Caafimaad hel xilliga wakhtiga magan-gelyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023

Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxay xaq u leeyihiin inay helaan caafimaad iyo daryeel caafimaad marka loo baahdo – xitaa adigaaga ah magan-gelyo doonka. Boggagan waxaad ka helaysaa qawaaniinta iyo sida aad samaynayso si aad daryeel caafimaad uga raadsato gudaha Iswiidhan.

Adigaaga magan-gelyo ka raadsaday Iswiidhan waxaad xaq u leedahay daryeelka bukaanka qaarkiis iyo daryeelka ilkaha.

Dhamaan dadka magan-gelyo ka raadsaday Iswiidhan waxaa lagu casuumaa baaritaan caafimaad oo bilaash ah.

Xilliga wakhtiga aad magan-gelyo doon ka tahay Iswiidhan waxaad heli kartaa caawimaad iyo daryeel haddii aad xanuusanayso nafsiyan.

Waxaa kale oo jira qaar kale oo aan ahayn daryeelka bukaanka oo bixiya caawimaad iyo talo haddii aad xanuusanayso nafsiyan. Tusaale ahaan waxaa jira ururo is-xilqaamay oo badan kuwaas oo aad wici karto la kulmi karto si aad u hesho caawimaad. Ururadan waxay leeyihiin boggag intarnat oo gaar u ah halkaas oo aad ka akhrin karto dheeraad ku saabsan nooca caawimaada ay bixiyaan.

Waxaa jira caawimaad badan iyo daryeel loogu talogalay caruurta iyo dhalinyarada ah magan-gelyo doonka ee xanuusanaysa nafsiyan.

Qof leh hoos u dhac awooda laxaadka ah wuxuu leeyahay awood hooseysa dhanka shaqada jir ahaan, caqliga ama garaadka. Hoos u dhac awooda laxaadka ah waxay tusaale ahaan noqon kartaa inaad si liidata wax u aragtid ama u baahantahay qalab caawimaad sida qalabka dhegta ee maqalka ama kursiga dadka aan socon karin. Tani micnaheedu waxay xitaa ahaan kartaa inaad u baahantahay caawimaada dadka kale si aad u dabari karto noloshaada maalinle.

Adigaaga leh hoos u dhac awooda laxaadka ah waxaad leedahay xuquuq gaar xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doonka.

Waa mamnuuc in la isticmaalo dagaal, hanjabaad iyo in la dhaawaco dad kale. Dagaal wuxuu ahaan karaa waxyaabo kala duwan. Tani waxay tusaale ahaan noqon kartaa jir-ahaan, maskax-ahaan, galmo, dhaqaale iyo alaab. Haddii laguu geystay dhibaato dagaal waxaa xaq u leedahay gabood iyo taageero.

Caadooyinka nolosha waa caadooyin micno weyn u leh caafimaadkeena. Sigaar cabista, khamriga iyo daroogadu waxay sababi karaan caafimaad daro. Xitaa khamaarka lacagta wuxuu keeni karaa dhibaato iyo caafimaad daro.