Taarikhda Iswiidhan - laga soo bilaabo waagi barafka ilaa qarniga casriga ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 20 8 2018

Tani waa qoraalo ka yimi buuga Ku saabsan Iswiidhan

Xilligii qadiimiga

Xilligii qadiimiga waa xilli mar hore ahaa. Sido kale waxaa loo yaqaanna xilliga horudhaca taariikhda. 15 000 sano ka hor dalka Iswiidan waxaa ku daboolnaa baraf. Xilligaas waxaa loo yaqaanno xilligii barafka. 3 000 sano kaddib barafkii wuu dhalaalay laga bilaabo konfuurta dalka Iswiidan, waxaa soo ifbaxaya dhir, xayawaanno iyo aadane. Aadenaha wuxuu berrigaas ku nolaa ugaarsasho, kalluumaysasho iyo uruurinta dhirta la cunni kari.

Qiyaastii 6 000 ka hor waxay dadkii dalka Iswiidan ku nola bilaabeen in ay beeraha fashaan iyo xoolaha dhaqdaan. Waxay kaloo bilaabeen in ay adeegsadaan qalabyo ka samaysan dhagax iyo alwaax. Xilligaas waxaa loo yaqaanna xilligii dhagaxa.

Qiyaastii 1 500 sano ka hor tiriska milaadiyada wuxuu dadyoowgii waagaas dalka Iswiidan ku nolaa bilaabeen farsamada birta iyo naxaaska. Xilligaas waxaa loo yaqaanna xilligii naxaaska. Wuxuu aadaneha waagaas bilaabay in uu qaarada Yurub ka ganacsado.

Qiyaastii 500 sano ka hor tiriska milaadiyada waxay dadyoowgii waagaas dalka Iswiidan ku nolaa bilaabeen adeegsashada waxyaalaha birta ka samaysan. Xilligaas waxaa loo yaqaanna xilligii birta.

​Masawirka waxaa ka muuqdo doon u dhisan sidii doomihii Xilligii dadkii hore ee waqooyiga yurub (viking) Masawirqaade: Colourbox

Xilliga Vikingka

Xilliga laga bilaawo 800:meejadii ilaa 1000:meejadii miilaadiyada waxaa loo yaqaanna vikingatiden. Vikingarna waxay ahaayeen dad xariif ku ahaa doon-dhisida iyo socdaalada badda. Waxay kaloo xariif ku ahaayeen dagaallada iyo la ganacsiga dalalka kale. Vikingarna waxay waagaas la wareegeen taliska dalal badan oo ku yaallo waqooyiga Yurub. 

Xiligii Dhexe

Taariikhda Iswiidhan waxaa xilligii Xiligii Dhexe laga bilaaba ku dhawaad sanadka 1000 ilaa 1520-yimadii. 

Intii diinta krishtaanka dalka Iswiidan laga hirgelin, waxay dadkii waagaas ku nola caabudi jireen dhowr waxyaallo. Kuwa ugu caansanaa waxaa la oran jiray Oden, Tor iyo Freja. Taasoo loo yaqaanno asatro.

Markii diinta krishtaanka dalka Iswiidan laga hirgeliyay waxba bulshada iska beddelay. Dalka Iswiidan wuxuu qiyaastii 1000 yeeshay boqorkii krishtaanka ahaa ee ugu horreeyay, kaasoo la oran jiray Olof Skötkonung. Dhacdoonada 1200:meeyadii way badnaayeen. Waxaa la hagaajiyay hab-dhiska beeraha iyo ganacsiga. Magaalooyin cusub ayaa la dhisay. Dhulka dalka Iswiidan waxaa loo qaybiyay hadba muqaalka daabiiciga. Qayb kastana waxay lahayd sharci u gooni ah. Billoowgii sharciyada ma qornayn. Sharcigii ugu horeeyay ee qorna wuxuu hirgalay 1200:meeyadii.

