Hällefors

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Kommun-ka Hällefors waxa uu ku yaalaa meesha qurxoon ee Bergslagen, ee gobolka Örebro. Deegaanku wuxu u dhawyahay dabeecadda baadiyaha iyo magaalooyin waawayn. Dhinaca galbeed waxa Hällefors ka xiga Filipstads, waqooyigana Ludvika. Degmada koowaad ee kommun-ku waa Hällefors, ta labaad ee ugu waynina waa Grythyttan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

7012

Cabirla dhulka

1151 kiilomitir oo laba jibaaran

Suuq bilaa dad ah oo ku yaala Hällefors.

Mararka qaar waa faa'ido in la dego kommun yar, sababta oo ah waxa si toos ah aad u arki kartaa sida ay bulshadu u shaqayso. Waxa jira suuq shaqo oo wayn oo kuu jira in loo safri karo. Haddii ad baabuur qaadato Örebro waxay kuu jirtaa illaa iyo hal saac, Stockholm iyo Göteborg-na illaa iyo saddex saacadood.

Deegaan

Haddii aad rabto in aad uu guurto Hällefors, maamulaha iyo xiririyaha guriyaasha kirada waa Hällefors Bostad AB oo guriyaal heeyso.

SIdo kale degmada Hällefors waxaa jiro dhowr mulkiyaale-guri madaxbanaan oo guriyaal kireeyo, iyo guriyaasha lahaanshada iyo sarar oo heer qiimo kala duwan leh.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luuqado badan ayaa ka jiro degmada Hällefors. Degmada mudo dheer dad badan oo aduunka dacaliidisa ka socdo soo galayeen. In ka mid ah luuqadaha ugu weeyn degmada Hällefors waa af soomali, af carabi, afka finishka, afka holland, af dari, af faarisi iyo af tigrinya.

Jaaliyado iyo ururu

Waxaa degmada ka jiro ururo badan oo firfircoon oo xiisoo badan leh. Warbixinta-xariirka ee ururada waxaad ka heleeysa degmada diwaankeeda-urureed.

Maxaa ka ag dhaw

Hällefors waxeey lee dahay suuq qurxoon oo adeeg dhameeystiran leh, waxaad ka heleeysaa in badan oo dukaamo ah, dukaamo-raashin, kafeteeriyo iyo maqaayado. Haddii aad uu baahan tahay in aad gadato alaab guri iyo maacuun rakhiis ah, waxaa jiro dukaanka-gacan-labaadka ee Companiet.

Maktabada waxeey ku taala bartamaha, waxaana yaalo bugaag iyo jornaalo luuqado kala duwan ku qoran. Markii aad booqato maktabada waxaad sido kale jirto fursad aad ku isticmaashid kombiyutarada maktabada.

Haddii aad dooneeyso in aad isboorti dheesho, waxaa jiro ururo isboorti oo badan aad kala dooran kartid, bartamaha agagaarkiisna waxaa tusaale ahaan ku yaalo goobta-isboortiga, garoonka kubada cagta iyo goobta barafka.

Xafiiska shaqada waxuu xafiis ku lee yahay Hällefors. Hey'adda canshuuraha iyo qasnada ceeymiska waxeey xafiis ku lee yihiin Örebro oo Hällefors uu jirto 79,6 kilomitir.

Xafiiska dadweeynaha waa meesha ee dadka dhamaantooda tagi karaan, qof caadi iyo qof shirkadle ah, waxeey ula tagi karaan su'alahooda iyo baahidooda.

Warbixinta-xariirka ee isku xidhaha degmada iyo isku xidhaha is dhex galka ee degmada, waxaad ka heleeysaa bogga degmada.

Warbixinta-xariirka ee isku xidhaha suuqa shaqada, oo gacan koobaad ahaan ku shuqul leh shaqo toobarista waxaad ka heleeysaa bogga degmada.

Iibinita dharka ee suuq ku yaala suuqa Hällefors.
Kadinka Medborgarplatsen

Dalyeelka carruurta

Dugsiga xanaanada waxaa loogu tala galay caruurta uu dhaxeeyso da'dooda 1 ilaa shan sano. Waxaa jiro 5 dugsi xanaanado oo degmada ka mas'uul tahay iyo hal dugsi xanaanadeed oo madaxbanaan.

Xanaanada waxbarashada waxaa loogu tala galay caruurta uu dhaxeey 1 ilaa 12 sano. Xanaanada waxbarashada mecnaheed waa in caruurta guriga la joogi karaan qof weeyn. Hal howl oo ku saabsan xanaanada waxbarashada ayaa degmada ka jirto. Si madaxbanaan ayaa loo maamulaa.

