In la guuro

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Wax badan ayay tahay in laga fikiro marka aad hesho guri. Halkan waxaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan waxyaabaha muhiimka ah ee ay tahay inaad ogaato.

Rukmasho iyo heshiis

Waxaa jiri kara dhowr rukmasho iyo heshiisyo oo aad u baahantahay inaad la guurto ama iska joojiso. Ka fikir in heshiisyo badan leeyihiin wakhtiga ogeysiiska joojinta ama wakhtiga lagu xiranyahay heshiiskan, markaasi waxaa fiicaan inaad iska joojiso wakhti fiican ka hor intaanad guurin. Tusaale ka mid ah rukmashada iyo heshiisyada u baahan kara in lala guuro ama la iska joojiyo waa:

  • Heshiiska telafoonka
  • Heshiiska intarnatka
  • Kanaalada Tiifiiga-ga ee lacagta laga bixiyo
  • Heshiiska korontada
  • Baarkinka baabuurka
  • Qaylo dhaan
  • Caymisyada

Caymiska guriga

Waa muhiim in la lahaado caymis ilaalinaya adiga iyo alaabtaada. Ku dhawaad dhamaan guryaha Iswiidhan waxay leeyihiin caymiska guriga. Caymiska guriga waa ilaalin aasaasi ah taas oo kuu magdhabi karta alaabtaada haddii lagaa xado ama ay ku dhaawacmaan dab ama dhaawac biyo soo gaaro. Caymiska gurigu wuxuu ilaaliyaa xitaa dhamaan dadka ku qoran warqada caymiska ee ku nool isku guri. Waxaa intaasi dheer in caymisyada guriga ay ku jiraan waxyaabo ay ka midyihiin caymiska safarka.

Nadiifinta xilliga guritaanka iyo kantaroolida

Badanaaba adiga ayaa mas'uul ka ah nadiifinta xilliga guuritaanka marka aad ka baxayso guri iyadoo aan loo eegayn haddii aad ku jirto fiilo, guri la bar iibsaday ama guri kiro ah. Nadiifinta xilliga guuritaanka way ka baahsantahay nadiifinta toddobaadka ee caadiga ah oo waxay qaadataa wakhti badan. Adiga ayaa keligaa nadiifin kara xilliga guuritaanka ama waxaad wakiilan kartaa shirkad. Haddii nadiifinta xilliga guuritaanka aanay fiicnayn waxaa waajib qofka ku noqon karta inuu bixiyo magdhabid.

Caadiyan guriga waa la kantaroolaa marka qofka kireystaha ahi ka guurayo oo waxaa la qoraa dukumenti kaas oo lagu qoro wixi dhaawacyo ah ee jiri kara. Guri kireyste waxaa waajib ku noqon karta inuu magdhabo dhaawacyada soo gaaray guriga.

Guriga cusub

Waxaa muhiim ah inaad hesho dhamaan furayaasha gurigaaga cusub. Haddii aad u soo guurto guri kiro ah waxaa fiican inaad is-barbardhigto dukumentiga kantaroolida gurigaaga si aad u eegto inaanay jirin dhaawacyo ku yaala gurigaaga oo aan la ogayn.