Robertsfors

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kusoo dhowow degmada Robertsfors! Waan ku qanacsannahay degmadeena Robertfors, sideen ugu qanacsanaan karin? Waxaan u dhaxeeynaa labada degmoo waaweyn ee Skellefteå iyo Umeå, marka waa meel aad u fiican ku noolaashaheeda.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

6727

Cabirla dhulka

2371 kiilomitir oo laba jibaaran

Magaalo wakhti dheer ma qaadaneyso tagideeda oo waxeey u dhowdahay laba magaalo, dadka degmadana waxaa lagu qiyaasaa 6 800, waxeeyna ku damaashaadaan dhulka dabiiciga ah ee degmada iyo howlaha xilli firaaqaha oo isu jira isboortiska, dhaqanka iyo muusikada iyo waxyaabo kaloo badan. Waxaan sanadooyin badan soo noqonay degmada ugu ammaanka wanaagsan dalka Iswiidhan oo dhan.

Sawir xiiso leh lagana qaaday caruur dabaalanaysa iyadoo ay wakhti qorax dhac tahay.

Deegaan

Degmada Robertsfors waxaa ku yaal guryo nuucyo kala duwan leh oo aad kireysan kartid ama gadan kartid.

RobertsforsBostäder, ROBO, waa shirkad dowladeedka degmada Robertfors. Waxeey 246 guri ku kala leeyihiin xaafadaha Bygdeå, Robertsfors iyo Ånäset.

Waxaa xataa ka jira degmada Robertsfors shirkado kuwa gaarka loo leeyahay ah oo guryaha laga kireysto.

Leexada la suro geedaha lehna nashqad liidad buluug iyo cadaan ah oo dhex suran laba geed oo dhaadheer. Halkaas waxaa xagga dambe laga arkaa biyo iyo jidka baaskiilada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Ingiriis, faransiis, jarmal, jeekrebablikaan, siirilaankees, carabi, bangaaladheesh, daari, af-ruush, af-soomaali iyo tigree.

Jaaliyado iyo ururu

Waxaa degmada ka diiwaan gashan 140 jaaliyadood in kastoo tirada dadka degmada degan eey la eg yihiin 6 800. Nolol jaaliyadeedka degmada aad ayaa loola dhacay waxaana ka dareemeysaa xiisaha loo haayo meheradaha kala duwan oo dadka degmada fursadda loo siiyo. Waxaa ka jira jaaliyada isboortiska, hiddaha iyo dhaqanka iyo kuwa tala siinta bulshada.

Koox heesta kana kooban laba haweenay ah kuna ciyaaraya biyaanada iyo durbaano iyo laba nin oo ku ciyaaraya kamanka korontada oo jooga bandhig.

Degmada Robertsfors waa ka jira xarumo diimeed oo hoos imaada kaniisada Svenska kyrkan.

Maxaa ka ag dhaw

Bartamaha Robertsfors waxaa ku yaal dukaamo cunto, dukaamo dhar, dukaamaha alaabta guriga, dukaan elektaroonikada, dukaan isboortis, farmashiiye, bangiyo, maktabad, makhaayado, biibitooyin. Xafiiska dowladda sida xafiiska shaqada, xafiiska bulshada u qaabilsan daryeelka bulshada iyo xarunta isku dubbaridka dadka degmada usoo guuro kulligood waxeey ku yaallaan bartamaha magaalada.

Maktabad iftiin leh oo balaaran lehna armaajooyin badan, kuraas iyo biibiilayaal suran saqafka sare ee qaybta caruurta.

Umeå waxa yaal waxkasta oo magaalo weyn yaal oo dhan, xafiiska cashuuraha, xafiiska ceymiska iyo hey'dda laanta socdaalka. Umeå boggeeda internetka waxaad ka heli kartaa warbixin ku saabsan waxyaalaha kala duwan oo eey degmadu leedahay iyo xafiisyada kala duwan meelaha eey ku yaallaan.

