Ystad

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Ystad waa degmada marka laga soo tago fursadaha in la helo bilicda dabiiciga ah,taariikh nool iyo tayada nolosha haddana leh nolol ganacsi hodan ah,isgaarsiin casriyeysan iyo korriin xooggan ee uu helayo gobol firfircoon.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

30492

Cabirla dhulka

1184 kiilomitir oo laba jibaaran

Ystad waa gobolka lagu yaqaan farasmagaalaha waayadii xilligii dhexe taasoo leh matxafyo, daaro taariikhi ah iyo soosaarista aflaamta oo kor u kacaysa.

Waxaa halkan kaloo laga helaa jawi wanaagsan oo leh xeeb dheer oo bacaad ah,meelo dabiici aad u qurux badan iyo tuulooyin kalluumeysi soo jiidasho leh iyo tayo dhif ah ee dhinaca baaxadda nolosha,horumarka iyo kalsoonida mustaqbalka.

Intaa waxaa dheer isgaarsiin ah tareen toos u aadaya Malmö/Kastrup/Köpenhamn, iyo deked ciyaareysa doorka udubdhexaadka isgaarsiinta caalamiga.

Deegaan

Ijraarka guryaha ee degmada Ystads

Xafiiska xiriirinta iyo maamulka guryaha ee ugu weyn waa shirkadda degmada ee guryaha Ystadbostäder. Shirkadda Ystadbostäder waxay maareysaa oo ijaartaa guryo gaaraya ku dhawaad 1300 guri ee ku yaalla Ystad. Ma rabtaa inaad gasho safka sugitaanka guryaha ama ma rabtaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda guryaha iyo mashaariicda xaadirka ah waxaad booqaneysaa bogga internetka ee guryaha Ystad.

Degmada Ystad waxaa kaloo ka jira dhowr hantiileyaal gaar ah oo kireeya guryaha degmada Ystad iyo qaybo ka mid ah magaalooyinka yaryar ee la deggan yahay. Si laguugu sahalsiiyo inaad guri ijaar ku hesho ayaa waxaan halkan ku uruurinay liiska liiska ireeyeyaasha degmada Ystad.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Barashada afka hooyo waxaa lagu bixiyaa afafka albaaniga, carabiga, boosniga, daanishka, ingiriiska, finishka, korowaatiga, boolishka, ruushka, seerbiga, soomaaliga, sooraaniga, isbaanishka taylaandiga iyo jarmalka.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Ystad waxaa ku yaal Kaniisada iswiidhishka, ururka diiniga ee Ystads, Sankt Nikolai, ururka diiniga ee katooliga ururka diiniga ee Smyrnaförsamlingen ee Ystad, Golaha ururka diiniga ee Jehovas Vittnen iyo Frälsningsarmén.


Marka laga hadlayo ururada waxaa ka jira Ystad ku dhawaad 300 urur. Waxaad cinwaanada lala xiriiro ka heli kartaa diiwaanka ururada.

Maxaa ka ag dhaw

Badhtamaha magaalada Ystads ayaa waxaad ka heleysaa dukaano, suuqo waaweyna waxay ku yaalliin duleedka magaalada.Waxaa kaloo jira maktabad qurxoon oo ku taalla magaalada.

Adeegga bulshadda sida xafiiska shaqada, xafiiska arrimaha bulshadda iyo xafiiska sanduuqa caymiska iyo xafiiska canshuuraha dabcan wuu ku yaallaa.

Dalyeelka carruurta

Degmada Ystad waxay leedahay dhammaan dugsiyada degmada ee barbaarinta caruurta iyo dugsiyada barbaarinta caruurta ee gaarka ah. Ardayda dhiganeysa sanad dugsiyadeedka 1 ilaa 5 waxay joogi karaan inta aan iskuulka la iman iyo marka laga soo baxdo dugsiyada labadaba guryaha xilliga firaaqada (fritidshem). Dhallinyarada ku jirta dugsiga dhexe iyo wixii ka sareeya waxaa jira hooyga dhallinyarara (Ungdomens hus) iyo barteeda kulanka.

Dugsiga dhaqanka wuxuu kugu soo dhaweynayaa hawlo firfircooni qofka raba inuu muusikada garaaco, heeso ,jilo riwaayad,wax sawiro ama wax qoro.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmadu waxay bixisaa dugsi hoose dhexe waxay siisa ardaysa dhigata ilaa iyo fasalka sagaalaad. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo xataa fursado ilaa iyo waxbarashada dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Barta kulanka ee Ystad (Forum Ystad) ayaa waxaa ku jira dugsiga dadka waaweyn, SFI, dugsiga waxbarashada gaarka ah (särvux) och xarunta waxbarashada gaarka ee dadka qaba mushkiladda naafada (dyslexicentrum). Waxaa xitaa jira xarumo iyo qalab farsamo loogu talo galay waxbarashada fog ee lagu qaato internetka ee laga qaato kulliyadda/jaamacadda. talobixiyaha dhinaca waxbarashada ayaa la heli karaa.

Caafimaadka

Degmada Ystad waxay leedahay dhammaan xarumaha daryeelka caafimaadka ee gobolka iyo sidoo kale cusbitaalka gaarka ah ee Novakliniken. Marka ay dhacdo jirro degdeg ah ama shil la xiriir rugta qaabilaadda degdegga ah (Akutmottagningen). Daryeelka hooyooyinka dhalmada ayaa waxaa laga helayaa rugta qaabilaadda dhalmada & daryeelka caruurta iyo cusbitaalka Novakliniken. Xarunta daryeelka caafimaadka caruurta ee gobolka iyo cusbitaalka Novaklinik qaybtiisa hoyga caruurta (Barnens hus) waxay bixiyaan daryeelka caafimaadka caruurta. Daryeelka ilkaha waxaad ka heli kartaa xarunta daryeelka ilkaha ee dadweynaha (Folktandvården) ama dhakhaatiiro gaar ah ee ilkaha. sida Novakliniken iyo Ystad Tand & Implantatcenter AB.

Caawinaad turjubaan

Mar walboo lala soo xiriirayo hay'adaha dawliga waxaa jirta fursad lagu heli karo tarjubaan.

Xiriirka gaadiidka

Tareenada ugu kala goosha Malmö/Lund nus saac walba , iyo tareen ka yimaada Malmö oo u kaca Köpenhamn 20 kii daqiiqaba.

Tareenada u kaca Simrishamn saacad walba. Jadwalka waqtiyada wuxuu yaalaa hay'adda gaadiidka ee Skåne (Skånetrafiken).

Doomo u dhaqaaqa Bornholm iyo Boolaand.

Shaqo iyo ganacsi

Ayadoo ay isgaarsiintu wanaagsan tahay baa waxaa dhammaan gobolka Malmö/Lund inoo jirayaan meel aan fogeen oo la isu gooshi karo.