Borlänge

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Borlänge waxeey in dhaafeeyso 50 000 oo qof oo fiican. Halkaan waxaa ku yaalo IKEA iyo carwada weeyn ee Kupolen. Borlänge waa magaalo dhaqan badan oo leh dhaxal heeso weeyn.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

52336

Cabirla dhulka

636 kiilomitir oo laba jibaaran

Waxeey uu dhawdahay dabiicada, waxeeyna lee daahay fursado fiican oo toobarasho iyo toobar caafimaad. Dhamaadka isbuuca bartamaha jawigiisa wuu kacaa oo dhalinyar iyo da' weeyn ba waxaa soo jiito maqaayadaha iyo baararka oo leh hees toos ah.

Deegaan

Borlänge waxaa ku taal shirkad guriyaal kireeyso oo degmada lee dahay, Tunabyggen. Sido kale waxaa jiro shirkado guri madaxbanaan oo badan, waxaana ka heleeysaa bogga degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Dadka luuqadaha ku hadlo degmo ka degmo wee ku duwanan karaan taasi oo keeneeyso sii guurida iyo usoo guurida. Hada koox-luuqadeedka ugu weeyn Borlänge waa af soomaali, afka thayland, af cari iyo af kurmanji. Waxaa kor uu soo kacooyo afka iraan, af turki, afka albaaniya iyo af tigrinya.

Jaaliyado iyo ururu

Borlänge waxaa ka jiro ururo badan oo ku jiheeysan wax yaalo kala duwan. Degmada diwaankeeda-ururueed waxaad si gaar ah uga raadin kartaa urur uu haboon waxa aad jeceshay.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Borlänge waxaa ku taalo maktbada Borlänge, xafiiska shaqada, Hey'adda canshuuraha, Qasnada ceeymiska, xarunta jiheeynta iyo dhigida iswiidhiska soo galooytiga, sfi. Xafiiska maamulka bulshada waxuu ku dhexyaal guriga magaalada, Röda vägen 50. Warbixin ku socoto soo guuraha cusub waxaad ka heleeysaa boggeena.

Saddex dhalinyaro ah oo ku sii socda Maktabada.

IKEA waa dukaanka carwada alaabta guriga ee ugu weeyn uguna cusub, waxuuna ku yaaala Norra Backa, agagaarka cawada Kupolen. Ta till vara i Åselby waxuu gadaa alaab guri oo la soo isticmaalay.

Dad ku dul socda baraf oo ku sii dhaadhacaya buurta hoosteeda.

Dalyeelka carruurta

Degmada waxay bixisaa xanaano ay ugu tala gashay qofka carruurta ku haysta guriga. Degmada waxa ay leedahay qaybta waxbarida sida xananada carruurta, xanaanada qoyska ee maalinti gaar ahan kuwa da'dooda u dhaxaysa 1 -5 sano.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmadu waxay bixisaa dugsi hoose dhexe waxay siisa ardaysa dhigata ilaa iyo fasalka sagaalaad. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo xataa fursado ilaa iyo waxbarashada dugsiga sare.

Bogga Gysams warxaa ku jirto warbixin fudud oo ku saabsan habka loo doorto dugsiga sare, iyo barnaamijyada nuucyadood iyo dugsiyada ardayda loo soo bandhigi karo.

Furadaha waxbarasho

Degmadu waxay bixisaa waxbarasgo kala duwan ee dadka waaweyn iyo luqada iswiidhishka ee dadka ajnabiga ah, sfi. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wixii fursado dheeraad ah ee jira.

Caafimaadka

Talobixinta caafimaadka waxaad ka heli kartaa 1177 - Hagida daryeelka, warbixin dheeraad ah waxay ku jirtaa Gobolka Dalarnas boggeeda intarnatka. Xilliga xaalado khatar ah: Wac SOS Alarm lambarka talefoonka 112.

Caawinaad turjubaan

Markasto oo aad xariir la yeelaneeyso hey'addaha, xafiisyada degmada iyo daryeelka waxaad xaq uu lee dahay kaalmo turjumaan hadddii aada ku hadlin ama fahmin iswiidhishka. Taasi waxaa sii balaminaayo qeeybta bulshadeed ee arinta ku saabsan tahay.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Borlänge waxaad raaceeysaa basaska Dalatrafik oo bosteejooyin ku leh degmada.

Shaqo iyo ganacsi

Borlänge waxeey lee dahay shaqo-dhiibe weeyn xafiiska degmada Borlänge, SSAB iyo Hey'adda gaadiidka waa sadax ka mid ah dad badan oo Borlänge degan ka shaqeeyaan. Haddii aad dooneeyso in aad shirkad furato waxaa warbixin dheeraad taala xafiiska shirkadeeynta ee gudaha degmada.