Örnsköldsvik

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Örnsködsvik waxeey ku taala agagaarka xeebta-norrland, ku dhawaad inta dhaxeeyso magaalooyinka waa weeyn ee Sundsvall iyo Umep. Dadka degan degmada Örnsköldsvik ee ah 55 000 waxaa ku jiro dad badan oo leh jinsiyado badan oo kala duwan. In ka badan dadka-Örnsköldsvik barkood waxeey dagan yihiin magaalada ama meel ka mid meelaha hareero xaafada-bartamaha. Xaafadaha dhisan ee ugu weeyn waa Bjästa, Husum, Bredbyn.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

55998

Cabirla dhulka

8428 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Dadka waxeey ugu badan yihiin degaanka guriyaasha filooyinka. Guriyaasha degaanka waxeey ahaan karaan kuwo aad si gaar ah uu lee dahay ama mid kiro. Shirkada degmada Övikshem waxeey heeysaa guriyaal-kiro oo ku yaalo bartamaha Örnsköldsvik iyo gudaha Köpmanholmen, Bjästa, Bredbyn och Husum. Sido kale waxaa jiro milkiyaale badan ee gaar ah oo kireeyo guriyaal. Bogga degmada ayaad ka heleysaa liis ee ku tixan yihiin warbixinta-xariirka ku socoto shirkadhaa guriyaaha iyo dalaalyaasha ee Örnsköldsvik.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Degmada Örnsköldsvik waxaa looga hadlaa luuqado badan oo kala duwan. Qaar ka mid ah koox-luuqadeedka sii weeyn waa afka thayland, afka tigrinya, af soomaali, af dari/farsi, afka ruushka, afka franiiska, af swaxili iyo ingriis.

Jaaliyado iyo ururu

Goobta kulanka ee Xarunta kulamada ee ku taala Bartamaha Örnsköldsvik waxaad xiriir kula yeelan kartaa dad ka kala yimid meelo kala duwan oo adduunka ah. Dadka oo dhan waa lagu soo dhaweynayaa iyadoo aan loo eegayn qawmiyada ay ka soo jeedaan, luuqada, dhaqanka ama xiriirka diin ahaan. Dhowr ka mid ah magaalooyinka waaweyn waxaa ka jira goobaha kulanka ee dhaqamada badan iyo shabakado kala duwan kuwaas oo ka shaqeeya iskaashiga iyo abuurida xiriirka dadka meesha horey u deganaa iyo dadka ku cusub.

Goob dalxiiska caan ku ah waa janada dabaasha qar iska tuurka ah ee weyn oo ku taalo bartamaha Örnsköldsvik. Degmada hareraheeda waxaa ku yaalo goob dabaal, goob jimicsi iyo goob isboorti. Kubada cagta, ciyaarta hockey iyo ciyaarta baraf raacida waa isboortiga weeyn ee ka jiro degmada.

Sido kale waxaa jiro dhowr ururo hamiyeed, dhaqameed, jinsiyeed iyo urureed. Degmada diwaankeeda-urureed waxaad ka raadin kartaa ururada kala duwan oo ka jiro degmada Örnsköldsvik.

Koox kubbadda cagta wiilal ah oo taagan saf joogana garoonka kubbadda cagta.

Maxaa ka ag dhaw

Magaalada Örnsköldsvik waxeey lee dahay dukaamo oo leh nuuc kasto oo badeecadeed, dukaamada gacan labaadka, dukaamada leh raashiinka ajnabiga. Waxaa jiro oo kale maktabada iyo adeega-bulshada oo dhan aad uu baahan tahay. Bartamaha waxaad ka heleeysaa oo kale xafiis dowaleed sidii hey'adda canshuuraha, xafiiska shaqada iyo qasnada ceeymiska.

Suuqa ku yaala Örnsköldsvik. Dad badan ayaa booqanaya suuqan.

Xafiiska degmada qeeybtiisa arimaha isdhexgalka waxuu ku yaala bartamaha magaalada. Halkaan waxaa uu tagi kartaa oo kula kulmi kartaa gacanyare sii aad uu hesho talo iyo caawimaad.

Dukaamooyin kala duwan iyo adeegto kala duwan yaa ku yaalo xataa bulshadaha sii weeyn ee Björna, Bredbyn, Husum och Bjästa. Xaafadaha sii yaryar soo bandhiga waa kukala duwan yihiin. Inta badana waxaa ku yaalo dukaamo raashin oo isla halkaasna aad ka habeeysan kartid arimaha boostada, heli kartid badeecada-farmashiyaha kana isticmaali kartid internet. Dukaamada gacan labaadka waa weeyn ee magaalada banaankeeda waxeey tusaale ahaan ku yaaliin Långviksmon iyo Gottne. Matkabad waxeey ku taalaa Björna, Bjästa, Bredbyn, Husum, Skorped, Trehörningsjö.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada caruurta loogu tala galay da' uu dhaxeeyso 1 iyo 5 sano waxeey ku taala magaalada iyo meelaha sii yaryar ee degmada. Hal ka mid ah dugsiyada xanaanada ayaa qaabilo caruurta waalidkooda shaqeeyo fiidkii, habenkii iyo maalmaha fasaxa.