Xilligii dhexe waxaa la horumariyay baarlamaanka dalka Iswiidan oo go'aanno ka gaari jiray xeererka dalka. Baarlamaanka wuxuu u qaybsanaa afar meelood: darajo sare/nasab fiican, wadaadada, ganacsade iyo beeraleey. Dadka darajada sare/nasab fiican waxay ahaayeen dadyoow lahaa awood iyo xuquuq daxaltooyo ah.

Baadariyaasha waxay lahaayeen awood aad u culus, waxayna haysteen milkiyada boqolkiiba 20 dhulalka ugu wanaagsan ee dalka Iswiiddan. Ganacsateyaasha waxay hogaamin jireen ganacsiga iyo farsamada magaalooyinka. Beeraleeyda waawayn waxay hogaamin jireen nolosha miyiga. Reerbaadiyaha waxay ku noolaayeen baadiyaha, halkaas ayay ka shaqaysan jireen oo beeraha ku falan jireen xoolahana ku dhaqan jireen.

Guriyaal taariikhi ah Masawirqaade: Colourbox

Midowga waqooyiga yurub

Waqtiyadii danbe ee Xiliyadii dhexe waxaa dagaallo isla galay Denmark, Norway iyo dalka Iswiidan, waxayn ku dirirayeen awooda dalalka Waqooyiga Yurub. Sannadka markii u ahaa 1397 waxay dalalka Waqooyiga Yurub wada saxiixeen heshiis oo la magac baxay midoowgii-Kalmar. Heshiiska midoowgii-Kalmar wuxuu mideeyay dalalkii heshiiska saxiixay.

Xilligii awoodda saraysay

1500:meeyadii waxaa aduunwaynaha ka dhacay dhacdoonno muhim ah. Columbus wuxuu socdaal ku tegay Mareykanka. Gutenberg wuxuu alifay farsmada daabacaada buugga. Madaxa diinta katoolikada ee Rom waxaa ka lummay awoodii u haysan jiray.

Dadyoow badan ee dalka Iswiidan ku nool maqsuud kuma ahayn sida i boqorka Denmark ee waagaas hogaaminaayay is-bahaysiga. Dadkii magaalada Stockholm lagu laayay waa dhacdoon caan ah, oo ahayd markii boqorka Denmarka u magaalada Stockholm qoorta ka gooyay dad tiradooda gaarayso 100 oo ahaa dad darajo sare/nasab fiican. Xasuuqa kaddib ummadda dalka Iswiidan waxay ku dhaqaaqeen kacaan. Gustav Vasa ayaa abaabulay ciidan oo kaddib awoodda kala wareegay boqorkii Denmark. Gustav Vasa 6 juun 1523 u boqor noqday. Nabadii ayaa dalka Iswiidan ku soo noqatay, boqorkiina in uu dalka mideeyo ayuu ku guuleeystay. 6 juun waa maalinta qaranka Iswiidan.

Waagii u boqor Gustav Vasa dalka ka talinaayay waxaa wax iska beddelay kaniisadda. Wadaad reer Jarmal ah oo la oran jiray Martin Luther ayaa saamayn badan ku yeeshay kaniisadda dalka Iswiidan. Martin Luther waxuu haye fikrado cusub oo badan kuna saabsan habka ee kaniisada ahaeeyneeyso. Waxay ahaan jirtay kaniisad raacsan kaniisada katooliikada, waxay ku biirtay kaniisada protestant. Kaniisadda dhul badan ee iska dhiibtay, canshuur in ee dhiibto ayaa lagu qasbay, ayadoo siineeyso doowlada sii xoogsaneysay. Isla markaas barlamaanka awoodiisa kor uu kaceeysay.

Laga bilaabo bartamihii 1500:meeyadii ilaa biloowgii 1700:meeyadii wuxuu dalka Iswiidan ka qaybgalay dhowr dagaallo ka dhacay baddaÖstersjön. Badda Östersjön waxay aheyd bad muhiim u ah ganacsiga. Dagaalku wuxuu ku saabsanaa in awooda badda Östersjön maamulideedda gacanta lagu hayo. Sidoo kale Iswiidhan waxeey qeyb ka aheyd dagaal diimeed dheer oo socday sodan sano sanadooyinkii 1618-1648. Dalka Iswiidan wuxuu dagaal la galay dalalka Denmark, Ruushka, Booland iyo Jarmalka, wuxuuna ku guulaystay awood u helida Östersjön. Bartamihii 1600:meeyadii wuxuu dalka Iswiidan la wareegay qeybo waaweyn oo ku yaal waqooyiga Jarmalka iyo Booland. Dalka Iswiidan wuxuu noqday dal awood wayn leh.

