidhishka, bogag ku jiheysan adigaaga ah waalid iyo qaamuus ay ku jiraan kalmado muhiim ah.

Boggan intarnat-ka waa hagid bilaa kharash ah dhinaca bulshada iswiidhishka kuna qoran 10 luqadood. Waa laga isticmaali karaa kombiyuutar, shaashada yar iyo moobilka. Halkan waxaa ku jira warbixino iyo aalado loogu talogalay adigaaga ah magan-gelyo doon ama dhawaan helay sharciga deganaansho iyo xitaa waxyaabo caawinaya adigaaga la shaqeeya dadka ka tirsan kooxahan.

Filimka ku saabsan www.informationsverige.se