Hudiksvall

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Hudiksvall waxeey ku ag taal jidka E4 80 km waxeey dhanka koofureed kaga taal Sundsvall, waxeeyna 130 km dhinaca waqooyi kaga taal Gävle. Halkaan waxaad kula kulmeeysaa dad qalbi furan, waxaa kaloo meeshaan yaal nolol dhaqameed xayi ah iyadoo la arkayo waxyaabo ka yimid waqtiyadii hore oo ku dhex milyay waxyaabaha casrigaan la joogo

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

37572

Cabirla dhulka

4524 kiilomitir oo laba jibaaran

Hudiksvall waxeey goob farasmagaalaa u tahay degmada Hudiksvall laakiin waxaa jira xaafado kaloo sida Iggesund, Delsbo Forsa iyo kuwo kale. Xaafadaha isku dhowdhowna waxaad ka heleysaa dukaamo, bangiyo, rugag caafimaad, dhakhtarka ilkaha iyo waxyaabo la halmaala. Hudiksvall waa magaalo xeebed qurux badan waxaana la aasaasay 1582. Ilaha dhaqaale ee magaalada waxeey kala ahaayen kaluumeysi, badmaaxnimo, farshaxan iyo ganacsi. Ka ganacsiga kaluunka waxuu sanado badan gudahood ahaay meel uu dakhli muhiim ah kasoo galo. Meelaha kaluunka lagu iibiyo ama meelaha ka agdhow balliyada waxaad ku arkeeysaa wixii kasoo haray waqtigaas.

Deegaan

Degmada gudaheed waxaa ka jira shirkada guryaha ee degmada och shirkado kaloo guryaha kireeya oo gaar loo leeyahay. Marabtaa inaad gashid safka loogu jiroguryaha ama inaad heshid warbixin ku saabsan guryaha bannaan waxaaf gashaa waxaad ka fiirisaa bogaggooda internetka ah.

Ama waxaad gashaa bogga Blocket si aad u ogaatid haddii eey jiraan guryo kaloo degmada ka bannaan.

Degmada waxaa ka jira saf loo istaago dhulalka bannaan. Dhulalkaas waxaa saf u gali qof kasta oo 18 sano buuxiyay isla markaana raba inuu ka dhisto guri uu dego. Qoys kasta waxeey dalban karaan hal dalab. Faafaahin dheeraada ka akhriso degmada boggeeda internetka ah - safafka dhulka ama waxaad gashaa bogga dhis.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Hudiksvall waxaad ku arkeysaa dhaqamo kala duwan och luqado kala duwan. Luqadaha ugu waaweyn waa carabi, tigree, daari, faarsi. Saawixili, tamil iyo isbaanisha waa luqadao kaloo ka jira degmada.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Hudiksvall waxey leedahay nolol jaaliyadeed qani ah. Jaaliyada waxeey kuu hayaan fursado kala duwan oo aad ku sameyn kartid waxyaabo kala duwan. Ma rabtaa in talo lagaa siiyo waxa aad sameyn kartid mark aad fasaxa tahay? Baraaktiik? Shaqada waqtiyada fasaxa? ma u baahan tahay caawimaad? Faafaahin dheeraada ka akhriso degmada boggeeda internetka ah.

Maxaa ka ag dhaw

Farasmagaalaha waa meesha eey dukaamada oo dhan ku yaallaan. Waxaa jira dukaamo kala duwan iyo bangiyo, farmashiiye, shaleemo, maktabad iyo dukaamo gada ganacsiga maalinlaha ah. Waxaa kaloo jira dukaamo dhowr ah oo gada cunto iyo xawaash laga keenay bariga dhexe iyo qaarada Aasiya.

Waxaa jira mowlac lagu dukado oo ku yaal xaafada ku taal dhinaca galbeed.

Waxaad xur u tahay inaad si bilaash ah u isticmaashid kumanaan buugag, buugag dhageysi, joornaalo, iyo waxyaabo kaloo kuwaaso oo kale oo aad ka heli kartid sideedeena maktabo.

Bartamaha Huduksvall waxaa ku yaal xafiiska shaqada waxaa kaloo ku yaal xafiiska ceymiska, xafiiska amuuraha howlgabayaasha iyo xafiiska cashuuraha, kulligoodka hal goob ayeey wada fadhiyaan.

Dukaamada waxaad ka heleysaa bartamaha magaalada. Shoob senteruumka Guldsmeden ama suuqa Fyren. Waxaad booqataa Centrumhandel si aad u heshid warbixin ku saabsan dukaamada ku yaal Hudiksvall. Dadka ka hela waxyaabaha qarniga ah ha booqdaano dukaan66.

Waxaa ku yaal dukaamada huudheeyda ah oo gada alaabaha guryaha, dhar, qalabyo kala duwan. Erikshjälpen, laan qeybta cas waxeey ku yaallaan Hudiksvall iyo Forsa. esursen, Café 7:an, Biståndscenter waxeey ku yaallaan Håstaholmen; Dakapo oo ku yaal Forsa iyo Säcken oo ku yaal Delsbo. Waxyaabaha huudheeyda ah waxaa online uga gadan kartaa Blocket.

La xiriir xafiiska warbixinta dalxiiska ee Hudiksvall ama booqo bogaga internetka ee Hälsinglands matxafka, Hälsingslands iyo Glysisvallen AB si aad u heshid warbixin dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabaha aad sameyn kartid.

