Haddii aad u baahato daryeel caafimaad

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023

Boggan waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan nooca daryeelka aad xaqa u leedahay marka aad magan-gelyo doon ka tahay Iswiidhan. Halkan waxa kale oo aad ka helaysaa warbixin ku saabsan kharashyada, qawaaniinta iyo sida aad samaynayso si aad daryeel caafimaad uga raadsato gudaha Iswiidhan.

Haddii aad ka yartahay 18 sano oo magan-gelyo ka raadsatay Iswiidhan waxaad xaq u leedahay daryeel bukaan iyo daryeel ilko oo la mid ah ka caruurta iyo dhalinyarada kale ee gudaha Iswiidhan. Daryeelkan badanaaba wax kharash ah ma laha haddii aad ka yartahay 18 sano.

Haddii aad ka weyntahay 18 sano oo magan-gelyo ka codsatay Iswiidhan waxaad xaq u leedahay daryeelka ilkaha deg-dega ah. Waxaa kale oo aad xaq u leedahay daryeel haddii aad leedahay dhibaato mar dambe noqon karta deg-deg. Waa dhakhtarka qofka go'aaminaya haddii dhibaatadan ay hadhow noqon karto deg-deg.

Magan-gelyo doon ahaan jooga Iswiidhan waxaad xitaa xaq u leedahay:

  • daryeelka ummulida
  • daryeelka xilliga ilmo iska soo tuurid
  • talo-bixinta alaabta lagaga hortago dhalmada
  • daryeelka caafimaadka ee hooyada
  • daryeelka waafaqsan sharciga ka hortagida cudurada faafa

Muhiim ah in la ogaado haddii aad u baahato inaad raadsato daryeel

Waa inaad haysataa kaarkaaga LMA haddii aad raadsato daryeel. Waxaa lagaaga baahanyahay inaad tusto kaarkaaga LMA haddii aad dawo ka soo qaadanayso farmasiga. Haddii aanad weli helin kaarkaaga LMA waxaad tusaysaa warqada caddaynta ee inaad codsatay magan-gelyo.

Bogga intarnatka ee Hey'ada Socdaalka waxaad ka arki kartaa waxa noocyada kala duwan ee booqashada daryeelku iyo dawooyinka kharashkoodu yahay. Halkaas waxaad xitaa ka helaysaa warbixin ku saabsan kaalmada aad u codsan karto dhanka kharashyada daryeelka ee aad lacagtooda bixisay.

Gudaha Iswiidhan dhamaan shaqaalaha dhanka daryeelka caafimaadka waxaa waajib ku ah xog qarinta shaqada. Tani micnaheedu waa in iyaga aan loo oggolayn inay waxyaabo adiga kugu saabsan uga sheekeeyaan dad kale iyagoo adigu aanad oggolaan tani. Waxa aad u sheegto shaqaalaha daryeelka caafimaadka ma saamaynayso fursadahaaga ah inaad sharci ka hesho Iswiidhan. Turjumaanada ka shaqeeya hawsha dhanka daryeelka caafimaadka iyo bukaanka xitaa iyaga waxaa waajib ku ah xog qarinta shaqada. Xitaa kuwa ka shaqeeya farmasiga waxaa waajib ku ah xog qarinta shaqada.

Haddii aanad ku hadal Iswiidhish fiican waxaad heli kartaa caawimaada turjumaan marka aad la xiriirayso hey'adaha dawladeed iyo daryeelka caafimaadka. Adigu waxaad tusaale ahaan xaq u leedahay inaad hesho turjumaan marka aad la kulmayso dhakhtar ama qof kale dhanka daryeelka bukaanka ama daryeelka ilkaha.

Waa muhiim inaad fahamto waxa shaqaalaha daryeelku sheegayaan iyo in shaqaalaha daryeelku ay fahmaan waxa aad sheegayso. Waxaa jira sawiro aad isticmaali karto marka aad la kulmayso shaqaalaha daryeelka.

Hel daryeelka saxda ah

Hagida daryeelka ee 1177 Vårdguiden

Haddii shaki kaaga jiro marka ay tahay inaad raadsato daryeel waxaad mar kastaba Hagida daryeelka ka wici kartaa 1177 Vårdguiden. Lambarka telafoonkan waa 1177. Markaasi waxaad la hadli doontaa kalkaaliso caafimaad taas oo ku siin karta talo. Kalkaalisadan caafimaad waxay xitaa ku siin kartaa macluumaad ku saabsan halka aad ka helayso daryeelka saxda ah. Waxaad wici kartaa telafoon lambarka 1177 maalintii iyo habeenkiiba. Gobolada qaarkood waxaa laga helaa fursada ah in talo-bixin lagu helo luqado kale oo aan ahayn Iswiidhishka.

Rugta caafimaadka

Badanaaba waa rugta caafimaadka inaad marka hore la xiriirto haddii aad xanuusato ama aad leedahay dhibaato kale. Halkaasi waxaad ka heli kartaa caawimaada wax badan. Waxaa kale oo aad rugta caafimaadka la xiriiri kartaa haddii aad xanuusanayso nafsiyan. Rugta caafimaadka waxay kaa caawin kartaa inaad la xiriirto rugaha caafimaadka ee cilmi nafsiga.

Daryeelka bukaanka ee deg-dega ah

Haddii adiga ama qof kale aad u xanuusanayo ama si khatar ah dhaawac u yahay waa inaad daryeel ka raadsataan qaabilaada deg-dega. Qaabilaada deg-dega waxaa laga helaa isbitaal oo waxay furantahay maalintii iyo habeenkiiba dhamaan maalmaha sanadkii oo dhan.

Haddii adiga ama qof kale aad u xanuusanayo nafsiyan oo si deg-deg ah ugu baahantihiin caawimaad waa inaad tagtaan qaabilaada deg-dega ee cilmi nafsiga. Waxaad wici kartaa telafoon lambarka 1177 si aad u ogaato meesha aad tagayso.

Lambarka qaylo dhaanta ee 112

Haddii ay tahay xaalad halis ah oo khatar ku ah nolosha qof waa inaad wacdaa telafoon lambarka 112. Markaasi ayaad helaysaa caawimaad deg-deg ah. Haddii loo baahdo waxaa imanaysa ambulaans taas oo ku geyn doonta qaabilaada deg-dega ah. Dhanka telafoon lambarka 112 waxaad kala xiriiri kartaa ambulaanska, booliska iyo dab-demiska.

Dawo

Dawooyinka waxaad ka iibsanaysaa farmasi. Farmasiga ayaad xitaa ka soo qaadanaysaa dawooyinka uu dhakhtar warqad kuugu qoray adiga. Shaqaalaha jooga farmasiga waxay wax badan ka garanayaan cudurada kala duwan oo ku siin karaan talo-bixinta dawooyinka. Dadka ka shaqeeya farmasiyada waxaa waajib ku ah xog qarinta shaqada.