Guriga-xiligga firaaqada, oo sido kale loo yaqaan xanaanada-caruurta-iskuulaadka, waxaa loogu tala galay caruurta uu dhaxeeyso 6 iyo 13 sano. Haddii ee waalidka waxbartaan ama shaqeeyaan caruura waxeey boos ka heli karaan guriga-xilliga firaaqada. Degmada waxaa ka jirto 4 nuuc oo degmada ka mas'uul tahay.

Fasalka-eberaadka waxaa loogu galay caruurta tahay da'dooda 6 sano. Fasalka-eberaadka waxaa lagu dhigaa iskuulka qolalkiisa. Caruurta waxeey fasalkaas joggaan 15 saacadood isbuuci.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiga hoose waxaa loogu tala galay caruurta uu dhaxeeyo 6 ilaa 16 sabo. Labo dugsi hoose ayaa ka jirto degmada Hällefors.

Dugsiga Grythyttan waxuu ku yaala Grythyttan. Halkaas caruurta waxeey dhigtaan laga bilaaba fasalka eberaadka ilaa fasalka 5aad.

Dugsiga Klockahag waxuu ku yaala bartamaha Hällefors. Halkaas caruurta waxeey dhigtaan laga bilaaba fasalka eberaadka ilaa fasalka 9aad.

Dugsiga sare waxaa loogu tala galay da'yarta uu dhexeeyso 16 ilaa 20 sano. Waxaa la dhahaa dugsiga Pihl.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn waxaa loogu tala galay dadka waa weeyn oo gaaray ugu yaraan 20 sano. Waxbarashada dadka waa weeyn waxeey ka jirtaa dugsiga Pihl ee Hällefors. Waxbarasho loogu tala galay dadka oo kala duwan ayaa jirto.

Waxaad halkaas wax ku baran kartaa si aad ugu sii ficnaato wax aad hada ka hor soo bartay. Sido kale waxaa baran kartaa wax cusub.

Degmada waxeey lee dahay soo bandhigid waxbarash oo balaraan, laga bilaaba degmada dugsigeeda sare ee gaarka ah iyo kulliyada-farsamada, dugsiga dadka waa weeyn oo leh naqshad ilaa waxbarasho jaamcadeed gudaha Grytthyttan, waxbarashada waa dhanka cuntada iyo maqaayada.

Dadka dalkale ka mid imaaday waxeey dhigan karaa iswiidhiska loogu tala galay soo galooytiga. Iswiidhiska loogu tala galay soo galooyiga waxaa sido kale loo yaqaan sfi. Magalooyinka ugu dhaw oo jaamacad leh waa Örebro iyo Karlstad.

Caafimaadka

Rugta caafimadka Hällefors, qaabilaada umulisada, rugta caafimaadka caruurta waxeey ku yaalaan Gillersvägen 20.

Daryeelka ilkaha ee dad weeynaha waxuu ku yaala Stationsvägen 1, Hällefors.

Caawinaad turjubaan

Turjumaan waxaa laga balamiyaa adeega-turjumaanka.

Xiriirka gaadiidka

Waa sahlan tahay in loo soo safro, lagana safro Hällefors. Boosteejada baska iyo tareeynka Hällefors waxeey ku yaalaan magaalada dhexbartankeeda.

Maalinkasto basas ayaa tago tusaale ahaan Nora iyo Örebro.

Bas degdeg ah ayaa tago Örebro-Hällefors. Jadwalka-socodka dhamaantiisa ka akhriso Bogga Gaadiidka Gobolka.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada shaqo dhiibaha ugu weeyn waa xafiiska degmada Hällefors. Maanta degmada Hällefors waxaa uu shaqeeyo ku dhawaad 550 shaqaale. Shaqooyinka badankood waxeey ku jiraan qeeybaha daryeelka, xanaaneeynta iyo iskuulada. Degmada waxa ku jiro 108 xirfadeed oo leh shaqo mecno ku fadhiso sidii heeynta caruurta iyo waayeelada.

Gudaha Hällefors waxaa jiro shirkado ku hawlo galo laamo badan. Ku dhawaad 1100 qof ayaa ah dad ka shaqeeyo shirkadaha degmada. Shaqooyinka badankood waxeey ku jiraan warshadeeynta laakin dad badan ayaa ka shaqeeysto ganacsiga, dhismaha iyo gaadiidka.

Waxaa ka tirsan shaqo dhiibaha ugu weeyn Ovaka, Spendrups bryggeri AB, Loka Brunn, Deli mat, Ica.

Haddii aad dooneeyso in aad la xariirto shirkada ka jiro degmada, waxaad warbixinta-xariirka ka raadin kartaa diiwaanka-shirkadaha.

Suuq shaqo uu weeyn waxuu jiro masaafad-tareemeed. 79,6 kilomitir ayee jirtaa Örebro.

Akhriso in kale oo ku saabsan shaqada gudaha Hällefors, ka akhriso bogga degmada.