Xilli firaaqo, dhaqan iyo nolosha jaaliyadaha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 16/10-2023

Xilli firaaqo waxaa lagu magacaabaa wakhtiga aad fasaxa ka tahay shaqo, iskool iyo hawsha guriga. Adiga laf ahaantaada ayaa dooranaya waxa aad doonaysid inaad samayso wakhtiga xilli firaaqahaaga.

Xiisooyinka xilli firaaqaha ee caadiga ka ah Iswiidhan waa tusaale ahaan noocyada kala duwan ee isboortiga, daansiga iyo masraxa, in la ciyaaro muusig, ciyaaraha tiifiiga iyo kombiyuutarka iyo akhriska buugta. Jaaliyado iyo degmooyin badan waxay leeyihiin noocyo kala duwan iyo hawlo xilli firaaqo oo aad ka qayb qaadankarto. Dhowr tusaale oo ka mid ah noocyada jaaliyadaha kala duwan waa jaaliyadaha isboortiga iyo dhaqanka, ururada waxbarasho iyo ururada caqiidada la aaminsanyahay.

Dhamaan dadku waxay xaq u leeyihiin inay ka qayb qaataan nolol dhaqan. Waxaa jira qaabab kala duwan oo dhaqan. Waxa wada-jir u ah dhaqan oo dhan waa inuu kaalmeeyo shakhsiga horumarkiisa. Tani micnaheedu waa in dhaqanku uu dadka horumariyo. Iswiidhan waxay sida dalal badan leedahay dhaqan badan oo la bixin karo dhanka qaabka tusaale ahaan deegaanka, taariikhda iyo cuntada.

Tusaale dhanka hawlaha xilli firaaqaha iyo nolosha jaaliyadaha

Wakhtiga lagu qaato hawada bannaanku waa marka adigu aad dhaqdhaqaaq ku samaynaysid bannaanka dhanka deegaanka dabiiciga si aad u dareento wanaag una aragto waxyaabo iyadoo aanay jirin wax shuruud ah oo tartan ah.

Isla markaad ka baxdo albaabkaba waxaad adigu joogtaa deegaanka dabiiciga ah. Adigu waxaad haysataa cirki oo kaa sareeya, qorraxdii oo iftiiminaysa indhahaaga oo waxaad neefsan kartaa hawo fareesh ah. Waxan oo dhan waynu u baahannahay innageena ah dad si aynu u dareeno wanaag. Haddii weliba aad dhaqdhaqaaq ku samayso bannaanka waxaad dareemaysaa waaag dheeraad ah. Adigu waad sii xoogaysanaysaa, cuntada dhadhankeeda ayaa kuu sii fiicnaanaysa oo si fiican ayaad u seexanaysaa. In la joogo bannaanka ah deegaanka dabiiciga ah waxay ka hortagtaa cudurrada qaarkood, waxayna keentaa in aad dareento wanaag dheeraad ah. In dhaqdhaqaaq lagu sameeyo bannaanka waxaa lagu magacaabaa wakhtiga lagu qaato hawada bannaanka.

Gudaha Iswiidhan waxaa ka jira ururro badan kuwaas oo kaa caawinaya in aad hesho hawlo adigu aad jeceshahay. Iyadoo la sii marayo ururradan ayaad waxyaabo dheeraad ah ka baranaysaa deegaanka dabiiciga ah, xuquuqda tamashlaynta iyo waxyaabo kala duwan oo qofku ku samayn karo deegaanka dabiiciga ah. Caawimaadda ururrada kala duwan waxaa ku fududaanaysa in ka dib qofku keligii ama si wadajir ah uu dad kale ula baxo deegaanka dabiiciga ah.

