Barashada bulshada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Maadooyinka cilmiga bulshada waa waxbarasho bilaash ah kuna saabsan bulshada iswiidhan looguna talogalay adigaaga dhawaan helay sharciga deganaansho ee Iswiidhan.

Qofkee tegi kara maadooyinka cilmiga bulshada?

Adigaaga dhawaan helay sharciga deganaansho ee barnaamijka meelaynta ka helay Xafiiska Shaqada, ama adigaaga ku yimi xiriirka qaraabadaada, ayaa tegi kara koorsada maadooyinka cilmiga bulshada.

Waa maxay sababta ay tahay inaad u barato maadooyinka cilmiga bulshada?

Waxaad helaysaa aqoon ku saabsan xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga, dimoqraadiyada Iswiidhan iyo sida bulshada iswiidhishku u habaysantahay. Koorsadan waxay ku saabsantahay nolosha maalinle ee waaqiciga ah, tusaale ahaan arrimaha ku saabsan shaqo iyo waxbarasho, hoyga, caafimaadka iyo daryeelka bukaanka iyo caruurta iyo qoyska.

Ujeedada maadooyinka cilmiga bulshada waa in laguu sahlo inaad soo dhex gasho bulshada iwiidhishka.

Waxaad helaysaa caddayn marka aad dhamaysato waxbarashadan.

Sidee ayaad isaga diiwaan gelinaysaa maadooyinka cilmiga bulshada?

  • Haddii aad dhawaan heshay sharciga deganaansho kuna qorantahay barnaamijka meelaynta ee Xafiiska Shaqada waxaad la hadli kartaa hawl-wadeenkaaga jooga Xafiiska Shaqada in aad isu diiwaan geliso koorsadan.
  • Haddii aad xiriir la leedahay adeega arrimaha bulshada markaasi hawl-wadeenkaaga jooga adeega arrimaha bulshada ayaa kaa diiwan gelin kara koorsadan.

La xiriir degmada aad degantahay haddii aad doonaysid inaad dheeraad ka ogaato sida maadooyinka cilmiga bulshadu u shaqayso.

Ku saabsan Iswiidhan

”Ku saabsan Iswiidhan” waxaa ku jira hanuuninta bulshada looguna talogalay adigaaga doonaya inaad dheeraad ka ogaato wixii ku saabsan Iswiidhan iyo bulshada Iswiidhishka.