Caruurta ku jiro da'da 1-5 sano waxeey xaq uu lee yihiin boos dugsi xanaano haddii ee waalidka shaqeeynaayaan ama waxbaranaayaan. Haddii waalidka uu yahay shaqo la'an ama guriga la jooga walaal goor dhow dhashay, canuga ka weeyn waxuu xaq uu lee yahay in uu aado dugsiga xanaanada 15 saacaadoon isbuuciiba. Laga bilaaba 3 ilaa 5 sano waxuu canuga xaq uu lee yahay "dugsiga xanaanada guud" haddii ee waalidka shaqeeyaan iyo haddii ee san shaqeeyninba. Dugsiga xanaanada guud mecnaheed waa hoowl waxbarasho ee 15 saacadood isbuuciiba.

Dugsiyada xanaanada badankooda waxaa kala wado degmada laakin qarkood si gaar ah ayaa loo wada. Bogga degmada waxaad ka heleeysaa warbixin dheeraad oo ku saabsan dugsiyada xanaada ee degmada Örnsköldsvik.

Örnsköldsvik ma ka jiraan waxa loo yaqaan "xanaanada furan" oo waalidka la tagi karaan canugooda goorka ee rabaan. Laakiin kaniisada Iswiidhan ayaa habeeyso hoowlo furan oo ku socdo waalidka iyo canuga yar. Waxeey sida caadiga ahaadan halkoo saac oo ah hees, ciyaar iyo ciyaar isku aadin. Dadka dhamaantood waa ku soo dhawyihiin halkaan ayadoo aan la fiirineeyn diinta uu qofka heeysto.

Caruurta iskoolka oo faraxsan oo jooga deegaan jiilaal ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Marka lix sano ayaa caruurta badankood ku bilaabaan fasalka eberaadka, todobo markii ee gaaran iskuulka waajib uu ku yahay. Dugsiyada hoose waxeey kukala firdhisan yihiin degmada oo dhan. Caruurta waxaa la geeyaa iskuulka ugu dhow guriga. Haddii uu canuga iskuulka ka fog yahay waxaad iskuulka lagu geeyn karaa gaari.

Iskuulka Nola iyo Park waa dugsiyaal sare ee degmada kala wado. Labada iskuulba waxeey ku yaalin magaalada Örnsköldsvik. Mikael Elias iyo Örnsköldsviks praktiska gymnasium waa dugsiyaal sare ee madaxbanaan. Ayaguna magaalada bartamhooda ayee ku yaalin.

Waxbarashada caadiga geeskeeda waxuu canuga ka qeeyb qaadan karaa hoowlo xur ah oo lagu qabo dugsiga-dhaqanka ee degmadeed iyo iskuulka-teknik. Halkaas ayauu canuga ka qeeyb qaadan karaa hoowlaha sameeynta iyo farshaxanka waqtiga xilliga firaaqada.

Degmada Önsköldsvik waxeey ku yaalo iskuulo gaar ah oo loog utala galay caruurta iyo dadka waa weeyn. Dugsiga gaarka ah waxaa loogu tala galay qofka sabab halaab-hormarid ama dhaawac maskeex qabo oo ku adag tahay in iskuulka caadiga waxbarasha ku dhigto.

Caruurta iskoolka oo horjooga dhismo jaajuur ah oo guduud ah kuna qorantahay Nolaskolan.

Furadaha waxbarasho

Haddii aad hami uu heeyso in aad waxbarato ama badalato shaqo waxaad tageeysaa waxbarshada dadka waa weeyn ee Örnsköldsvik. Örnsköldsvik waxaa lagu dhigaa waxbarashada dadka waa weeyn ee asaaska iyo heerka dugsiga sare iyo waxbarasha dadka waa weeyn ee gaarka oo loogu tala galay qofka qabo carqalad jireed ama maskaxeed. Iswiidhishka loog utala galay ajnabiga waxaad dhigan kartaa maalintii ama habeenkii ama hab-masaafadeed.

Degmada Örnsköldsvik waxeey soo bandhigeeysaa barashada bulshada oo loogu tala galay ajnabiga dalka ku cusub. Si taabo galinta loo dadajiyo waxeey degmada soo bandhigeeysa barasho bulshadeed oo la balaariyay. Ayadoo la adeegsanaayo wargaliyaal bulsho, waxaa degmada Örnsköldsvik lagu soo bandhigaa barashada bulshada oo lagu qabto luuqado badan. Warbixin dheerad, kala xariir degmada xafiiskeeda arimaha isdhexgalka.