Xuquuqda tamashlaynta

Iswiidhan waxay leedahay deegaan dabiici ah oo aad u qurux badan lehna noocyo deegaan oo kala duwan. Waxaa jira jardiinooyin qaran oo badan oo aad booqan karto. Gudaha Iswiidhan waxaa ka jirta xuquuqda tamashlaynta oo tani micnaheedu waa in dhamaan dadku ay xaq u leeyihiin inay si xor ah ugu socdaan deegaanka dabiiciga ah. Adigu waxaad tusaale ahaan waad ku dhex socon kartaa kana guran kartaa miraha. Isla markaa waa waajibkaaga inaad ixtiraamto deegaanka dabiiciga ah iyo nolosha xayawaanka marka aad joogto deegaanka dabiiciga ah.

Ururka Tamashlaynta hawada banaanka ee Iswiidhishka wuxuu sameeyay filimo ku saabsan xuquuqda tamashlaynta. Filimadan waa af Iswiidhish leh qoraalo hoose oo ah af Iswiidhish, Carabi, Ingiriisi, Faarsi iyo Yuukarayni.

Miyaad soo guran doontaa barkimo waraabe?

Waxaa jira barkimo waraabe badan oo sun ah gudaha Iswiidhan. Qaar ka mid ah kuwaas ayaa lahaan kara muuqaal u eeg barimo waraabaha aad ku cuni karto dalalka kale. Haddii aanad caado u lahayn gurashada barkimo waraabaha gudaha Iswiidhan waxaa fiican inaad bilowdo inaad gurato noocyo kooban. Baro dhowr nooc oo ah barkimo waraabaha aad si fudud u garanayso, si aad u hubsato inaad guratay barkimo waraabe sax ah.

Dhammaan degmooyinka Iswiidhan waxay leeyihiin maktabad loogu taloglay dadka halkaas ku nool.

Maktabadda waxaad xitaa ka amaahan kartaa buuggaag, ku akhrin kartaa joornaallada, kuna dhagaysan kartaa muusig oo isticmaali kartaa kombiyuutarada. Halkaas waxaa laga helaa buuggaag iyo joornaallo ku qoran luqaddo badan oo kala duwan. Maktabaddaha qaarkood waxay leeyihiin xitaa tababar luqadeed iyo caawimaadda casharada.

Adigu waxaad buuggaagta, joornaallada iyo cajalada cd-ga ku amaahanaysaa bilaash. Si aad u maahan karto waxaad u baahantahay kaarka maktabadda (kaarka amaahda). Kaas waxaad ka helaysaa maktabadda.

Wakhtiga amaahda badanaaba waa saddex toddobaad. Marka aad amaahato buug ama wax kale waxaad helaysaa warqadda rasiidhka taas oo ay ku qorantahay marka amaahdan dib loo soo celinayo. Haddii aanad wixi aad amaahatay aanad ku soo celin wakhtigeedi waxaad bixinaysaa kharashka la soo habsaamidda.

Maktabaddaha badankooda waxaa laga helaa kombiyuutaro iyo intarnatk. Haddii aad doonaysid inaad daabacdo ama sawirato dukumenti waa inaad lacag bixiso.

Maktabaddo badan waxay xitaa diyaariyaan maqaaxiyaha luqadda lagu tababarto. Halkaas ayaad kula kulmi kartaa dad si aad ugu tababarato luqaddo kala duwan.

Waxaa jira shinamooyin badan oo ku yaala Iswiidhan oo dhan. Waa la ballansan karaa tigidh dhanka intarnatka iyadoo la sii marayo bogga intarnatka ee shineemada ama waxaad tegi kartaa shineemada kana iibsan kartaa tigidh. Waxaa badanaaba jira shinamooyin yar kuwaas oo laga daawado filimada ajnabiga ah. Haddii aad leedahay qalabka DVD waxaad filim ka kireysan kartaa dukaamada fiidyowyada ee gaarka ah. Waxaad tusaysaa aqoonsigaaga oo bixinaysaa lacag si aad filimkan ugu qaadato guriga hal ama dhowr maalmood. Haddii aanad filimkan ku soo celin wakhtigi loogu talogalay waa inaad bixisaa lacag khidmad oo ah ganaax.

