Falköping

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Falköping waxaan kor ugu soo qaadnaa qiimaha oo gaar uu ah degmadeedna. Dhiska dhaqameed, xariir gaadiid fiican, dhulka aad uu fiican iyo dhaqanka cuntada.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

33150

Cabirla dhulka

1045 kiilomitir oo laba jibaaran

Waxaan ka tirsanahay Cittaslow, oo ah shabakad caalami ah oo ka tirsan yihiin magaalooyinka yaryar. Waxaan qaadna mas'uuliyada badeeca ceeyriinka ah ee degmada iyo soo saarka oo leh tayo sareeyso, sido kale waxaan uu shaqeeynaa hormar joogta ah oo leh degnaansho iyo xasilooni. Degmada Falköping aragtideeda waa "Nolosha wanaagsan".

Deegaan

In guriga uu ahaado mid la jecel yahay oo lagu nabad qabo muhiim ayee uu tahay tayada nolasha. Ma waxaad usoo guuri rabtaa Falköping ama guri cusub maa raadineeysaa? Ma jirtaa baahi oo lagu habooneeysiinaayo guriga ama waxaad ku fakareeysaa nuuc guri oo gaar ah?

Maamulaha iyo dalaalka ugu weeyn ee guriyaasha laga kireeysto Falköping waa shirkada guriyaasha ee degmada leedahay Falköpings Hyresbostäder AB. Xafiiska kale oo ah dalaalka guriyaha laga kireeysto oo weeyn waa Senäte Fastigheter AB.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Falköping waxeey hadda heeysaa waxbarsho afka hooyo ee carabiga, afka kuridga, afka boosniya/serbokoreetshiya, afka booland, afka finland, afka holland, af soomaaliga, afka albaaniga, iyo af romaani.

Inta badan macalinka waxbaraayo waxuu ka yimid isla dhaqan-meeleedka uu canuga ka yimid. Macalinka afka hooyo waa in uu aqoon fiican uu lee yahay afka iswiidhiska iyo bulshada iswiidhan.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Falköping waxeey taajir ka tahay nolosha urureed ayadoo ee jiraan ku dhawaad 450 urur. In badan oo kuwaas ah waxeey ku jiraan diiwaanka-ururada ee degmada ayagoo leh warbixin xariir iyo magacyo qof.

Waxaa jiro ururo badan ee dimeed, waxaa ka mid ah Kaniisada Iswiidhan ee Falköping oo ka shaqeeyso goobta kulanka maalmaha caadiga, caruurta iyo dhalinyarada iyo howlo bulsho. Ururo dimeed iyo dhaqameed oo kale waa jiraan.

Akhri dheeraad ku saabsan nolosha ururada jaaliyadeed ee degmadan

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Falöping waxeey qorsheeyneeysaa xafiis dad weeynee gudaha maktabada degmada ku taalo Sankt Sigfridsgatan. Waxuu ahaan meel furan oo lagu kulmo. Halkaas waxaad uga heli doontaa jawaab su'aalaha guud iyo ururo sido kalena ka codsan karta ogalaansho nuuca sii sahlan. Warbixin oo leh luuqado kale duwan wee jirtaa. Degmada, ayadoo la shaqeeyneeyso ururada, waxeey qabaneeysaa cashar jeedin, soo bandhigid iyo kulamo dhaqameed.

Bartamaha Falköping waxaad ka heleeysaa bartame magaalo oo duq ah iyo dhowr dukaamo. Suuqyada weeyn waxeey ku yaallin geesaha. Dabcan waxaa jiro xafiiska shaqada, qasnada ceeymiska, xafiiska canshuuraha iyo xafiiska bulshada.

Goobta gacan labaadka kaniisada Bingist waxeey tusaale kale uu tahay goob lagu kulo oo laga raadiyo wax laga helay iyo shaaheeyn.

