In la shaqeeyo xilliga wakhtiga magan-gelyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023

Si aad uga shaqayso gudaha Iswiidhan waxaad u baahantahay inaad haysato sharci shaqo. Haddii aad tahay qof magan-gelyo doon ah waxaad taas badalkeeda heli kartaa AT-UND. Tani micnaheedu waa in ”ka dhaafida shuruuda ah in la haysto sharci shaqo”, oo micnaheedu tahay in aad shaqayn karto bilaa sharci shaqo.

Waxaad AT-UND ka heli kartaa Hey'adda Socdaalka haddii aad adigu:

  • Aad tusi karto dukumenti aqoonsi oo ansax ah ama qaab kale u kaalmayso in la caddeeyo aqoonsigaaga. Tani micnaheedu waa in adigu aad samayso waxa aad awooddo si aad u muujiso cidda aad tahay, tusaale ahaan in la dhiibo dukumentiyo muujinaya aqoonsigaaga.
  • Magan-gelyo ka codsatay Iswiidhan.
  • Aanad diidmo ku helin codsiyo magan-gelyo oo hore.

Haddii aad buuxiso shuruudahaas waxaad helaysaa goäaanka ah AT-UND. Shaqo-bixiye wuxuu arki karaa in aad haysato AT-UND iyagoo isgaan garaynaya lambarka QR ee ku yaalla kaarkaaga LMA.

Bixi canshuurta marka aad adigu shaqayso

Waa khasab inaad canshuur ka bixiso mushaaradaada marka aad shaqayso. Shaqo bixiyahaagu waa inuu bixiyo kharashyada bulsho. Tani waxaa lagu magacaaba shaqo cadaan ah.

Waxaa jira faa'iidooyin badan in lagu shaqeeyo cadaan. Waxaa ka mid ah inaad adigu helayso:

  • Caddaynta shaqaalanimo.
  • Dad ku garanaya.
  • Xaqa fasax.
  • Xaqa fasax waalidnimo oo lacag leh.
  • Caymisyada.
  • Dhibcaha lacagta hawl gabka.
  • Lacag haddii aad xanuusato.
  • Lacag haddii aad xanuusato.

Haddii aad shaqayso adigoo aan bixin canshuur waxaa lagu magacaaba tani inaad ku shaqaynayso madow. In lagu shaqeeyo madow waa sharci daro. Tani waxay keeni kartaa xabsi ah ilaa laba sanno.