Knivsta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Knivsta waa degmada yar oo koreeyso, waxeey lee dahay doonid-dhisid iyo aqoonsi xoog leh. Waxeey uu dhaxeeysaa magalooyinka waa weeyn, waxeeyna soo bandhigeeysaa degmada baadiyo qurxoon oo taajir ka ah fursadaha howlo dibadeed oo firfircoon. Sido kale halkaan waxaa ka jiro jawi urureed iyo dhaqameed.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

18835

Cabirla dhulka

295 kiilomitir oo laba jibaaran

Xarunta degmada Knivsta Dhismahan wuxuu leeyahay wajahad guduud ah.

Deegaan

Xaafadaha Knivsta iyo Alsike dad badan ayaa dagan oo leh filo jirdiino leh. Laakin xaafadaha dhismaha leh ma ahan kuwa soo jidashada leh. Baadiyaheena noolna waxaa dagan in badan oo ka tirsan dadka degmada. Shirkada guriyaasha ee degmada Knivstabostäder ayaa guriyaasha ka kireeyso Knista. Sido kale degmada waxaa ku joogo kuwo kale oo guriyaal kireeyo.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Af carabi, afka iraan, af somaali, afka fiinland, af iswiidhis, af ingriis waxeey tusaale uu yihiin luuqada ku matalan degmada. Luuqadaha waxeey ku xiran yihiin kuwa soo dago iyo kuwo guuro. Bogga degmada Knivsta waxaa ku jira warbixin dhowr luqad ah waana ingiriiska, carabiga, jarmalka, farisiga, roomaaniga, soomaaliga iyo fiiniska. Bogga wuxuu ku turjuman yahay luuqado badanoo kale ayadoo la adeegsanaayo Google translate.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Knivsta waxeey taajir ka tahay ururada ayadoo leh 55 ururo oo kala duwan, ururada waxeey ka howl galaan isboortiga, dhaqanka, howlaha dibada iyo in kale oo loogu tala galay caruur, dhalinyaro iyo dad waa weeynba. Xaafadaha dhismaha leh iyo xaafadaha baadiyaha waxeey taajir ka isla markaa hayaan taariikh dhaqameed, waxeeyna laga soo bilaabaa casrigii dhagaxaanta ahaatay meelo deegaan oo meecno weeyn ku fadhiyaan. Aqoontaan iyo dhaxalka waxaa wali kor uu hayo ururo guriyaal oo badan.

Maxaa ka ag dhaw

Xarunta-xariirka Knivsta iyo maktabada waxeey ku yaalaan guriga degmada. Xafiiska adeega bulshada bartamaha degmada ayuu ku yaalaa. Dukaamo cunto oo badan iyo kuwo yaryar ee dharka, qalabeeynta guriga iyo waraaqadaha ayaa ku yaalo Knivsta. Hal mar usbuucii ayaa jooga boolis meesha guriga degmada, wuxuuna ka jawaabi karaa su'aalaha islamarkaasna gacanta ku qaban kara arimaha yaryarka ah. Qasnada ceeymiska, xafiiska shaqada iyo xafiiska canshuuraha ayaa ku yaalaa Uppsala.

Maktabad leh daaqado waaweyn. Miis yar oo caruurta loogu talogalay oo yaala bartamaha qolka.

Dalyeelka carruurta

12 dugsi xanaano ee degmadeed iyo 11 dugsi xanaano oo madax banaan ayaa degmada ku yaalo.

Goob ciyaar oo leh geedo dhaadheer oo xagga dambe ka muuqda.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Toban dugsiyaal hoose ayaa ku taalo Knivsta, sideed degmadeed iyo labo madaxbanaan. Sadax ka mid ah waxuu lee yahay fasalo dhexe, waana iskuulka Thuman, iskuulka Margaretha iyo iskuulka Alsike. Iskuulka Thunman agtiis waxaa ku yaalo Guriga-caafimaadka oo leh goob dabaal iyo jimicsi. Knivsta waxaa ku yaalo dugsiga sare ee Sjögrenska oo soo bandhigaayo barnaamijyo diyaarinta shaqada ah oo badan. Sido kale iskuulka waxuu lee yahay barnaamijka bilaabadka. Sido kale dugsiga sare degmooyin kale ayaa laga dhigan karaa.

Hoolka dabaasha oo wiil gadaal, gadaal ugu boodayo biyaha.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn oo leh barashada luuqada ee soo galooytiga waa ka jirtaa Knivsta. Jaamacado iyo dugsiga dadka waa weeyn meelaha dhaw ee ku yaaliin.

Caafimaadka

Gudaha Knista waxaa ku taalo labo rug caafimaad iyo daryeelka ilkaha ee dad weeynaha. Qaabilaada degdega ugu dhaw waa isbitaalka Akademiska ee Uppsala.

Caawinaad turjubaan

Markii aad booqaneeyso tusaale ahaan rugta caafimaadka, adeega bulshada, qasnada ceeymiska iyo xafiiska shaqada qofka uu baahan turjumaan xaq uu ulee yahay turjumaan. Taasi ka waran markii aad waqtigaada balansaneeysid.

Xiriirka gaadiidka

Tareen, tareenka xafadeedka iyo bas waa tagaan Uppsala, Arlanda iyo Stockholm. Knivsta waxeey geeska ka jirtaa E4. Madaarka Arlanda waa madaarka calaamiga ee Iswiidhan ugu weeyn. Tareenka markii la raaco Uppsala waxeey jirtaa 10 daqiiqo, Stockholm 30 daqiiqo, Arlanda 7 daqiiqo.

Tareen dhaafaya xarunta tareenada.

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo dhiibaha ugu weeyn waa degmada Knivsta ayadoo leh ku dhawaad 900 oo shaqaale. Ka dib waxaa ku xigo warshadeeynta iyo ganacsiga. Laakin shirkadooyinka badankood waa kuwo yar, hal ama labo qof mid ee lee yihiin oo ku jiro meelo kala duwan. Qeeyb weeyn oo ka tirsan suuqa shaqada banaanka degmada ayee ku taalaa. Maalin kasto 5 000 oo qof ayaa tareen-raacid uga baxo Knista. Goobaha shaqada ee ugu muhiimsan waxeey ugu yaaliin Uppsala (isbitaalka akademiska iyo jaamacada) iyo gudaha degmada Sigtuna (meesha Arlanda).

Suuq leh ciyaar shax ah oo weyn. Xagga horena waxaa ka muuqda ubaxyo.