Meesha dalxiiska qoyska ee aadka loo jecelyahay - Kosläpp. Sacyaal iminka um loo oggolaaday inay soo baxaan markuu dhamaaday jiilaalki. Daawadayaal badan oo u yimi inay daawadaan sacyaashan faraxsan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Robertsfors waxeey ku gudo jirtaa xoojinta daryeelka carruurta. Maanta waxaa degmada ku yaal 15 xarumood oo eey dhigtaan ardayda da'doodu u dhaxeeyso 1-5 sano, waxaana lagu kala heeyaa guryaha xanaano maalmeedka carruurta iyo xarumaha iskaashiga waalidiinta. Carruurta da'doodu tahay 6-12 sano waxaa la geeyaa dugsiga xilli firaaqaha.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada waxaa ku yaal shan dugsi hoosedhexe ah. Waxqabatka iskoolladeena oo dhan waxuu ku saleeysan yahay in heerka waxbarasho ee arday kasta mar walba kor loo qaado, taasoo ka dhigan in qof kasta uu qaadaa mas'uuliyad iyo hore usocosho. In loo fikiro si saliim ah waxeey sababee in wax kasta in la gaari karo oo eey macquul yihiin. Furnaanshaha iyo wax la qeybsiga dadka kale waa tiirarka eey shaqaddeennu ku taagan yihiin.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waaweyn ee sfi waxaa lagu dhigaa xarunta Lärcentrum. Sfi markaad dhameeysid waxaad billiibi kartaa luqadda iswiidhishka heerka labaad ee loogu tala galay dadka ajnabiga ah. Arday kasta oo sfi dhigta waxuu xaq u leeyahay qof ku jiheeya waxyaabaha kala duwan uu qofka sameyn karo makuu dhameeyo waxbarashada sfi. Duleedka xaafada Bygdeå waxaa ku yaal Dalkarlså folkhögskola oo ah iskool lagu bixiyo koorsooyin dhinaca muusikada ah. Hadaad heer jaamacadeed rabtid waxaa degmada meel 6 mayl u jirto ku yaal jaamacada Umeå universitet oo eey dhigtaan arday gaareeysa 36 000 oo arday oo adduunka dacalladiisa ka kala yimid.

Caafimaadka

Gudaha Robertfors waxaa laga helaa gobolka rugtiisa caafimaadka halkaas oo aad ka helayso dhakhtar, rugta caafimaadka caruurta iyo rugta ummulisooyinka. Dhinaca daryeelka bukaanka ee deg-degga ah iyo daryeelka takhasuska ah waxaa khuseeya NUS, isbitaal jaamicadeedka Norrland. Haddii aad doonaysid inaad kantaroosho ilkahaaga waxaa la helaa daryeelka ilkaha ee dadweynaha laakiin waxaa jira xitaa dhakhtaro ilko oo baraayfad ah.

Caawinaad turjubaan

Fursad dhinaca turjubaanka ah wuu jiraa marka kulamo aad la leedahay xafiisyada dowladda.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Robertsfors weey fududahay sida looga safro. Magaalada Skellefteå 1 saac oo safar baabuur ah ayeey u jirtaa, magaalada Umeå waxeey u jirtaa 45 daqiiqo. Waxaa jira gaadiidka dadweynaha ooh al mar saacadii aada magaalooyinka waaweyn. Labada magaalo oo dariska ah waxeey leeyihiin garoomo diyaarado oo loogu dhoofi karo magaalooyinka kale ee iswiiidhan ku yaal iyo kuwa kale ee Yurub.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada Robertsfors waxaa ka jira fursado ganacsi oo wanaagsan. Waxaa maanta ka jira 900 shirkadood, waxaana la rajeeynaa ineey intaas kasii bataan. Hadaad rabtid inaad mustaqbalka ka furatid shirkad degmada nala soo xiriir. Waxaan ku siineynaa talo, fikrado ganacsi iyo waxbarasho siduu ganacsiga kuugu najixi lahaay.

Wax soosaarka degmada Robertfors aad ayuu u xogan yahay waxaana u badan warshadaha wax soosaarka. 20% shaqooyinka degmada waxeey ka imaadaan warshadaha wax soosaarka. Degmada Robertsfors waxeey caan ku tahay beeraha waxaana ka shaqeeya 8% dadka degmada. Shaqa bixiyaha ugu weyn waa shaqooyinka dowladda oo eey degmada maamusho waxaana ka shaqeeya 750 qofood.