Bangi iyo xisaab bangi

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 19/1-2023

Bangi

Bangi waa shirkad badanaaba ka shaqaysa saddex wax: lacag bixinaha, kaydinta iyo amaahda lacagta. Haddii aad ka yartahay 18 sano ma amaahan kartid lacag, laakiin waad kaydsan kartaa oo lacag bixin kartaa labadaba haddii dadka mas'uulka kaa ahi oggolyiiin arintan. Si loo kaydiyo lacag loona bixiyo lacag waxay bangiyadu leeyihiin adeegyo kala duwan, sida tusaale ahaan xisaab bangi, bangiga intarnatka, kaar bangi iyo bangiga telafoonka.

Xisaab bangi

Waa inaad haysataa xisaab bangi si aad u dabarto dhaqaalahaaga gaarka kuu ah. Xisaabta aad u baahantahay waxay lahaan kartaa magacyo kala duwan tusaale ahaan xisaab mushahaaro, xisaab xawilaad, xisaab shakhsiyan ah, xisaab gaar ah ama xisaabta lacag bixinta. Wax macno ah ma laha magaca xisaabta. Ta muhiimka ahi waa inaad heshaa adeegydan soo socda:

  • Lacag soo gelida, sida mushahaaro iyo kaalmo
  • Lacag bixinta dhanka xawilaada, lacag bixinta brevgiro iyo autogiro
  • La bixida lacag naqad ah

Sida adigaaga ah magan-gelyo doon u samaysan karto xisaab bangi

Adigaaga ah magan-gelyo doon haystana AT-UND waxaad heli kartaa xisaab bangi iyo kaar bangi labadaba. AT-UND waa caddaynta inaanad u baahnayn sharci shaqo si aad uga shaqayso Iswiidhan.

Ka hor intaanad macmiil ka noqon bangi oo helin adeegyada bangiga waxaa bangigu u baahanyahay inuu hubiyo aqoonsigaaga. Bangigu waxaa kale oo uu u baahanyahay inuu ogaad halka lacagtaadu ka imanayso iyo sida aad u isticmaali doonto adeegyada bangiga. Sidaas darteed waxay ku weydiin doonaan su'aalo ka hor intaanad helin adeegyada bangiga. Bangigu wuxuu xadayn karaa adeegyada bangiga ee adigaaga magan-gelyo doonka ahi aad heli karto.

Si loo fudaydiyo aqoonsiga magan-gelyo doonka xaqa u leh inay shaqeeyaan waxaa Ururka Bangiyada Iswiidhan iyo Hey'ada Socdaalku dejiyeen nidaam gaar ah.

Nidaamkani wuxuu yahay in qofka doonaya inuu furto xisaab bangi uu kaarkiisa LMA tuso bangiga. Adigu waxaad xitaa u baahantahay inaad tusto koobi la xaqiijiyay oo ah dukumentiga aqoonsiga ee aad u dhiibtay Hey'ada Socdaalka. Koobiga la xaqiijiyay micnaheedu waa inuu leeyahay shaambad caddaynaysa in koobigani la mid yahay ka asliga ah. Bangigu wuxuu ka dib la xiriiraa Hey'ada Socdaalka taas oo caddayn karta in dukumentigan aqoonsigu waafaqsanyahay ka la dhiibay.