In la ahaado magan-gelyo doon

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 10/1-2024

Hey'adda Socdaalku waxay lahaan kartaa safaf dhaadheer oo waxaad sugi kartaa wakhti dheer inaad timaado baaritaanka magan-gelyo. Wakhtiyada sugitaanku dhererkoodu way ku kala duwanaan karaan dadku. Codsiyada magan-gelyada oo dhan way kala duwan yihiin oo sidaas darteed wakhtiyo kala duwan ayay qaadataa in la baaro.

Wax samee intaad sugayso

Way adkaan kartaa dareenka in aan la ogayn waxa dhacaya. Dad badan waxay ku xanuusadaan wakhtiga sugitaanka ee dheer. Waxaa jira waxyaabo aad adigu samayn karto wakhtiga aad sugayso, kuwaas oo ku caawinaya haddii laguu oggolaado inaad joogto Iswiidhan.

Macluumaadka koox ahaan loo qaato

Hey'adda Socdaalka ayaa kuu soo diri doonta warqad taas oo ay ku qorantahay inaad timaado macluumaadka koox ahaan loo qaato.

Macluumaadka koox ahaan loo qaato waxaad ku helaysaa warbixin ku saabsan waxa ku khuseeya marka aad tahay qof magan-gelyo doon ah. Waxaad helaysaa warbixin ku saabsan tusaale ahaan:

  • sida ay u dhacdo in magan-gelyo laga raadsado Iswiidhan
  • hey'adaha dawladeed ee Iswiidhan
  • sharciyada Iswiidhan
  • ururada ku caawin kara wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon
  • hoyga
  • dhaqaalaha
  • daryeelka bukaanka

Kaarka LMA

LMA micnaheedu waa "sharciga qaabilaada magan-gelyo doonka".

Marka aad magan-gelyo ka codsato Iswiidhan waa lagu sawirayaa. Ka dib waxaad helaysaa waxa lagu magacaabo kaarka LMA. Waa inaad kaarkaaga LMA ka soo qaadato xarunta qaabilaada ee Heya'dda Socdaalka.

Kaarka LMA waa kaar caag ah oo leh sawirkaaga taas oo muujinaysa inaad tahay magan-gelyo doon. Kaarkani maaha kaar aqoonsi, laakiinse waa caddaynta in adigu aad tahay magan-gelyo doon iyo inaad joogi kartid Iswiidhan wakhtiga aad sugaysid go'aan.

Kaarka LMA wuxuu baddelaa warqadi lagu siiyay markii aad is dhiibtay. Waa inaad mar kastaba sidataa kaarkaaga LMA. Tani waa muhiim tusaale ahaan marka aad booqato daryeelka caafimaadka ama soo qaadanayso dawo laguu qoray. Waxaad heli kartaa qiime raqiis ah haddii aad wadato kaarkaaga LMA.

Kaarka LMA ee laga helo Hey’adda Socdaalka.

Xigasho: Hey’adda Socdaalka

Baaritaanka caafimaadka

Dadka magan-gelyo doonka ah oo dhan waxaa lagu casuumaa baaritaan caafimaad oo bilaash ah. Rugta caafimaadka ee meesha aad degantahay ayaa kuu soo diraysa warqad ay ku qorantahay inaad timaado baaritaan caafimaad.

Xilliga baaritaanka caafimaadka waxaad la kulmaysaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka: kalkaaliso caafimaad iyo dhakhtar. Kalkaalisada caafimaad waxay ku su'aalaysaa wixi ku saabsan caafimaadkaaga oo qaadaysaa dhiigag si loo eego haddii aad leedahay wax cudur ah oo u baahan in la daweeyo. Kalkaalisada caafimaad waxaa kale oo ay kuu sheegaysaa sida daryeelka caafimaadka ee Iswiidhan u shaqeeyo. Waxaad la kulmaysaa dhakhtar samayn kara baaritaanka jirka haddii tani loo baahdo.

Weydii shaqaalaha caafimaadka haddii aad ka fikiraysid wax ku saabsan caafimaadkaaga. Ka sheekee caafimaadkaaga maskax ahaaneed. Waxaa jira caawimaad la heli karo haddii aad dareemaysid niyad-jab, murugo, wel-wel, walbahaar, riyooyin xun ama ay kugu adagtahay inaad seexato. Adigu waxaad xitaa la hadli kartaa shaqaalaha caafimaadka haddii aad u baahantahay dawooyinka uurka la isaga ilaaliyo iyo daryeelka hooyada.

Shaqaalaha caafimaadka ma u shaqeeyaan Hey'adda Socdaalka oo waxaa waajib ku ah xog-qarinta shaqada. Tani micnaheedu waa in iyagu aanay qof kale uga sheekayn karin wixi ku saabsan booqashadaada ama waxa aad adigu u sheegtay iyaga.

Baaritaanka caafimaadka wax raad ah kuma yeesho codsigaaga magan-gelyo. Tani waxaa loogu talogalay inaad adigu hesho caawimaad haddii aad u baahantahay daryeel.