Haddii aad ka weyntahay 65 sanno

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/5-2023

Haddii aad ka weyntahay 65 sanno oo aanad doonayn inaad sii shaqayso ama shaqayso waxaad taageero dhaqaale ka codsan kartaa Hey'adda Hawlgabka. Tani waxaa lagu magacaabaa in la noqdo hawlgab.

Taageero dhaqaale oo laga helo Hey'adda Hawlgabka

Nooca taageerada dhaqaale ee aad ka heli karto Hey'adda Hawlgabka waxay ku xirantahay:

  • Wakhtiga aad deganayd Iswiidhan. Tani waxaa lagu magacaabaa wakhtiga deganaanshaha.
  • Haddii aad heshay sharci daganaansho oo qaxoonti ah.
  • Haddii aad lacag ka soo saari jirtay shaqo xilliga wakhtigaad ku noolayd Iswiidhan.

Wakhtiga aad deganayd Iswiidhan iyo inta ay leegtahay lacagta aad shaqaysay ayaa go'aamisa haddii aad heli karto lacagta hawlgabka.

Haddii aanad heli karin lacagta hawlgabka

Haddii lacagtaada hawlgabku aad u hoosayso ama haddii aanad heli karin wax lacag hawlgab ah gebi ahaanba waxaad xaq u yeelan kartaa taageero kale oo laga helo Hey'adda Hawlgabka:

  • kiro kabid
  • taageerada masruufka ee dadka waayeelka ah

Sidan ayaad kaalmo dhaqaale uga codsanaysaa Hey'adda Hawlgabka

Waxaad lacagta hawlgabka ku codsanaysaa foom gaar ah. Foom kale ayaad ku codsanaysaa kiro kabid iyo taageerada masruufka ee dadka waayeelka ah.

Waxaa ugu fudud in bogga Hey'adda Hawlgabka laga codsado lacagta hawlgabka, kiro kabid iyo taageerada masruufka ee dadka waayeelka ah.

Hey'adda hawlgabka waxay baaraysaa codsigaaga oo go'aaminaysaa haddii aad heli karta wax ah taageero dhaqaale. Ka dib markaad hesho go'aanka lacagta hawlgabka ayay Hey'adda Hawlgabka go'aaminaysaa kiro kabida iyo taageerada masruufka dadka waayeelka ah. Taageeradan waxay ku salaysan waxyaabo ay ka mid yihiin dakhligaaga iyo kharashka hoygaaga.

Waa inaad sannad kastaba codsataa taageerada masruufka waayeelka

Waxaad heli kartaa taageerada masruufka waayeelka kolba laba iyo toban bilood oo xiriir ah. Tani micnaheedu waa inaad sannad kastaba codsataa taageerada masruufka waayeelka. Lacagta hawlgabka iyo kiro kabida waxaad u baahantahay inaad codsato hal mar oo keliya.

Lacag hawlgab oo laga helo dal kale

Hey'adda hawlgabka waxaykaa caawinaysaa inaad lacag hawlgab ka codsato dalalka kale ee gudaha Midowga Yurub (EU) iyo dalalka kale ee Iswiidhan la leedahay heshiis, waa haddii aad xaq u yeelan karto. U sheeg Hey'adda Hawlgabka dalalka aad soo deganayd ee ka soo shaqaysa