Xuquuqda xilliga wakhtiga magan-gelyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 10/5-2023

Inta lagu jiro wakhtiga magan-gelyada waxaad xaq u leedahay daryeel caafimaad, hoy, taageero dhaqaale haddii aad u baahantahay. Halkani waxaad ka akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan nooca xuquuqyada aad leedahay.

Waxaad xaq u leedahay daryeelka bukaanka ee daryeelka ilkaha ee deg-dega ah iyo daryeelka aan la sugi karin xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon. Waxaa kale oo aad xaq u leedahay daryeelka ummulida, daryeelka marka ilmo la iska soo tuurayo, talo bixinta alaabta uurka la isaga ilaaliyo, daryeelka hooyada iyo daryeelka caafimaad ee ku xusan sharciga ka hortaga cudurada faafa.

Caruurta iyo dhalinyarada magan-gelyo doonka ah ee ka yar 18 sanno waxay xaq u leeyihiin daryeel bukaan iyo daryeel ilko oo la mid ah sida ka caruurta kale ee ku nool Iswiidhan. Daryeelka bukaanka ee caruurta badanaaba waa bilaash.

Hey'adda Socdaalka waxay kugu casuumaysaa hoy ku meel gaar ah xilliga wakhtiga aad sugayso go'aanka. Hey'adda Socdaalka ayaa bixinaysa kharashka hoygan haddii aanad haysan wax lacag ah.

Adigui waxaad xaq u leedahay hoy ku haboon baahidaada haddii aad ku jirto xaalad dhib leh oo aad u adag. Tani waxay khuseysaa tusaale ahaan adigaaga ah:

  • Ragga ka hela ragga, dadka labada jinsiba ka hela ama dadka aan jinsiba ka tirsanayn
  • Tahay qof gaboobay oo baahiyo gaar ah leh
  • Uur leedahay
  • Tahay qof keligii ah oo haysta caruur ka yar 18 sanno
  • Miyaad ka yartahay 18 sanno oo aad timi Iswiidhan iyadoo aanay kula socon waalidkaa
  • Leedahay xanuun halis ah
  • Leedahay hoos u dhac laxaadka ah
  • Leedahay dhibaatooyin maskaxiyan ah
  • Baahi u qabtid hoy si gaar ah kuugu haboon oo ay sabab u tahay waxa ku soo maray, tusaale ahaan haddii ay dhibaato kaa soo gaartay ka ganacsiga dadka, jidh dil, kufsi, gudniinka haweenka ama noocyo kale oo ah dhibaato ah maskaxiyan, jidh ahaan ama jinsiga ah.

La hadal shaqaalaha Hey'adda Socdaalka xaruntooda qaabilaada sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah haddii aad baahi u qabtid hoy si gaar ah kuugu haboon.

Ugu horeyn waa inaad adigu is masruuftaa. Haddii aanad haysan wax lacag ah, ama aanad shaqaysan, waxaad kaalmo dhaqaale ka dalban kartaa Hey'adda Socdaalka.

Si loo helo xaqa in la shaqeeyo xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon waxaa khasab ah inaad heshay caddaynta ah in laguu oggolyahay shaqo xilliga wakhtiga aad sugayso go'aanka codsigaaga magan-gelyo. Tani waxaa lagu magacaabaa in la helo AT-UND. Waxaad AT-UND ka heli kartaa Hey'adda Socdaalka.

Haddii aad leedahay hoos u dhac laxaadka ah taas oo raad kugu yeelatay jir ahaan iyo caqli ahaan waxaa tani lagu magacaabaa in la leeyahay hoos u dhac laxaadka ah. Adigaaga leh hoos u dhac laxaadka ah waxaad leedahay xuquuq gaar ah xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon:

  • Waxaad heli kartaa caawimaada inaad la hadasho shaqaalaha Hey'adda Socdaalka marka aad is dhiibto.
  • Waxaad xaq u leedahay hoy haboonaantiisu gaar tahay.
  • Waxaad xaq u leedahay taageero kuu fududeysa inaad soo dhex gasho bulshada Iswiidhan haddii aad hesho sharci daganaansho.

Hey’adda dhinaca ka qaybqaadashada (MFD) waxay leedahay buug yar oo ah warbixin loogu talogalay adigaaga ku cusub Iswiidhan ee leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah. Buugan yar waxaa la helayaa isagoo dhowr luqadood ah.

Adigu baabuur waad ku wadi kartaa Iswiidhan haddii aad ka weyntahay 18 sanno oo aad haysato ruqsada baabuur wadida ee dal kale. Adigu waxaad baabuur ku wadan kartaa Iswiidhan xilliga gebi ahaanba wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon. Ka dib marka aad hesho sharciga deganaansho waxaa khasab ah inaad ruqsadaada baabuur wadida ku baddeshid ruqsada baabuur wadida iswiidhishka ah gudaha hal sanno laga soo bilaabo markii aad samaysay diiwaan-gelinta dadweynaha. Mararka qaarkood waxaad u bahan kartaa inaad akhrisato qawaaniinta taraafikada oo samayso imtixaano cusub si aad u hesho ruqsada baabuur wadida ee iswiidhishka.

Xuquuqda caruurta ee xilliga hawsha magan-gelyo doonka socoto wuu ka duwanyahay ka dadka waaweyn.

Iswiidhan dhamaan wixii ka yar 18 sanno waxaa la xisaabiyaa inay yihiin caruur. Caruurta magan-gelyo doonka ah badankoodu waxay Iswiidhan si wada-jir ah ula yimaadaan mid ka mid ah waalidkooda ama labadaba. Waxaa kale oo jira caruur badan oo Iswiidhan yimaada iyagoo ah bilaa waalid ama qof kale oo haysta mas'uuliyada sharci ee ilmaha. Iyagu waxay u baahanyihiin taageero gaar ah.

Caruur waxay xaq u leeyihiin inay tagaan dugsiga xanaanada iyo iskool

Dhamaan caruurta iyo dhalinyarada magan-gelyo doonka ah waxay xaq u leeyihiin inay tagaan dugsiga xanaanada, iskoolka ama dugsiga sare.

Caruurtu waxay xaq u leeyihiin daryeel caafimaad

Dhamaan caruurta magan-gelyo doonka ah waxay xaq u leeyihiin daryeelka bukaanka iyo daryeelka ilkaha oo leh shuruudo la mid ah sida caruurta kale ee ku nool Iswiidhan. Daryeelka ilkaha wuxuu bilaash u yahay qofka ka yar 18 sanno. Daryeelka bukaanka badanaaba wuxuu bilaash u yahay qofka ka yar 18 sanno.

Adigu waxaad xaq u leedahay inaad rafcaan ka qaadato Hey'adda Socdaalka go'aankeeda haddii la diido codsigaaga magan-gelyo.