Linköping

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Linköping waa degmada 5:aad ee ugu Iswiidhan waxeey kaloo ka mid tahay degmooyinka ugu korriimaha wanaagsan Iswiidhan oo dhan waxaana degan 150 000 oo qofood. Tekanaloojid sare oo heer caalami ah leh, jaamacad aad u wanaagsan iyo ganacsi xoogan ayaa calaamad u ah magaalada.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

163051

Cabirla dhulka

1568 kiilomitir oo laba jibaaran

Muuqaalka dhismayaasha Linköping oo leh geedaha duurka oo xaga hore ka muuqda.

Sababaha muhiimka u ah koritaanka dhaqaalaha waa wada shaqeynta ka dhaxeeysa waxsoosaarka ganacsiga, degmada iyo jaamacada waxaa kaloo sii dheer wada shaqeynta ka dhaxeysa degmada Nörrköping iyo degmooyinka kaloo dariska ah.

Deegaan

Linköping kuma yaalliin shirkado guryo eey degmadu leedahay, shirkadaha guryaha ayaga ayaa ka mas'uul ka ah ineey dadka war geliyaan guryaha bannaan iyo safafka guryaha loo galo. Waxeey degmada heshiis la gashay shirkadaha raba ineey warbixinnadooda laga heli degmaa boggeeda internetka oo liis taixana ah ku qoran. Degmada waxeey iibisaa dhul bannaan oo saf loo galo waxeey kaloo iibisaa dhulal aan saf loo gelin.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Linköping waxaa ku nool jinsiyado badan waxaana ka jiro luqado badan. Waxaa ka mid ah luqadaha af-soomaaliga, carabi, roomaani, iiraani, kurdish iyo af-ingiriis.

Ilmaha iyo dhalinyarada oo luqadooda hooyo aanan aheyn af-iswiidhish waxeey xaq u leeyihiin luqadda afka hooyo markeey dhiganayaan dugsiyada hoosedhexe iyo sare.

Degmada linköping waxaa boggeeda internetka ah laga helaa warbixinno la fasiray oo ka hadlaya qeybo kala duwan sida, xanaanada carruurta, iskool, ceyrta, gacan qabte, daryeelka howlgabka iyo maktabad. Warbixinno dheeraada waxaa waxaad ku heli kartaa luqadaha: af-carabi, af-soomaali, iiraani, roomaani, kurdish iyo ingiriis.

Jaaliyado iyo ururu

Linköping dadka degan badankood waxeey ka howl galaan jaaliyadaha degmada kuwo ka mid ah, waxaa yaal goobo loogu tala galay isboortis, shax, farshaxan, xoolo iyo dhul dabiici ah, buuro iyo taariikh- haddii aan qaar ka magacaawno.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada linköping waxaa ku yaal labo xafiisyada muwaadininta ah, mid waxuu ku yaal bartamaha midna waxuu ku yaal xaafada Skäggetorp, waxeey dadka ka caawiyaan ka jawaabidda su'aalaha caadiga ah, waxeey bixiyaan macluumaad guud, warbixinno iyo jid ku hagid. Waxaa kaloo jira warbixinno kale oo ku saabsan xafiiska shaqada, xafiiska ceymiska iyo xafiiska xashuuraha ee Linköping. Bartamaha degmada waxaa ku yaal dukaamo iyo makhaayado, bannaanka degmada waxaa ku yaal Tornby oo ah goob weyn oo eey dukaamo fara badan ku yaallaan. Waxaa kaloo jira dukaamada gacan labaadka oo badan oo lagu gado dhar rakhiis ah, maacuun iyo alaabta guriga. Linköping waxaa ku yaal goobo badan oo lagu dabbaasho iyo garoomo isboortis. Waxaa loo isticmaalaa in lagu cayaaro kubadda cagta, kubadda barafka usha lagula ciyaaro iyo ciyaaraha guud. Waxaa kaloo jira goob xilli firaaqeed oo loogu tala galay dhalinyarada eey da'doodu u dhaxeeyso 13-16 sano.