Dhulka dalka Iswiidan ka sokkoow waxaa waagaas dalka Iswiidan ka tirsanaa dalalka Finland, Estonia, Latvia, qaybo Rushka iyo Jarmalka. Xilliga kaddib waxaa boqorkii waagaas dalka Iswiidan u talin jiray boqor Karl XII lagu qasbay in lagala wareego dhulkii dalka Iswiidan usan lahayn, taasoo dagaal loo adeegsaday. Sannadka markii u ahaa 1721 nabad ayaa dalka Iswiidan ka jirtay, xilligii awood waynayd Östersjön wuu dhamaaday.

Jikada weeyn ee ku taalo qalcada Läckö. Qaabka jikada 1600:miyadii. Masawirqaade: Lennart Haglund

Waqtigii xuriyada, xilligii aqoonti iyo kacdoonyaasha

Xilliga awood weeynida markii dhamaatay oo boqorkii dhintay, Iswiidhan waxa la asaay hab maamuleed cusub. Awooda waxaa loo qeeybiyay bulshada, waxeeyna noqotay mudo uu bilaabad ah xuriyad sii badan, sidaas darteed ayaa loogu magacaaba xilliga xuriyada. Awooda ugu sareeyso waxaa gacanta ku haye afar qeeybood ee barlamaanka: Darajo sare/nasab fiican, wadaadada, ganacsatada iyo beeraleeyda. Qeeyb kasto hal cod ayee ku laheeyd arimaha khuseeyo sharciyo iyo canshuuro cusub. Barlamaanka Iswiidhan ee cusub ma aheeyn mid demoqraadi ahaan lagu doortay laakin waxuu ahaa mid si gaar ah ugu wasacsanaa xiliga uu ku jiray.

Inta lagu jiray xilliga xuriyada, Iswiidhan waxeey xoog saarta dhaqaalaha dalka ayadoo maali galineeyso cilmi baarista saayniska. Ayadoo ee Iswiidhan yeelaneeysay aqoon ku saabsan dabiicada, waxeey Iswiidhan noqoneeysay mid wax si gaar ah uu soo saarto oo iska ilaaliso dibad-ka-keenka. Sidaas darteed 1740 waxaa la bilaabay machadka-aqoonta (vetenskapsakademi).

Sido kale 1700:yimadii waxaa bilaabatay mudo loo yaqan xiligii aqoonta. Markaas dalal badan oo Yurub ayaa helay dhaqaale ka wanaagsan kii hore. Intii lagu jiray 1700:yimadii waxeey yurub martay isbedelo badan, waxaa ka mid in dad barteen sida wax loo akhriyo iyo in dad badan calaamo su'aal saareen awooda kaniisada iyo dadka darajada sare ee ku lee yihiin bulshada. Arimaha dhaqaalaha iyo bulshada oo soo roonaatay ayadoo uu raacsan xilligi aqoonta fikradaha yimid, waxeey keentay in dib uu habeeyn iyo kacooni badan oo kashay bulshadii hore ee Yurub iyo Mareeykanka. Kacaankii ugu caansanaa wuxuu ahaa kacaanka dalka Fransiiska oo dhacay markii sannadku uu ahaa 1789.

Sanadkii 1771 Gustav III ayaa boqor ka noqday Iswiidhan. Markii ee xisbiyada siyaasadeed ee kala duwan isku bilaabeen ku jireen halgan ee isku beegsanayaan, ayuu boqorka dowlada af ganbiyay sanadkii 1772. Wuxuu isku dayaaye in uu korarsado awoodda dalka oo u keligii dalka u taliyo. Markaas ayee dhamaatay xilligi xuriyada. Arintaan eedeeyn badan ayaa ka dhalatay, Gustav III waxaa lagu dilay goob lagu xafladaynaayay 1792.