Haddii aad xiisaynayso inaad samayso dhaq-dhaqaaq ama jimicsi waxaa jira fursado badan. Waxaad tusaale ahaan tegi kartaa jardiinooyinka dadweynaha ka dhaxeeya, hoolalka dabaasha iyo hoolalka ciyaaraha barafka. Waxaa kale oo jira hoolal isboorti kuwaas oo adigu aad tusaale ahaan ku ciyaari karto teenista ama ku samayn karto hawlo kale.

Haddii aad doonayso inaad ku tababarato xarun tababar waa inaad bixisaa lacag khidmad ah. Badanaaba waxaad bixinaysaa bil ahaan. Waxaa kale oo aad iibsan kartaa kaarka hal mar ah haddii aad doonaysid inaad tijaabiso nooc hawl ah. Xarumaha tababarka badankoodu waxay bixiyaan tababarka jir ahaan (jiimka) iyo tababarka koox ahaaneed. Tababarka koox ahaaneed wuxuu noqon karaa tusaale ahaan jimicsi, daansiga ama yooga.

Waxaa jira madxafyo iyo hoolal farshaxan labadaba kuwaas oo soo bandhiga farshaxan leh qaabab kala duwan. Waxay ahaan karaan wax kasta laga bilaabo sawiro, sanabyo ama nashqadaynta kombiyuutar. Mararka qaarkood waa inaad bixisaa lacagta kharashka soo gelida laakiin mararka qarkoodna waa bilaash.

Iswiidhan waxay leedahay nolol muusig oo qani ah lehna tusaale ahaan bandhigyo, heeso kooxeed iyo tiyaatarka muusiga. Baararka qaarkood waxay bixiyaan muusig toos loo ciyaarayo qaar ka mid ah habeenada. Waxaad xitaa ku heesi kartaa kuna ciyaari kartaa muusig dariiqa. Si muusig loogu ciyaaro meelaha dadweynaha ka dhaxeeya waxaa jira qawaaniin gaar ah. Qawaaniintan way ku kala duwanaan karaan degmooyinka kala duwan.

Waxaa jira kaniisado badan iyo dhismayaan diini ah oo kale kuwaas oo ka furan dalka oo dhan. Gudaha kaniisada waxaad ku daari kartaa iftiin kuna heli kartaa wakhti degan oo lagu fikiro. Magaalooyinka qaarkood waxaa laga helaa xitaa masjidyo iyo goobaha diiniga ee Yuhuuda.

Taariikhda Iswiidhan waxaa laga helaa qaar badan oo ka mid ah madxafyada dalka. Kuwa badan oo ka mid ah madxafyadan waxay qaataan kharashka soo gelida.

Waxaa kale oo jira goobo taariikhi ah kuwaas oo ah raadkii dadki waagi hore.

Iswiidhan waxaa ka socda cilmi-baarista dhanka dhinacyo kala duwan. Dhamaan dadku waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan horumarka cilmiga. Hawsha cilmiga waxaa ilaalisa xuquuqda uu curiyuhu u leeyahay waxa uu soo saaray.

Waxaa jira goobo cunto iyo maqaaxiyo badan oo la kala dooran karo. Waa caadi in la qaato "fika" taas oo micnaheedu tahay in aad la kulanto asxaabta ama dadka aad wada shaqaysaan loola sheekaysto, loola kulmo, la cabo shaah ama bun iyo laga yaabee in la cuno keeg ama keega yar yar.

Waxaa jira xitaa baarar iyo goobaha khamriga lagu cabo kuwaas oo lex xad da'da ah oo kala duwan. Si loo iibsado loona cabo cabitaanada khamrigu ee goobaha khamriga, baararka iyo meelaha laga cunteeyo waxaa khasab ah inaad buuxisay 18 sano.

Haddii aad heshay sharciga deganaansho laakiin aad weli degantahay dhismaha hoyga Hey'ada Socdaalka waad ka qayb qaadan kartaa hawlaha loogu talogalay magan-gelyo doonka.