Bulsho iyo habdhaqan-yaqaan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/12-2022

Bulshoyaqaan iyo habdhaqanyaqaanku badiyaaba ma laha xirfadaha xakamaysan marka laga reebo cilmi-nafsi yaqaanka iyo dhakhtarka cilmi-nafsiga oo aad ka sii akhriyi karto qaybta xirfadaha daryeelka caafimaadka iyo jirrada.

Tababarada suuqa shaqada

Wadada ugu dhaqsida badan ee dadka shahaado u haysto aqoonta bulshada ee dhowaan dalka Iswiidhan yimi, oona ka diiwan gashan Xafiiska Shaqada, waa qorsheha u Xafiiska Shaqada gaar ahaan iyaga ugu talogalay. Wadada ugu dhaqsida badan waxaa siiba loogu talagalay, qofka adigoo kale ka yimi dal aan ka tirsanayn Isbahaysiga Yurub EU/EES. Kaasoo shahaada qalinjebinta aqoonta bulshada haysto, oona dalka yimi 36 bilood ee ugu dambeeyeen. Dadka dal shisheeye wax ku soo bartay, oo shahaada qalinjebinta aqoonta bulshada haysto iyaguna wuu khuseeya arrintan.

Waxbarashada waxay ka kooban tahay qayb diyaargaroobid ku salaysan. Wuxuu qofku baranayaa af-iswiidhish oo heer jaamacad ah, wuxuuna sameeynayaa (nooc tababar), wuxuu wehlinayaa qof ka hawlgala lamaha hawlaha bulshada. Kaddib waxaa ku xigta muddo qiyaastii ka kooban 26 toddobaad. Wuxuu dhiganayaa saddex koorsooyin oo heer jaamacad ah, oo u dhigmata 30 dhibco kulliyad. Koorsooyinka waxaa lagu dhamaystarayaa shahaada dalka shisheeye aad kala timi, taasoo ku suuragelin doono inaad shaqo kaga hesho suuqa shaqada ee dalka Iswiidhan. La xiriir Xafiiska Shaqada.

Xitaa kuwa arrimaha bulshada aqoon gaar u leh, oo ugu yaraan saddex sano kulliyad wax ku soo bartay, taasoo jihaynteeda ahayd cilmiga bulshada, dhaqaalaha ama cadaaladda, waxay heli karaan wadada ugu dhaqsida badan. Qaab-dhismaha waxbarashadas wuxuu lamid yahay kuwa hawlaha bulshada, booqashada fasallada ma laha wadada ugu dhaqsida badan ee noocaan ah. Waxaad baran doontaa af-iswiidhishka jaamiciyiinta loogu talagalay oo heer u diyaargaroow ah. Kaddib waxaa ku xiga waxbarashada heer jaamacad oo ka kooban saddex koorsooyin u dhigta 30 dhibcaha kulliyadaha. Ugu dambeentii waxaa muddo 4-6 billod tababar laga siin doona hay'ad. Ujeedada wadada ugu dhaqsida badan laga leeyahay, ayaa waxay tahay in gacanhaaye ahaan ka shaqayso hay'ado dowladeed oo wayn, kuwaasoo u baahan gacanhaayeyaal, siiba kuwa garanaayo luqooyinka lagu hadlo dalalka aan ka tirsanayn EU/EES.

Wabarasho dhammaystir ah

Kaddib markii waxbarashadaada lagu qiimeeyay lana ansixiyo, waxaad toos shaqo ugu raadsan karta suuqa shaqada, ama dhamaystiran karta waxbarashadaada, taasoo sare u qaadi doonto fursadda shaqo helida.

Jaamacadaha iyo kulliyadaha dalka Iswiidhan ayaa waxbarashada ku dhamaystran karta. 1-2 sano ayaa la dhigta waxaana xaq u leedahay qaadashada studiemedel.

Waxbarasho caadi ah

Dhanka xirfadlayda arimaha bulshada waxay Jaamicada Stockholm siisaa waxbarasho dhamaystir ah taas oo socota afar kala bar sanad-dugsiyeed.