Macallimiin iyo barbaariyeyaal

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 21/2-2024

Xirfada macalinimo waa xirfad nidaamsan oo waxaad aqoonsiga macalinimo ka codsanaysaa Hey'ada Waxbarashada. Halkan waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan waxa shuruud u ah si aad ugu shaqayn karto macalinimo.

​Qiimaynta qalinjabin dal kale

Si aad u awoodo inaad dalbato aqoonsiga ee macalinimo ama macallinka xanaanada waxaa lagaa rabaa shahaado iyo caddeynta shahaadada, iyo inaad taqaan iswiidhishka. Waxaa kaloo suurtagal ahinaad dalbato wax kaloo taqaano oo dheer shahaadadaada. Inta aadan bilaabin codsigaada waxaa muhiim ah iney kuu nidaamsan yihiin shahaadooyinkaada. Waa iney yihiin luqada asalka islamarkaasna ay u tarjuman yihiin iswiidhishka ama ingiriiska. Waxaad codsaneysaa aqoonsiga ee shahaado dibadeed adigoo buuxiunaya foomka codsiga kuna lifaaqaya shahaadada cadeyneysa qalinjebintaada macalinimo iyo haddey suurtagal tahay waxyaalaha kale ee aad taqaan oo aad rabto inaad codsato.

Hey'adda iskoolada ayaa bixiya aqoonsiga macalinimada oo qiimeyneysa shahaadada macalinimda ee dibadda. Si aad u hesho aqoonsi waa inaad ka heysato caddeyn shahaado waxbarasho ku siineysa inaad awoodo inaad ku shaqeyso. Inaad ku shaqeyso macalinimo iskuul dibada ah ama mid iswiidhish ah mararka qaar waxey dhameystiri kartaa farqiga u dhaxeeya shahaadada iswiidhishka iyo midda dibadda.

Wabarasho dhammaystir ah

Adigaaga haysta waxbarasho dal kale, waxad haysataa fursada aad ku dhigato waxbarasho dhammaystirah, taas oo ehel kaaga dhigaysa in aad bare ka noqoto Iswiidhan.

Waxbarashada dhammaystirka ah dhererkeedu wuu kala duwanyahay, ayadoo la fiirinayo waxbarashadadii hore iyo waayo-aragnimadaadii xirfadeed. Waxbarashadu waxay ka jirtaa lix jaamacadood oo kala ah: Jaamacadda Göteborg, jaamacadda Linköping, kulliyadda Maalmö, jaamacadda Stockholm, jaamacadda Umeå iyo jaamacadda Örebro, ayada oo jaamacadda Stockholm ay leedahay mas´uuliyadda isku dubaridka ee heer qaran.

Adigaaga ka diiwaan-gashan Xafiiska Shaqada waxaa jira marin dhakhso ah looguna talogalay macalimiinta iyo macalimiinta fasalka barbaarinta. Marinada dhakhsaha ah waxay ka jiraan goobaha waxbarasho ee kor ku qoran. Akhri dheeraad ku saabsan jidka deg-dega ah (snabbspåret) kuna qoran Xafiiska Shaqada boggeeda intarnatka.​

Jaamacado badan waxa ka jira waxbarasho dhammaystir ah oo qusaysa qofkaaga haysta waxbarasho macallinimo oo dal kale.