Horumarka demoqraddiyada Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 9 10 2018

Tani waa qoraalo ka yimi buuga Ku saabsan Iswiidhan

Dhacdooyin badan oo ka dhacay Iswiidhan ayaa saameeyn ku yeeashay hormarka demoqraaddiyada iyo muuqaalka bulshada waqtigaan hada la joogo. Dhacdooyin dhacay qarnigii 1800aad iyo 1900aad ayaa si gaar ah muhiim uu ahaa horumarka. Waxeey asaas uu dhigeen cariyeenta iyo demoqraaddiyada Iswiidhan.

Hab-dhiska xukunka 1809

Sharciyada Iswiidhan waa qornaayeen laga soo bilaabaa qarnigi 1300aad. Distoorka qaranka waa asaaska demooqraaddinimada Iswiidhan, waxaa lagu magacaabaa Regeringsformen (Hab-dhiska xukunka). Hab dhiska xukunka waxuu laga soo bilaabaa sanadkii 1809 mecno weeyn ugu fadhiyay hormarka demoqraaddiyada. Waxuu kaasi go'aamiyay in boqorka uu san kaligiis heeysan karin halka badalkiisa xukunka loo qeeybinaayo afar qeeybood:

  • Qeeybta xukunka (awooda fulinta) ayaa boqorka loo daayay.
  • Awooda canshuuraha la bixiyay waxaa loo dhiibay baarlamaanka.
  • Awooda xeer dajinta waxeey uu dhaxeeysay boqorka iyo barlamaanka.
  • Awooda garsoorka waxeey saarneed maxkamadaha.

Xataa haddii awooda talinta waagaas aheeyd mid la wadaago, demoqraaddiyad hormarsan ka ma jirin Iswiidhan. Laakin sharciyada cusub waxeey albaabka uu fureen hormarin demoqraaddiyad.

Xurriyadda daabacada iyo qoowlka iyo xurriyada diimaha

Hab dhiska xukunka ee sanadkii 1809 waxu sii xoojisay in badan oo ka mid ah xurriyadaha asaaska uu ah muwaadinka. Waxaa ka mid ah in Iswiidhan heshay isla 1766 sharci ku saabsan xurriyada daabacda iyo qoowlka, oo qeexay in dadka dhammaantood xaq uu lee yihiin arigtoodaada ku dhibtaan qoraal ahaan iyo af ahaanba. Hab dhiska xukunka ee 1809 waxuu go'aamiyay in dadka dhammaantood xaq uu lee yihiin doorashada diinta ee rabaan.

Dugsi dhishada dadweeynaha guud

Sanadkii 1842 waxaa Iswiidhan la soo dajiyay dugsi dhishada dadweeynaha guud. Taasi mecnaheed waxeey aheeyd in caruurta dhammaantood ku qasban yihiin dhigashada dugsi. Dad badan ayaa bartay sida wax loo qoro iyo loo akhriyo. Taasi waxeey muhiim uu aheeyd hormarka demoqraaddiyada dalka Iswiidhan.

Ururada dadweeynaha iyo xurriyada ururada

Ururada dadweeynaha sida ururada ciribtirida khamro cabida, kaniisadaha madaxabanaan, ururada dumarka, ururada shaqaalaha iyo xisbiyada siyaasada waxeey Iswiidhan ku soo koreen dhamaadkii sanadyadii 1800aad. Tani muhiim ayee uu aheeyd demoqraaddiyada. Ayagoo eey dadka kooxo ee dhisteen ku biiraayeen, waxeey dadka si sahlan uu sheeganayeen waxa ee doonaayen in ee bulshada ka badalaan. Ururada dadweeynaha waxeey dadka ka bartaan is maamulida, habka kulamada looga qeeyb qaato iyo waxqabadka loo baahan yahay si loo gaaro isbedel. Ururada kala duwan waxeey uu shaqeeynaayeen arrimo kala duwan. Ururada shaqaalaha waxeey tusaale ahaan uu sheeganaayeen, wanaajinta xaalada shaqada iyo xaqcodeeynta aan ku xirneeyn jinsi iyo dakhli.

Sanadkii 1909 waxeey ragga Iswiidhan badankood heleen xaqqa-codeeynta. Sanadkii 1919 waxaa go'aan lagu gaaray in dumarka xaq ka qeeyb qaadashada codeeynta doorashada degmooyinka. Laga bilaabaa sanadkii 1921 waxeey dadka waaweeyn oo dhan, dumarka iyo raggaba, xaq uu yeesheen doorashada guud ee Iswiidhan.