Dalyeelka carruurta

Falköping si joogto ah ugu dadaaleeynaa in tayo sare ee lahadaan iskuulada, dugsi xanaanda iyo guriga xilliga firaaqada. Caruurta iyo ardayda dhamantood waxeey xaq uu lee yihiin ee in ee helaan tageerada ee uu baahan yihiin. Hamigeena waa hab waxbarasho oo casri ah ayadoo la adeegsanaayo farsamo cusub.

Falköping waxaa ku yaalo 30 dugsi xanaano, 16 ka mid ah waxeey ku yaaliin gudaha xaafadaha, 14 gudaha baadiyaha. 10 ka mid ah dugsiyadaan waa kuwo gaar loo kala wado, 6 xaafadaha ee ku yaaliin, 4 waxeey ku yaaliin baadiyaha.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Falköping waxaa ku taalo 18 dugsi hoose oo leh jiheeyn kala duwan, 6 iskuul xaafad ku yaalo iyo 12 baadiyaha ku yaalo. Dugsigeena sare, Dugsi sare ee Ålleberg, waxuu helay qimeeyn badan tusaale ahaan ciyaarta fooli boolka, ku fiicnaan kubada cagta, heesaha, wargeeyska iskuulada, rinji marinta gaadiidka, dahab tumka iyo arday ku jirto Shirkadeeynta dhalinyarada. Sido kale waxaan ku faraxsanahay dugsigeena heeso ee degmada.

Dhalinyarta laga bilaabo fasalka 6aad ilaa dugsiga sare waxee tagi karaan guriga dhalinyarta oo leh goob-kulan.

Furadaha waxbarasho

Xarunta-waxbarashada degmada oo shaqado aragtideedu tahay waxeey lee dahay soo bandhig badan si aad adiga uu hesho fursado cusub iyo jidad cusub aad dooran karto. Halkaan waxaad ka heleeysaa warbixin ku saabsan jaamacada, waxbarashada-hawlaha, waxbarashada sare ee shaqooyinka, waxbarashada dadka waa weeyn, waxbarashada dadka waa weeyn ee shaqeeynta iyo dugsiga waxbarshada dadka waa weeyn ee gaark ah. Xarunta-waxbarashada waxaan sido kale ku soo bandhigeeynaa waxbarasho waqti buuxo ee afka iswiidiska loogu tala galay soo galooytiga (sfi) oo lagu qabanaayo gudaha bey'ad fiican. Waxaad si toos ah uga dalban kartaa internetka!

Caafimaadka

Shardiga koobaad waxu yahay, in markii aad uu baahato daryeel caafimaad iyo bukaan, in aad marka hore la xariirta rugtaada caafimaadka. Xaaladaha qarkood degmada ayaa ka masu'ul ah daryeelka bukaanka iyo caafimaadka.

Falköping waxaa ku yaalo rugag caafimaad oo badan, isbitaal, rugta caafimaadka hooyoyinka, rugta cafimaadka caruurta, qaabilaada degdega iyo daryeelka ilkaha.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Degmada waxaa isku xera gaadiidka dadweynaha. Warbixin ku saabsan jadwalka waqtiyada iyo siyaabaha kala duwan ee safarda waxaad ka helaysaa websidka degmada.

Shaqo iyo ganacsi

Xafiska xegmada waxeey qeeyb weeyn ka qaadataa shaqada iyo shirkadeeynta gudaha degmada Falköping, ayadoo wada ah shiqo dhibo ku jirto howlo loogu dadalaayo suuqa shaqada iyo hormarinta shirkadeeynta.

Halkaan waxaad ka heleeysaa warbixin ku saabsan degmada, shaqo dhiibo ahaan, maqasiino iyo dhulal-warshado oo banaan, furitaanka shirkad, shaqo dhalinyaro, soo galooytiga cusub iyo shaqo-toobar. Sido kale waxaad raadin kartaa shirkad ku jirto diiwaanka-shirkadaha ee degmada.