Koox dad ah ayaa ku ururay miiska suuqa ee suuq ku yaala Linköping.

Dalyeelka carruurta

Ilmaha da'doodu eey u dhaxeeyso 1-5 sano isla markaana u baahan daryeel waxaa jira iskoollada xanaanada carruurta iyo guryaha xanaanada carruurta. Linköping waxaa ka jira dugsiyo xanaano carruureed oo eey degmada mamusho iyo kuwo gaar loo leeyahay oona qaabilsan qeybo kala duwan. Degmada waxeey leedahay adeeg aad isugu babar dhigi kartid dugsiyada xanaanada, guryaha xanaanada, dugsiyada xilli firaaqaha iyo dugsiga xilli firaaqaha furan.

Linköping waxaa ka jira dugsiyada iskoollada xanaanada furan/xarumaha qoyska. Iskoolka xanaanada furan waa goob eey ku kulmaan waalidiinta carruurta yaryar heysta.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Linköping waxaa ku yaal qiyaastii 56 dugsiyo hoose dhexe iyo 17 dugsiyo sare ah. Waxeeyna isugu jiraan kuwo eey degmada maamusho iyo kuwo gaar loo leeyahay. Iskoollada waxeey siinayaan ardayda jihooyin waxbarashadeed oo kala duwan. Degmada waxeey leedahay adeeg aad isugu babardhigi kartid waxbarashada kala duwan oo eey dugsiyada hoosedhexe, sare iyo iskoollada loogu tala galay ardayda caqliga dhiman heeyaan. Wakhtigooda ugu horreeyo waxeey ardayda wadanka ku cusub dhiganayaan barnaamijka fasallada caalamiga ah oo loogu tala galay ardayda qaxootiga ah.

Furadaha waxbarasho

Degmada Linköping waxaa ku taal jaamacad weyn, Linköpings universitet, machadyo fara badan iyo waxbarashada dadka waaweyn. Barashada luqadda iswiidhishka ee loogu tala galay qaxootiga, sfi, waxeey hadaad tahay qaxooti wadanka ku cusub ku siineysaa aqoon asaasi ah oo luqada iswiidhishka ah.

Caafimaadka

Dhanka Hagida daryeelka 1177 waxaad weydiin kartaa su'aalo kana heli kartaa talo iyo weliba macluumaad urursankuna saabsan daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ee Linköping. Waxaad booqan kartaa bogga intarnatka www.1177.se ama waxaad wici kartaa taleefan nambarka 1177. Waxaad kaloo booqan kartaa Gobolka Östergötland.

Caawinaad turjubaan

Markaad ka kulmeeysid xafiisyada dowladda waxaad xaq u leedahay in laguu qabto turjubaan hadaadan fahmeyn luqadda iswiidhishka. Degmada Linköping waxaa turjubaannada looga wacaa marka eey jiraan kullamada kala duwan sida kulanka waalidiinta iyo macallimiinta eey yeeshaan iyo kullamada xafiiska sooshaalka.

Xiriirka gaadiidka

Waxaa degmada ku yaal isteeshin tareen weeyn oo eey ka baxaan tareenno iyo basas kala duwan. Waxeey gaadiidyada tareenka ee Östgötatrafikens isku gooshaa degmooyinka Norrköping, Linköping, Mjölby iyo Tranås. Qaabka wanaagsan ee loo dhisay gaadiidka dadwenaha ee degmada Linköping waxuu fududeeyay safarka degmada dhexdeeda ah. Hadaad rabtid inaad amaahatid baabuur u wanaagsan bii'ada waxaa jira meelo laga amaahdo oo ku yaal magaalada qeybaheeda kala duwan oo dhan. warbixin dheeraada oo ku saabsan ka akhri Östgötatrafiken.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo-bixiyaha ugu weyn Linköping waa degmada Linköpings, Gobolka Östergötland, Saab AB, jaamicada Linköpings iyo Ericsson AB.