Dalyeelka carruurta

Degmada Hudiksvall waxaa ku yaal 30 dugsiyada xanaanada Caruurta ah, oo saddax xaafado loo kala qeybiyay; koofur, waqooyi iyo galbeed. Carruurta u baahan kaalmada gaarka ah waxaa la siinayaa caawimaad u dhigmata baahida ey qabaan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Hudiksvall waxaa ku yaal 17 dugsihoose dhexe oo eey dhigtaan 3500 oo arday, oo saddax xaafado loo kala qeybiyay; koofur, waqooyi iyo galbeed.

Iskoollada waxeey leeyihiin jawi waxa lagu garto eey tahay isku qalbi furnaan iyo is dhexgal waxeeyna kuu hayaan waxbarasho kala duwan takhasusyo kala duwanna leh.

Bromangymnasiet waxuu kuu hayaa 14 barnaamijyo dugsiga sare ah kuwaasoo 9 kamid ah yihiin kuwo aad ugu sii gudbi karto machad xirfadeedyo halka 6 kalana eey kuu diyaarinayaan waxbarasho jaamacadeed. Barnaamijyada laga barto kaamacada waxaad ka heleysaa halkaan.

degmada waxeey kalo leedahay dugsiga sare ee Glada Hudik-gymnasiet iyo dugsi hoose dhexe oo ah kuwa gaarka loo leeyahay.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waweyn ee Hudiksvall waxeey kuu heysaa waxbarashada lärvux, waa xarun barid iyo horumarineed- Cul, machad xirfadeed iyo sfi (luqada iswiidhishka ee ajnabiga).

Hudiksvall waxaa ku yaal machad jaamacadeed. Xarunta waxbarida iyo hormarida waxaad ku baran kartaa barnaamij waxbarashadeedyada sida masaafada ah loo akhrisan karo oo eey jaamacadaha soo galiyaan. Inaad waxbarasho heer jaamacadeed ah ku akhrisatid xarunta waxbarida iyo hormarida waxeey ka dhigantahay inaad ka diiwaan gashantahay jaamcad sida machad jaamacadeedka Gävle laakiin aad waxbarashadaada ku dhigatid Xarunta waxbarida iyo hormarida.

Gobolku waxuu wadaa machadka dadka waaweyn ee degmada, machadka dadka waaweyn ee Forsa kuna ayaala Forsa.

Caafimaadka

Dhowr ah ruggo caafimaad ayaa ku yaala degmada xaafadaheeda kala duwan ee Hudiksvall, Iggesund och Delsbo. Kuwaas waxaa socodsiiya maamulka gobolka laakiin waxaa jira xitaa daryeel bixiyayaal baraayfad ah. Degmada waxaa ku yaal mid ka mid ah labada isbidaallada degdega ah ee ku yaal gobolka waxayna leeyihiin mid ka mid ah qaybaha raajada ee ugu casriyaysan Iswiidhan.

Daryeelka ilkaha dhanka maamulka gobolka iyo dhakhtarada ilkaha ee baraayfadka ah waxaa laga helaa dhowr meelood oo ah gudaha degmadan.

Dhanka Gobolka Gävleborg bogeeda intarnatka waxaad ka heleysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Rugaga caafimaadka, Isbitaallada, Dhakhtarka ilkaha iyo Farmasiyada.

BRIS xuquuqda carruurta ee mujtamaca, taleefanka 116 111 waxaa wici kartaa haddii aad ka yartahay 18 sano aadna rabtid inaad la hadashid kalkaaliye aad kala xaajootid waxyaabaha aad ka fakareyso ama haddii aad caawimaad u baahantahay ( waana bilaash).

Qofka weyn oo raba inuu hadlo carruurtiisa, waxuu wici karaa 0771505050 si uu ula hadlo kalkaaliso kalana hadlo waxa uu rabo in laga caawiyo. ( waa lacag la'aan).

Kufsiga dumarka - jaaliyada Kvinnojouren Vändpunkten: dhibaatadaa iyo waxa kusoo qabsaday maahan wax yar ama waxa maalaa yacni ah.

Jirdil qoyska dhexdiisa ah. Xafiiska adeega vulshada waxuu hayaa hawlo caafimaad oo dumarka loogu tala galay. Noo kaalay!

Leenka taleefinaka ee haweenka waxaa loogu tala galay dumarka loo geysto hanjabaad, kufsi ama faraxumeyn.

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan:

Caawinaad turjubaan

Haddii aadan ku hadleyn ama aadan fahmeyn luqadda iswiidhishka waxaad xaq u leedahay inaad qabsatid turjumaan marka aad la kulmeysid xafiisyada.

Xiriirka gaadiidka

Xiriirada gaadiid ee degmada weey fiicanyihiin, tareen iyo basaska safarada dheer galaba (Xtrafik, SJ, Y-buss iyo Härjedalingen).

Tikadada weey u jabanyihiin ardayda. 

SJ

Shaqo iyo ganacsi

Ma u baahantahay ogolaansho ama u fasixid inaad bilowdo shirkad? Faafaahin dheeraad ah ka akhriso bogga degmada ama booqo HNA. Hey'adda kobcinta dhaqaalaha waxeey ku siineysaa warbixin ku saabsan ogolaanshaha leesaga baahanyahay waxyaabaha kala duwan. Faafaahin dheeraad ah ka akhriso Business Sweden ama bogga internetka ee Work in Sweden.