Dalka Iswiidhan xilligii 1800:meeyadii

Sannadihii 1796 ilaa 1809 Boqor Gustav IV Adolf ayaa ahaa boqorka dalka Iswiidan. Xilligii u boqorku dalka Iswiidan u talinaayay wuxuu dalka dagaal kula jiray dalka Rushka. Boqor Gustav IV Adolf waa looga gacan sareeyay dagaalkii, taasoo sababta in dalka Iswiidan ay dalka Finland ku wareejiso dalka Rushka. Laga bilaabo (1815) waxaa dalka Iswiidan ka jirtay nabad. Qanco la'anti loo qabay maamulkii Gustav IV Adolf iyo siyaasadii dagaaleed ee ku fashilmay waxeey keentay in 1809 boqortooyada uga tago adeerkiis Karl XIII. Isla xilligaas wuxuu baarlamaanka diyaariyay distoorka tilmaamayo xeerka hab-maamuleedka yareeyay awooda boqorka. Afar xeer ee distoorka laga bilaabaa 1809 waxeey ahaayeen:

  • Regeringsformen, qaabka dowladda ee ku qeexan habdhiska qaranka Iswiidhan.
  • Successionsordningen, oo ku qeexan sida boqortoyada loo kala dhaxlo.
  • Tryckfrihetsförordningen, xeerka sugaayo xorriyada ereyga isagoo qoran.
  • Riksdagsordningen, hab-dhiska baarlamaanka ee ku xusan afarta nooc e xildhibaano, darajo sare/nasab fiican, wadaadada, ganacsateyaasha iyo beeraleeyda.

Boqor Karl XIII ma lahayn wax carruur ah oo boqortoyda ka dhaxlaa. Sidaas awgeed, boqorka waxuu soo korsaday Jean Baptieste Bernadotte si uu asaga uu noqdo boqorka Iswiidhan. Jean Baptiste Bernadotte waxuu mideeyay dalka Iswiidan iyo dalka Norway, taasoo jirtay qiyaastii 100 sano. Markii sannadku uu ahaa 1865 waxaa la ciribtiray baarlamaankii xildhibaanadiisa ahaayeen afar nooc, (darajo sare/nasab fiican, wadaadada, ganacsateyaasha iyo beeraleeyda). Baarlamaanka waxaa loo yeelay laba guri oo loogu magacdaray Golaha.

1800:meejadii waxaa korarsamay tirada ummadda dalka Iswiidan. Biloowgii 1800:meejadii waxaa dalka ku nolaa 2,4 maljan qof. Markii sannadku uu ahaa 1900 waxaa ku nola 5,1 maljan qof. Sare u kaca tirada dadwaynaha waxay sababtay in dadwaynihii ay shaqo u raadsadaan degmooyin ka fog hoygooda. Dadyoow badan waxay shaqo u raadsadeen magaalooyinka waawayn iyo dalka Mareeykanka. Sannooyinkii u dhaxeeyeen 1865 iyo 1914 waxaa dalka Mareeykanka u guuray dadyoow tiradooda garayso hal maljan.

Godka naxaaska ee Falu, waa dhaxal dhaqan ee caalamiyeed Masawirqaade: Colourbox

Warshadaynta

Warshadaha waxay soo gaareen dalalka Waqooyiga Yurub goor dambe haddii la barbardhigo Yurub intiisa kale. Bartamihii 1800:meejadii dadyoowga dalka Iswiidan ku nool badidooda waxay falan jireen beeraha. 1860:meejadii waxaa dalka Iswiidan laga bilaabay dhisida wadooyinka tareenada. Tareenada waxay sababeen in dalka Iswiidan u dalal kale ka iibiyo alwaax iyo bir. Waxaa la dhisay warshado waawayn, maadaama la haystay makiinado waawayn waxaa bilaabatay in hawlihii hab sahlan loo qabto.