Dugsiga dadka waa weeyn waxaad ka heleeysaa Mellansel iyo Örnsköldsvik. Waxad sido kale codsan kartaa waxbarasho sareeyso ee xirfadeed oo kala duwan ama barnaamij waxbarasho ama koorso ee Jaamacaada Umeå ku qabqaabineeyso Örnsköldsvik. Soo bandhiga hada jiro waxad ka heleeysaa Campus Örnsköldsvik.

Haddii aad uu baahan tahay talo bixin iyo taageero khuseeyo qorshahada-waxbarasho waxaa jiro jiheeynta waxbarashada iyo shaqada oo balaash ah, meelo badan ayuu Örnsköldsvik uga yaala.

Caafimaadka

Örnsköldsvik waxaa ku yaala isbitaal leh qeybta deg-degga iyo daryeel bukaan oo horumarsan. Xarumaha caafimaadka waxay ku yaalin bartamaha magaalada, Domsjö, Själevad, Bjästa, Bredbyn, Husum-Trehörningsjö. Xarumaha caafimaadka qaarkood waxaa maamula Gobolka Västernorrland, kuwa kalena waa baraayfad. Adiga ayaa dooranaya xarunta caafimaad ee aad dooneyso in aad ka tirsanaato.

Gobolka wuxuu bixiyaa daryeelka ilkaha dadweynaha oo laga helo Domsjö, Bredbyn, Husum iyo Örnsköldsvik. Waxaa intaas sii dheer oo jira ruggo dhakhaatiirka ilkaha ah oo baraayfad ah

Dhanka gobolka boggiisa intarnatka ee Hagida Daryeelka waxaad ka helaysa caawimaada inaad doorato daryeel caafimaad oo u dhow meesha adigu aad degantahay. Warbixintan waxay ku qorantahay dhowr luuqadood.

Caawinaad turjubaan

Örnsköldsvik ma lahan xafiis turjumaan ee gaar ah. Haddii aad dooneeyso caawimaad turjumaan markii aad la xariireyso degmada, daryeelka ama hey'ad kale, hey'dda aad la kulmeeyso ayaa masu'ul ka ah in ee ku qabato turjumaan. Adiga masu'uliyadaada waye in aad ka waramto in ee uu baahan tahay caawimaad-turjumaan.

Xiriirka gaadiidka

Goobta duulimaadka Örnsköldsvik waxeey ku taala Gideå, ku dhawaad 25 kilomitir ee magaalada uu jirtaa. Halkaas waxaa ka baxo duulimaad-dalka gudihiis oo ku socdo Stockholm-Arlanda iyo marmarka qarkood xataa duulimaad gaar loo kireeystay.

Tareenka maraayaa jidka-Botnia waxaad ku tagi kartaa dhanka waqooyiga ee Luleå adigoo maraayo Umeå, dhanka koonfurtana adigoo marayaao Kramfors, Härnösand, Sundsvall ilaa Stockholm. Boosteejooyinka waxeey ku yaalin Örnsköldsvik iyo Husum. Safarka ka jaro bogga SJ.

Örnsköldsvik waxad qaadan kartaa bas ku geeynaayo meelaha badankood ee ku yaalo dalka iyo degmada gudaheed. Basaska badankood waxeey ka bilaawdaan xarunta-safarka ee Örnsköldsvik. Basaska-magaalada waxeey boosteejadooda ku taala Örnparken hoosta goobta suuqa Örnsköldsvik. Jadwalka-socdaalka waxuu ku jiraa bogga gaadiidka-gobolka.

Haddii aad dooneeyso in aad booqato jadiiradooyinka yaryar waxaa tago dooman ka baxo Köpmanholmen oo tagaayo Ulvön iyo Trysunda sanadka oo dhan.

SJ
Tareen buluug ah oo dhaafaya xarunta tareenada

Shaqo iyo ganacsi

Shaqo bixiyaha ugu weyn degmada waa degmada Örnsköldsvik iyo Gobolka Västernorrland.

Laanta-sameeynta waxeey shaqo uu yeesha in badan oo joogto degmada. BAE Systems Hägglunds, Metsä Board, Bosch Rexroth, Aditya Birla/Domsjö fabriker och Sanmina SCI waa shaqo dhiibayaal weeyn oo ku saleeysan farsama, kuligoodna waxeey lee yihiin shaqaalo dhaafaayo 300.

Uu dhawaanshaha tusaale ahaan Umeå, Normaling iyo Härnösand waxeey keeneysaa in suuqa-shaqada qofka degan Örnsköldsvik uu unoqdo mid ka sii weeyn degmadiisa lee. Waxeey qaadaneeysaa in ka yar saacad in lagu tareen lagu tago Umeå ama Normaling, safarka Härnösnad kaasna ma qaadanaayo waqti dheer taasi oo suurto galineeyso in Örnsköldsvik la dago loona safro oo laga shaqeeyo degmooyinka aan dariska la nahay.