Daryeelka waayeelka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Marka uu qof waayel nooqdo waxuu inta badanaa caawinaad uga helaa hoowlaha maalmeed. Iwiidhan waxuu qofka waayeelka xaq uu lee yahay in bulshada uu ka helo caawinaad iyo taageero. Dalalka kale halke ee qoyska ama ehelka xanaaneeyaan, Iswiidhan waxaa waayeelka gacan siyo bulshada. Inta badana ehelka kuwo la socdo qofka waayeelka noloshiisa. Xanaanada waayeelka waxaa hago sharciga adeega bulshada iyo sharciga daryeelka iyo caafimaadka bukaanka.

    Deegaan

    Dad badan oo waayeel ah waxeey doonaayaan in ee guriga degnaadaan inta ee macquul tahay. Maantana qofka waxuu fursad weeyn ugu lee yahay in uu guriga sii degnaado ayadoo uu bulshada ka helaayo taageero iyo habab kala duwan oo guriga loogu habeeyo. Degmadana waxeey qofka waayelka ku caawin kartaa daryeel iyo adeeg si uu usii degnaado gurigiisa. Waxaa taasi lagu magacaabaa adeega guriga.

    Shaqaale ka socda xafiiska adeegga waayeelka ayaa waxay kaa caawinayaan, tusaale ahaan nadaafadda guriga, adeegga cuntada, goglidda sariirta, qubeyska iyo in garka laguu xiiro. Waxaad kaloo caawimaad heli kartaa galbihii iyo habeenkii. Haddii aad cudur qabto ama dhaawacan tahay, waxaa kuu imanaya kalkaaliye caafimaad oo nabarka kuu dhaya, daawadana kaa caawiyo.

    Degmooyin badan waxay leeyihiin shaqaale waayeelka ka caawiyo dayactirka fudud. Waxaana kagu magacaabaa adeegga sameeynta. Shaqaalaha ka socda adeegga sameeynta waxay kaa caawini karaan surida sawir ama beddelka daahyada. Ula jeedada laga lee yahay waa in laga taxadaro waayelka oo dhaco iyo in uu dhaawacmo.

    Haddii aadan ka bixi karin in aad gurigaada ku sii noolaato, waxaa jiro guryo loogu tala galay waayeelka.

    Degaanka siiniyarka iyo Deegaanka waayelada waa degaan loo habooneeysiiyay dadka waayelka ah, tusaale qalab hooseeyo iyo wiishah sii weeyn. Shirkadaha guriyaha kireeyo waxeey marmar ku shardiyaan qofka in uu gaaray 55 sano si u dego deegaanka siiniyarka halka deegaanka waayeelka laga doonaayo in uu wax yar ka weeyn yahay intaas. Haddii uu qofka uu guraayo degaanadaan u ma baahno ogalaanshaha degmada. Adiga ayaa si gaar ah u kireeysaneeysid ama gadaneeysid degaankaan.

    Guriga adeega waayeelada waa degaan degmada lee dahay oo waayelka kireeystaan. Inta uu san qofka uu guurin guriyaha adeega waayeelada waxaa baaritaan lagu sameeyaa qofka nuuca caawinaada uu ubaahanyahay. Marka uu qofka waayelka degan yahay guriyaha adeega waayeelada waxuu lacag ku bixin karaa caawinaada nadiifida, cunto kariska iyo waxii la mid ah.

    Deegaanka gaarka ee waayeelada sido kale lagu magacaabo degaanka wadajirka waa deegaan ka tirsan daryeel ka-aafimaadka . Waxaana loogu tala galay waayeelka si weeyn baahi ugu qabo xanaaneeyn. Si boos looga helo degaanka gaarka ee waayeelada waa in qofka uu baahi weeyn uu qabaa daaweeyn iyo xariir bulsho isla markaana daryeel uu baahan yahay 24ka saac.